< Sabuurradii 121 >

1 Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?
שיר למעלות אשא עיני אל ההרים מאין יבא עזרי׃
2 Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.
עזרי מעם יהוה עשה שמים וארץ׃
3 Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono.
אל יתן למוט רגלך אל ינום שמרך׃
4 Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa Ma gam'i doono, mana seexan doono.
הנה לא ינום ולא יישן שומר ישראל׃
5 Kan ku dhawraa waa Rabbiga, Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.
יהוה שמרך יהוה צלך על יד ימינך׃
6 Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.
יומם השמש לא יככה וירח בלילה׃
7 Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.
יהוה ישמרך מכל רע ישמר את נפשך׃
8 Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.
יהוה ישמר צאתך ובואך מעתה ועד עולם׃

< Sabuurradii 121 >