< Sabuurradii 119 >

1 Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman, Oo sharciga Rabbiga ku socda.
Blessed are they that are perfect in the way, who walk in the law of the LORD.
2 Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa, Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.
Blessed are they that keep his testimonies, that seek him with the whole heart.
3 Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan, Jidadkiisase way ku socdaan.
Yea, they do no unrighteousness; they walk in his ways.
4 Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.
Thou hast commanded [us] thy precepts, that we should observe them diligently.
5 Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro!
Oh that my ways were established to observe thy statutes!
6 Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
Then shall I not be ashamed, when I have respect unto all thy commandments.
7 Markaan barto xukummadaada xaqa ah Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.
I will give thanks unto thee with uprightness of heart, when I learn thy righteous judgments.
8 Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.
I will observe thy statutes: O forsake me not utterly.
9 Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa? Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
Wherewithal shall a young man cleanse his way? by taking heed [thereto] according to thy word.
10 Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.
With my whole heart have I sought thee: O let me not wander from thy commandments.
11 Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.
Thy word have I laid up in mine heart, that I might not sin against thee.
12 Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
Blessed art thou, O LORD: teach me thy statutes.
13 Waxaan bushimahayga ku sheegay Xukummadii afkaaga oo dhan.
With my lips have I declared all the judgments of thy mouth.
14 Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga, Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.
I have rejoiced in the way of thy testimonies, as much as in all riches.
15 Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
I will meditate in thy precepts, and have respect unto thy ways.
16 Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.
I will delight myself in thy statutes: I will not forget thy word.
17 Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado, Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.
Deal bountifully with thy servant, that I may live; so will I observe thy word.
18 Indhahayga fur Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
Open thou mine eyes, that I may behold wondrous things out of thy law.
19 Socotaan dhulka ku ahay, Haddaba amarradaada ha iga qarin.
I am a sojourner in the earth: hide not thy commandments from me.
20 Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.
My soul breaketh for the longing that it hath unto thy judgments at all times.
21 Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran, Oo amarrada ka leexda.
Thou hast rebuked the proud that are cursed, which do wander from thy commandments.
22 Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,
Take away from me reproach and contempt; for I have kept thy testimonies.
23 Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay, Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.
Princes also sat and talked against me: [but] thy servant did meditate in thy statutes.
24 Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya, Waana lataliyayaashayda.
Thy testimonies also are my delight [and] my counsellors.
25 Naftaydu waxay ku dhegtaa ciidda, Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.
My soul cleaveth unto the dust: quicken thou me according to thy word.
26 Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.
I declared my ways, and thou answeredst me: teach me thy statutes.
27 Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.
Make me to understand the way of thy precepts: so shall I meditate of thy wondrous works.
28 Naftaydu waxay la dhacdaa murug, Haddaba ii xoogee si eraygaaga waafaqsan.
My soul melteth for heaviness: strengthen thou me according unto thy word.
29 Jidka beenta iga fogee, Oo si raxmad leh sharcigaaga ii sii.
Remove from me the way of falsehood: and grant me thy law graciously.
30 Waxaan doortay jidka aaminnimadaada, Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.
I have chosen the way of faithfulness: thy judgments have I set [before me].
31 Markhaatifurkaaga waan xajiyaa, Rabbiyow, ha i ceebayn.
I cleave unto thy testimonies: O LORD, put me not to shame.
32 Waxaan ku ordi doonaa jidka amarradaada Markii aad qalbigayga ballaadhisid.
I will run the way of thy commandments, when thou shalt enlarge my heart.
33 Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
Teach me, O LORD, the way of thy statutes; and I shall keep it unto the end.
34 Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
Give me understanding, and I shall keep thy law; yea, I shall observe it with my whole heart.
35 Igu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.
Make me to go in the path of thy commandments; for therein do I delight.
36 Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga, Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.
Incline my heart unto thy testimonies, and not to covetousness.
37 Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi, Oo jidadkaaga igu noolee.
Turn away mine eyes from beholding vanity, and quicken me in thy ways.
38 Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah Oo doonaya inaan kaa cabsado.
Confirm thy word unto thy servant, which [belongeth] unto the fear of thee.
39 Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi, Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.
Turn away my reproach whereof I am afraid; for thy judgments are good.
40 Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.
Behold, I have longed after thy precepts: quicken me in thy righteousness.
41 Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.
Let thy mercies also come unto me, O LORD, even thy salvation, according to thy word.
42 Markaasaan jawaab u heli doonaa kan i caaya, Waayo, waxaan isku halleeyaa eraygaaga.
So shall I have an answer for him that reproacheth me; for I trust in thy word.
43 Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.
And take not the word of truth utterly out of my mouth; for I have hoped in thy judgments.
44 Markaasaan had iyo goorba dhawri doonaa sharcigaaga Weligay iyo weligayba.
So shall I observe thy law continually for ever and ever.
45 Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
And I will walk at liberty; for I have sought thy precepts.
46 Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda, Mana ceeboobi doono.
I will also speak of thy testimonies before kings, and will not be ashamed.
47 Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.
And I will delight myself in thy commandments, which I have loved.
48 Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday, Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
I will lift up my hands also unto thy commandments, which I have loved; and I will meditate in thy statutes.
49 Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.
Remember the word unto thy servant, because thou hast made me to hope.
50 Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.
This is my comfort in my affliction: for thy word hath quickened me.
51 Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen, Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.
The proud have had me greatly in derision: [yet] have I not swerved from thy law.
52 Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.
