< Sabuurradii 119 >

1 Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman, Oo sharciga Rabbiga ku socda.
Albarka ta tabbata ga waɗanda rayuwarsu ba ta da abin zargi, waɗanda suke tafiya bisa ga dokar Ubangiji.
2 Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa, Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.
Albarka ta tabbata ga waɗanda suke kiyaye ƙa’idodinsa suke kuma nemansa da dukan zuciyarsu.
3 Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan, Jidadkiisase way ku socdaan.
Ba sa yin wani abin da ba daidai ba; suna tafiya a hanyoyinsa.
4 Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.
Ka shimfiɗa farillan da dole a yi biyayya da su.
5 Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro!
Kash, da a ce hanyoyina tsayayyu ne a yin biyayya da ƙa’idodinka mana!
6 Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
Da ba zan sha kunya ba sa’ad da na lura da dukan umarnanka.
7 Markaan barto xukummadaada xaqa ah Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.
Zan yabe ka da zuciya ta gaskiya yayinda nake koyon dokokinka masu adalci.
8 Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.
Zan yi biyayya da ƙa’idodinka; kada ka yashe ni ɗungum.
9 Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa? Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
Yaya matashi zai kiyaye hanyarsa da tsabta? Sai ta yin rayuwa bisa ga maganarka.
10 Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.
Na neme ka da dukan zuciyata; kada ka bar ni in kauce daga umarnanka.
11 Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.
Na ɓoye maganarka a cikin zuciyata don kada in yi maka zunubi.
12 Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
Yabo ya tabbata gare ka, ya Ubangiji; ka koya mini ƙa’idodinka.
13 Waxaan bushimahayga ku sheegay Xukummadii afkaaga oo dhan.
Da leɓunana na ba da labarin dukan dokokin da suka fito bakinka.
14 Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga, Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.
Na yi farin ciki da bin farillanka yadda mutum yakan yi farin ciki da arziki mai yawa.
15 Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
Na yi tunani a kan farillanka na kuma lura da hanyoyinka.
16 Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.
Na yi murna a cikin ƙa’idodinka; ba zan ƙyale maganarka ba.
17 Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado, Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.
Ka yi alheri ga bawanka, zan kuwa rayu; zan yi biyayya da maganarka.
18 Indhahayga fur Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
Ka buɗe idanuna don in iya gani abubuwan banmamaki a cikin dokarka.
19 Socotaan dhulka ku ahay, Haddaba amarradaada ha iga qarin.
Ni baƙo ne a duniya; kada ka ɓoye mini umarnanka.
20 Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.
Zuciyata ta ƙosa saboda marmari don dokokinka koyaushe.
21 Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran, Oo amarrada ka leexda.
Ka tsawata wa masu fariya, waɗanda suke la’anta waɗanda kuma suka kauce daga umarnanka.
22 Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,
Ka cire mini ba’a da reni, gama ina kiyaye farillanka.
23 Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay, Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.
Ko da yake masu mulki sun zauna tare suna ɓata mini suna, bawanka zai yi tunani a kan ƙa’idodinka.
24 Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya, Waana lataliyayaashayda.
Farillanka ne abin farin cikina; su ne mashawartana.
25 Naftaydu waxay ku dhegtaa ciidda, Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.
An kwantar da ni ƙasa cikin ƙura; ka kiyaye raina bisa ga maganarka.
26 Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.
Na ba da labari hanyoyina ka kuma amsa mini; ka koya mini ƙa’idodinka.
27 Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.
Bari in gane koyarwar farillanka; sa’an nan zan yi tunani a kan abubuwan banmamakinka.
28 Naftaydu waxay la dhacdaa murug, Haddaba ii xoogee si eraygaaga waafaqsan.
Raina ya gaji da baƙin ciki; ka ƙarfafa ni bisa ga maganarka.
29 Jidka beenta iga fogee, Oo si raxmad leh sharcigaaga ii sii.
Ka kiyaye ni daga hanyoyin ruɗu; ka yi mini alheri ta wurin dokokinka.
30 Waxaan doortay jidka aaminnimadaada, Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.
Na zaɓi hanyar gaskiya; na sa zuciyata a kan dokokinka.
31 Markhaatifurkaaga waan xajiyaa, Rabbiyow, ha i ceebayn.
Na riƙe farillanka kankan, ya Ubangiji; kada ka sa in sha kunya.
32 Waxaan ku ordi doonaa jidka amarradaada Markii aad qalbigayga ballaadhisid.
Ina gudu a kan hanyar umarnanka, gama ka’yantar da zuciyata.
33 Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
Ka koya mini Ya Ubangiji, don in bi ƙa’idodinka; sa’an nan zan kiyaye su har ƙarshe.
34 Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
Ka ba ni ganewa, zan kuwa kiyaye dokarka in kuma yi biyayya da ita da dukan zuciyata.
35 Igu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.
Ka bi da ni a hanyar umarnanka, gama a can zan sami farin ciki.
36 Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga, Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.
Ka juye zuciyata wajen farillanka ba wajen riba ta sonkai ba.
37 Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi, Oo jidadkaaga igu noolee.
Ka juye idanuna daga abubuwa marasa amfani; ka kiyaye raina bisa ga maganarka.
38 Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah Oo doonaya inaan kaa cabsado.
Ka cika alkawarinka ga bawanka, saboda a ji tsoronka.
39 Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi, Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.
Ka kawar da shan kunyar da nake tsoro, gama dokokinka nagari ne.
40 Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.
Ina marmarin farillanka ƙwarai! Ka kiyaye raina cikin adalcinka.
41 Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.
Bari ƙaunarka marar ƙarewa ta zo gare ni, ya Ubangiji, cetonka bisa ga alkawarinka;
42 Markaasaan jawaab u heli doonaa kan i caaya, Waayo, waxaan isku halleeyaa eraygaaga.
sa’an nan zan amsa wa masu cin mutuncina, gama na dogara ga maganarka.
43 Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.
Kada ka ƙwace maganarka daga bakina, gama na sa zuciyata a dokokinka.
44 Markaasaan had iyo goorba dhawri doonaa sharcigaaga Weligay iyo weligayba.
Kullayaumi zan yi biyayya da dokokinka, har abada abadin.
45 Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
Zan yi ta yawo a sake gama na nemi farillanka.
46 Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda, Mana ceeboobi doono.
Zan yi maganar farillanka a gaban sarakuna ba kuwa za a kunyata ni ba,
47 Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.
gama ina farin ciki da umarnanka saboda ina ƙaunarsu.
48 Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday, Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
Na ɗaga hannuwana ga umarnanka, waɗanda nake ƙauna, ina kuma tunani a kan ƙa’idodinka.
49 Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.
Tuna da maganarka ga bawanka, gama ka ba ni bege.
50 Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.
Ta’aziyyata cikin wahalata ita ce alkawarinka yana kiyaye raina.
51 Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen, Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.
Masu fariya suna yi mini ba’a ba tare da an hana su ba, amma ban rabu da dokar ba.
52 Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.
Na tuna da dokokinka na tun dā, ya Ubangiji, na kuwa sami ta’aziyya a cikinsu.
53 Aad baan u xanaaqay, Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.
Fushi ya kama ni saboda mugaye, waɗanda suka keta dokokinka.
54 Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.
Ƙa’idodinka su ne kan waƙata a duk inda na sauka.
55 Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay, Oo sharcigaagaan dhawray.
Da dare na tuna da sunanka, ya Ubangiji, zan kuwa kiyaye dokarka.
56 Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.
Wannan shi ne na saba yi, ina yin biyayya da farillanka.
57 Rabbigu waa qaybtayda, Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.
Kai ne rabona, ya Ubangiji; na yi alkawarin in kiyaye maganarka.
58 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato, Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.
Na nemi fuskarka da dukan zuciyata; ka yi mini alheri bisa ga alkawarinka.
59 Waxaan ka fikiray jidadkayga, Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.
Na lura da hanyoyina na kuma mayar da matakaina ga farillanka.
60 Waan u degdegay, oo kama aan raagin Inaan amarradaada dhawro.
Zan gaggauta ba zan ɓata lokaci ba in yi biyayya da umarnanka.
61 Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh, Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.
Ko da yake mugaye sun ɗaura ni da igiyoyi, ba zan manta da dokokinka ba.
62 Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo, Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.
Da tsakar dare nakan tashi in gode maka saboda dokokinka masu adalci.
63 Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan, Iyo kuwa amarradaada dhawraba.
Ni aboki ne ga duk mai tsoronka, ga duk wanda yake bin farillanka.
64 Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
Duniya ta cika da ƙaunarka, ya Ubangiji; ka koya mini ƙa’idodinka.
65 Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.
Ka yi wa bawanka alheri bisa ga maganarka, ya Ubangiji.
66 Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
Ka koya mini sani da kuma hukunci mai kyau, gama na gaskata a umarnanka.
67 Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday, Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.
Kafin in sha wahala na kauce, amma yanzu ina biyayya da maganarka.
68 Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
Kai nagari ne, kuma abin da kake yi yana da kyau; ka koya mini ƙa’idodinka.
69 Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.
Ko da yake masu fariya sun shafe ni da ƙarairayi, na kiyaye farillanka da dukan zuciyata.
70 Qalbigoodu wuu qallafsanaaday, Aniguse waxaan ku farxaa sharcigaaga.
Zukatansu sun yi tauri da kuma marasa tausayi amma ina farin ciki a dokarka.
71 Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo, Si aan qaynuunnadaada u barto.
Ya yi kyau da na sha wahala don in koyi ƙa’idodinka.
72 Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay Kumanyaal dahab iyo lacag ah.
Doka daga bakinka ya fi mini daraja fiye da azurfa da zinariya guda dubu.
73 Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
Hannuwanka ne suka yi suka kuma siffanta ni; ka ba ni ganewa don in koyi umarnanka.
74 Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan, Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.
Bari waɗanda suke tsoronka su yi farin ciki sa’ad da suke gan ni, gama na sa zuciyata a maganarka.
75 Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin, Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.
Ya Ubangiji na sani, cewa dokokinka masu adalci ne, kuma cikin aminci ka hore ni.
76 Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.
Bari ƙaunarka marar ƙarewa tă yi mini ta’aziyya, bisa ga alkawarinka ga bawanka.
77 Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado, Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.
Bari tausayinka yă zo mini don in rayu, gama dokarka ce farin cikina.
78 Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen, Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.
Bari masu girman kai su sha kunya saboda abubuwa marasa kyau da suke yi mini ba dalili; amma zan yi tunani a kan farillanka.
79 Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen, Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.
Bari waɗanda suke tsoronka su juya gare ni, waɗanda suka gane da farillanka.
80 Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado, Si aanan u ceeboobin.
Bari zuciyata ta kasance marar abin zargi wajen ƙa’idodinka, don kada in sha kunya.
81 Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed, Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.
Raina ya tafke da marmari don cetonka, amma na sa zuciyata a maganarka.
82 Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa? Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.
Idanuna sun gaji, suna jiran alkawarinka; Na ce, “Yaushe za ka ta’azantar da ni?”
83 Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro, Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.
Ko da yake ni kamar salkar ruwan inabi ne a cikin hayaƙi, ban manta da ƙa’idodinka ba.
84 Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee? Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?
Har yaushe bawanka zai yi ta jira? Yaushe za ka hukunta masu tsananta mini?
85 Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn Ayaa ii qoday godad.
