< Sabuurradii 125 >

1 Kuwa Rabbiga isku halleeyaa Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.
Wimbo wa kwenda juu. Wale wamtumainio Bwana ni kama mlima Sayuni, ambao hauwezi kutikisika, bali wadumu milele.
2 Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay, Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.
Kama milima inavyozunguka Yerusalemu, ndivyo Bwana anavyowazunguka watu wake sasa na hata milele.
3 Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah, Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.
Fimbo ya waovu haitadumu juu ya nchi waliopewa wenye haki, ili wenye haki wasije wakatumia mikono yao kutenda ubaya.
4 Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.
Ee Bwana, watendee mema walio wema, wale walio wanyofu wa moyo.
5 Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
Bali wale wanaogeukia njia zilizopotoka, Bwana atawafukuza pamoja na watenda mabaya. Amani iwe juu ya Israeli.

< Sabuurradii 125 >