I have remembered thy judgments of old, O LORD, and have comforted myself.
53 Aad baan u xanaaqay, Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.
Hot indignation hath taken hold upon me, because of the wicked that forsake thy law.
54 Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.
Thy statutes have been my songs in the house of my pilgrimage.
55 Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay, Oo sharcigaagaan dhawray.
I have remembered thy name, O LORD, in the night, and have observed thy law.
56 Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.
This I have had, because I kept thy precepts.
57 Rabbigu waa qaybtayda, Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.
The LORD is my portion: I have said that I would observe thy words.
58 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato, Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.
I entreated thy favour with my whole heart: be merciful unto me according to thy word.
59 Waxaan ka fikiray jidadkayga, Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.
I thought on my ways, and turned my feet unto thy testimonies.
60 Waan u degdegay, oo kama aan raagin Inaan amarradaada dhawro.
I made haste, and delayed not, to observe thy commandments.
61 Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh, Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.
The cords of the wicked have wrapped me round; [but] I have not forgotten thy law.
62 Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo, Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.
At midnight I will rise to give thanks unto thee because of thy righteous judgments.
63 Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan, Iyo kuwa amarradaada dhawraba.
I am a companion of all them that fear thee, and of them that observe thy precepts.
64 Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
The earth, O LORD, is full of thy mercy: teach me thy statutes.
65 Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.
Thou hast dealt well with thy servant, O LORD, according unto thy word.
66 Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
Teach me good judgment and knowledge; for I have believed in thy commandments.
67 Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday, Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.
Before I was afflicted I went astray; but now I observe thy word.
68 Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
Thou art good, and doest good; teach me thy statutes.
69 Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.
The proud have forged a lie against me: with my whole heart will I keep thy precepts.
70 Qalbigoodu wuu qallafsanaaday, Aniguse waxaan ku farxaa sharcigaaga.
Their heart is as fat as grease; but I delight in thy law.
71 Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo, Si aan qaynuunnadaada u barto.
It is good for me that I have been afflicted; that I might learn thy statutes.
72 Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay Kumanyaal dahab iyo lacag ah.
The law of thy mouth is better unto me than thousands of gold and silver.
73 Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
Thy hands have made me and fashioned me: give me understanding, that I may learn thy commandments.
74 Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan, Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.
They that fear thee shall see me and be glad; because I have hoped in thy word.
75 Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin, Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.
I know, O LORD, that thy judgments are righteous, and that in faithfulness thou hast afflicted me.
76 Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.
Let, I pray thee, thy lovingkindness be for my comfort, according to thy word unto thy servant.
77 Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado, Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.
Let thy tender mercies come unto me, that I may live: for thy law is my delight.
78 Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen, Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.
Let the proud be ashamed; for they have overthrown me wrongfully: [but] I will meditate in thy precepts.
79 Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen, Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.
Let those that fear thee turn unto me, and they shall know thy testimonies.
80 Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado, Si aanan u ceeboobin.
Let my heart be perfect in thy statutes; that I be not ashamed.
81 Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed, Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.
My soul fainteth for thy salvation: [but] I hope in thy word.
82 Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa? Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.
Mine eyes fail for thy word, while I say, When wilt thou comfort me?
83 Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro, Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.
For I am become like a bottle in the smoke; yet do I not forget thy statutes.
84 Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee? Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?
How many are the days of thy servant? when wilt thou execute judgment on them that persecute me?
85 Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn Ayaa ii qoday godad.
The proud have digged pits for me, who are not after thy law.
86 Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
All thy commandments are faithful: they persecute me wrongfully; help thou me.
87 Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.
They had almost consumed me upon earth; but I forsook not thy precepts.
88 Raxmaddaada igu soo noolee, Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.
Quicken me after thy lovingkindness; so shall I observe the testimony of thy mouth.
89 Rabbiyow, eraygaagu weligiisba Wuxuu taagan yahay samada.
For ever, O LORD, thy word is settled in heaven.
90 Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab; Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.
Thy faithfulness is unto all generations: thou hast established the earth, and it abideth.
91 Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan, Waayo, wax waluba waa addoommadaada.
They abide this day according to thine ordinances; for all things are thy servants.
92 Haddaanu sharcigaagu iga farxin, Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.
Unless thy law had been my delight, I should then have perished in mine affliction.
93 Weligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.
I will never forget thy precepts; for with them thou hast quickened me.
94 Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.
I am thine, save me; for I have sought thy precepts.
95 Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.
The wicked have waited for me to destroy me; [but] I will consider thy testimonies.
96 Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin, Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.
I have seen an end of all perfection; [but] thy commandment is exceeding broad.
97 Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
Oh how love I thy law! it is my meditation all the day.
98 Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda. Waayo, weligayba way ila jiraan.
Thy commandments make me wiser than mine enemies; for they are ever with me.
99 Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
I have more understanding than all my teachers; for thy testimonies are my (meditation)
100 Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha, Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.
I understand more than the aged, because I have kept thy precepts.
101 Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.
I have refrained my feet from every evil way, that I might observe thy word.
102 Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.
I have not turned aside from thy judgments; for thou hast taught me.
103 Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa! Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!
How sweet are thy words unto my taste! [yea, sweeter] than honey to my mouth!
104 Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.
Through thy precepts I get understanding: therefore I hate every false way.
105 Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.
Thy word is a lamp unto my feet, and light unto my path,
106 Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
I have sworn, and have confirmed it, that I will observe thy righteous judgments.
107 Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay, Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
I am afflicted very much: quicken me, O LORD, according unto thy word.
108 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga, