< Sabuurradii 136 >

1 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
הודו ליהוה כי טוב כי לעולם חסדו׃
2 Ku mahadnaqa Ilaaha ilaahyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
הודו לאלהי האלהים כי לעולם חסדו׃
3 Ku mahadnaqa Sayidka sayidyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
הודו לאדני האדנים כי לעולם חסדו׃
4 Kan keligiis sameeya yaabab waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
לעשה נפלאות גדלות לבדו כי לעולם חסדו׃
5 Kan samada waxgarashada ku sameeyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
לעשה השמים בתבונה כי לעולם חסדו׃
6 Kan dhulka biyaha korkooda ku goglay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
לרקע הארץ על המים כי לעולם חסדו׃
7 Kan sameeyey iftiimmo waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
לעשה אורים גדלים כי לעולם חסדו׃
8 Qorraxdu inay maalinta xukunto, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
את השמש לממשלת ביום כי לעולם חסדו׃
9 Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
את הירח וכוכבים לממשלות בלילה כי לעולם חסדו׃
10 Kan Masar curadyadii ka laayay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
למכה מצרים בבכוריהם כי לעולם חסדו׃
11 Oo reer binu Israa'iilna ka soo dhex saaray, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
ויוצא ישראל מתוכם כי לעולם חסדו׃
12 Kan kaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
ביד חזקה ובזרוע נטויה כי לעולם חסדו׃
13 Kan Badda Cas kala qaybiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
לגזר ים סוף לגזרים כי לעולם חסדו׃
14 Oo reer binu Israa'iilna dhex marshay iyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
והעביר ישראל בתוכו כי לעולם חסדו׃
15 Laakiinse Fircoon iyo ciidankiisiiba wuu ku afgembiyey Badda Cas dhexdeeda, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
ונער פרעה וחילו בים סוף כי לעולם חסדו׃
16 Kan dadkiisa cidlada dhex hoggaamiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
למוליך עמו במדבר כי לעולם חסדו׃
17 Kan boqorro waaweyn wax ku dhuftay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
למכה מלכים גדלים כי לעולם חסדו׃
18 Oo laayay boqorro caan ah, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
ויהרג מלכים אדירים כי לעולם חסדו׃
19 Kuwaas oo ahaa Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
לסיחון מלך האמרי כי לעולם חסדו׃
20 Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
ולעוג מלך הבשן כי לעולם חסדו׃
21 Oo dalkoodiina u bixiyey dhaxal ahaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
ונתן ארצם לנחלה כי לעולם חסדו׃
22 Kaasoo ahaa dhaxalkii uu siiyey addoonkiisii Israa'iil, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
נחלה לישראל עבדו כי לעולם חסדו׃
23 Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
שבשפלנו זכר לנו כי לעולם חסדו׃
24 Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
ויפרקנו מצרינו כי לעולם חסדו׃
25 Kan cunto siiya wax kastoo jidh leh, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
נתן לחם לכל בשר כי לעולם חסדו׃
26 Ku mahadnaqa Ilaaha samada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
הודו לאל השמים כי לעולם חסדו׃

< Sabuurradii 136 >