Masu girman kai sun haƙa mini rami, sun ƙetare dokarka.
86 Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
Dukan umarnanka abin dogara ne; ka taimake ni, gama mutane suna tsananta mini ba dalili.
87 Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.
Sun kusa gama da ni a duniya, amma ban bar bin farillanka ba.
88 Raxmaddaada igu soo noolee, Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.
Ka kiyaye raina bisa ga ƙaunarka, zan kuwa yi biyayya da farillan bakinka.
89 Rabbiyow, eraygaagu weligiisba Wuxuu taagan yahay samada.
Maganarka, ya Ubangiji madawwamiya ce; tana nan daram a cikin sammai.
90 Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab; Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.
Amincinka yana cin gaba cikin dukan zamanai; ka kafa duniya ta kuma dawwama.
91 Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan, Waayo, wax waluba waa addoommadaada.
Dokokinka sun dawwama har yă zuwa yau, gama dukan abubuwa suna maka hidima.
92 Haddaanu sharcigaagu iga farxin, Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.
Da ba don dokarka ce farin cikina ba, da na hallaka a cikin azabana.
93 Weligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.
Ba zan taɓa manta da farillanka ba, gama ta wurinsu ne ka kiyaye raina.
94 Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
Ka cece ni, gama ni naka ne; na yi ƙoƙarin neman farillanka.
95 Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.
Mugaye suna jira su hallaka ni, amma zan yi ta tunani a kan farillanka.
96 Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin, Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.
Ga duk cikakke na ga kāsawa; amma umarnanka ba su da iyaka.
97 Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
Kash, ga yadda nake ƙaunar dokarka! Ina tunani a kanta dukan yini.
98 Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda. Waayo, weligayba way ila jiraan.
Umarnanka suna sa in zama mai hikima fiye da abokan gābana, gama kullum suna tare da ni.
99 Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
Ina da ganewa sosai fiye da dukan malamaina, gama ina tunani a kan farillanka.
100 Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha, Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.
Ina da ganewa fiye da dattawa, gama ina biyayya da farillanka.
101 Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.
Na kiyaye ƙafafuna daga kowace muguwar hanya domin in yi biyayya da maganarka.
102 Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.
Ban rabu da dokokinka ba, gama kai da kanka ne ka koya mini.
103 Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa! Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!
Ɗanɗanon maganarka akwai zaki, sun ma fi zuma zaki a bakina!
104 Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.
Na sami ganewa daga farillanka; saboda haka ina ƙin kowace hanyar da ba daidai ba.
105 Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.
Maganarka fitila ce ga ƙafafuna haske kuma a kan hanyata.
106 Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
Na yi rantsuwa na kuma tabbatar da shi, cewa zan bi dokokinka masu adalci.
107 Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay, Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
Na sha wahala sosai; ka kiyaye raina, ya Ubangiji, bisa ga maganarka.
108 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga, Xukummadaadana i bar.
Ka karɓi yabon bakina da nake yi da yardar rai, ya Ubangiji, ka kuwa koya mini dokokinka.
109 Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar, Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.
Ko da yake kullum ina riƙe da raina a hannuwana, ba zan manta da dokarka ba.
110 Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.
Mugaye sun kafa mini tarko, amma ban kauce daga farillanka ba.
111 Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya, Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.
Farillanka su ne gādona har abada; su ne farin cikin zuciyata.
112 Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo, Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.
Zuciyata ta shirya a kan kiyaye ƙa’idodinka har ƙarshe.
113 Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
Na ƙi mutane masu baki biyu, amma ina ƙauna dokarka.
114 Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.
Kai ne mafakata da garkuwata; na sa zuciyata a maganarka.
115 Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.
Ku rabu da ni, ku masu aikata mugunta, don in kiyaye umarnan Allahna!
116 Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado, Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.
Ka raya ni bisa ga alkawarinka, zan kuwa rayu; kada ka bari a gwale sa zuciyata.
117 Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
Ka riƙe ni za a kuma cece ni; kullayaumi zan ɗauka ƙa’idodinka da muhimmanci.
118 Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay, Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.
Ka ki dukan waɗanda suka kauce daga ƙa’idodinka, gama yaudararsu banza ne.
119 Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
Dukan mugayen duniya ka zubar kamar datti; saboda haka nake ƙaunar farillanka.
120 Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.
Naman jikina na rawan jiki don tsoronka; na cika da tsoron dokokinka.
121 Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad, Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.
Na aikata abin da yake mai adalci da kuma daidai; kada ka ni a hannun masu danne ni.
122 Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino, Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.
Ka tabbatar da lafiyar bawanka; kada ka bar masu girman kai su danne ni.
123 Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
Idanuna sun gaji, da jiran cetonka, da jiran alkawarinka mai adalci.
124 Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan, Oo qaynuunnadaada i bar.
Ka yi da bawanka bisa ga ƙaunarka ka kuma koya mini ƙa’idodinka.
125 Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
Ni bawanka ne, ka ba ni fahimi don in gane farillanka.
126 Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow, Waayo, sharcigaaga way buriyeen.
Lokaci ya yi da za ka yi wani abu, ya Ubangiji; ana karya dokarka.
127 Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
Saboda ina ƙaunar umarnanka fiye da zinariya, kai, fiye da zinariya zalla,
128 Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
saboda kuma ina lura da dukan farillanka da kyau, na ƙi kowace hanyar da ba daidai ba.
129 Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
Farillanka masu banmamaki ne; saboda haka nake yin biyayya da su.
130 Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
Fassarar maganganunka sukan ba da haske; sukan ba da ganewa ga marar ilimi.
131 Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
Ina hakkin da bakina a buɗe, ina marmarin umarnanka.
132 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
Ka juye wurina ka kuma yi mini jinƙai, yadda kullum ka yi wa waɗanda suke ƙaunar sunanka.
133 Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.
Ka bi da sawuna bisa ga maganarka; kada ka bar zunubi yă mallake ni.
134 Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
Ka fanshe ni daga mutane masu danniya, don in yi biyayya da farillanka.
135 Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi, Oo qaynuunnadaada i bar.
Ka sa fuskarka ta haskaka a kan bawanka ka kuma koya mini ƙa’idodinka.
136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.
Hawaye suna malalowa daga idanuna kamar rafi, gama ba a biyayya da dokarka.
137 Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
Mai adalci ne kai, ya Ubangiji, dokokinka kuma daidai ne.
138 Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo Iyo daacadnimo oo dhan.
Farillan da ka shimfiɗa masu adalci ne; su kuma abin dogara ne ƙwarai.
139 Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.
Kishina ya cinye ni ɗungum, gama abokan gābana sun yi biris da maganganunka.
140 Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
An gwada alkawuranka sarai, bawanka kuwa yana ƙaunarsu.
141 Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.
Ko da yake ni ba kome ba ne an kuwa rena ni, ba na manta da farillanka.
142 Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa, Oo sharcigaaguna waa run.
Adalcinka dawwammame ne dokar kuma gaskiya ce.
143 Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
Wahala da damuwa suna a kaina, amma umarnanka su ne farin cikina.
144 Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.
Farillanka daidai ne har abada; ka ba ni ganewa don in rayu.
145 Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab, Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.
Na yi kira da dukan zuciyata; ka amsa mini, ya Ubangiji, zan kuwa yi biyayya da ƙa’idodinka.
146 Waan kuu qayshaday ee i badbaadi, Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.
Na yi kira gare ka; ka cece ni zan kuwa kiyaye farillanka.
147 Waan ka soo hor maray waaga berigiisii, oo waan qayliyey, Oo waxaan rajo ku qabay erayadaada.
Na tashi kafin fitowar rana na kuma yi kukan neman taimako; na sa zuciyata a maganarka.
148 Indhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeennimo, Si aan eraygaaga uga fikiro.
Ban rufe idanuna ba dukan dare, don in yi tunani a kan alkawuranka.
149 Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan, Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
Ka ji muryata bisa ga ƙaunarka; ka kiyaye raina, ya Ubangiji, bisa ga dokokinka.
150 Kuwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan, Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.
Waɗanda suke ƙirƙiro mugayen dabaru suna nan kusa, amma suna nesa da dokarka.
151 Rabbiyow, adigu waad dhow dahay, Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.
Duk da haka kana kusa, ya Ubangiji, kuma dukan umarnanka gaskiya ne.
152 Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.
Tun tuni na koyi daga farillanka cewa ka kafa su su kasance har abada.
153 Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi, Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.
Ka dubi wahalata ka cece ni, gama ban manta da dokarka ba.
154 Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo, Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
Ka kāre manufata ka kuma fanshe ni, ka cece rai na kamar yadda ka alkawarta!
155 Kuwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay, Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.
Ceto yana nesa da mugaye, gama ba sa neman ƙa’idodinka.
156 Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay, Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
Tausayinka da girma yake, ya Ubangiji; ka kiyaye raina bisa ga dokokinka.
157 Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.
Maƙiya masu yawa ne suke tsananta mini, amma ban rabu da farillanka ba.
158 Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
Na dubi marasa aminci da ƙyama, gama ba sa yin biyayya da maganarka.
159 Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
Dubi yadda nake ƙaunar farillanka; ka kiyaye raina, ya Ubangiji, bisa ga ƙaunarka.
160 Eraygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.
Dukan maganganunka gaskiya ne; dukan dokokinka masu adalci madawwami ne.
161 Amiirraa sababla'aan ii silciyey, Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.
Masu mulki suna tsananta mini ba dalili, amma zuciyata na rawan jiki game da maganarka.
162 Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa Sidii mid booli badan helay.
Ina farin ciki da alkawarinka kamar yadda wani kan sami ganima mai girma.
163 Beenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
Na ƙi ina kuma ƙyamar ƙarya amma ina ƙaunar dokarka.
164 Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa, Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.
Sau bakwai a rana ina yabonka saboda dokokinka masu adalci.
165 Kuwa sharcigaaga jecelu waxay haystaan nabad weyn, Oo wax iyaga turuntureeyaa ma jiraan.
Waɗanda suke ƙaunar dokarka suna da babban salama, kuma babu abin da zai sa su yi tuntuɓe.
166 Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.
Ina jiran cetonka, ya Ubangiji, ina kuma bin umarnanka.
167 Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
Ina biyayya da farillanka, gama ina ƙaunarsu ƙwarai.
168 Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.
Ina biyayya da farillanka da kuma koyarwarka, gama dukan hanyoyina sanannu ne gare ka.
169 Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada, Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.
Bari kukata ta zo gare ka, ya Ubangiji; ka ba ni ganewa bisa ga maganarka.
170 Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.
Bari roƙona yă zo gabanka; ka cece ni bisa ga alkawarinka.
171 Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
Bari leɓunana su cika da yabonka, gama ka koya mini ƙa’idodinka.
172 Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.
Bari harshena yă rera game da maganarka, gama dukan umarnanka masu adalci ne.
173 Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso, Waayo, amarradaadaan doortay.
Bari hannunka yă kasance a shirye don yă taimake ni, gama na zaɓi farillanka.
174 Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
Ina marmarin cetonka, ya Ubangiji, dokarka kuwa ita ce farin cikina.
175 Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa, Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.
Bari in rayu don in yabe ka, bari kuma dokokinka su raya ni.
176 Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon, Waayo, amarradaada ma aan illoobo.
Na kauce kamar ɓatacciyar tunkiya. Ka nemi bawanka, gama ban manta da umarnanka ba.

< Sabuurradii 119 >