< Sabuurradii 137 >
1 Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon, Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
Na vodama Vavilonskim sjeðasmo i plakasmo opominjuæi se Siona.
2 Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
O vrbama sred njega vješasmo harfe svoje.
3 Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay, Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen, Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
Ondje iskahu koji nas zarobiše da pjevamo, i koji nas oboriše da se veselimo: “pjevajte nam pjesmu Sionsku.”
4 Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa Dal qalaad dhexdiis?
Kako æemo pjevati pjesmu Gospodnju u zemlji tuðoj?
5 Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo, Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
Ako zaboravim tebe, Jerusalime, neka me zaboravi desnica moja.
6 Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga, Haddaanan ku xusuusan, Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan Farxaddayda ugu weyn.
Neka prione jezik moj za usta moja, ako tebe ne uspamtim, ako ne uzdržim Jerusalima svrh veselja svojega.
7 Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom, Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi, Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
Napomeni, Gospode, sinovima Edomovijem dan Jerusalimski, kad govoriše: raskopajte, raskopajte ga do temelja.
8 Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa, Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya Sidii aad nagu samaysay.
Kæeri Vavilonska, krvnico, blago onome ko ti plati za djelo koje si nama uèinila!
9 Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.
Blago onome koji uzme i razbije djecu tvoju o kamen.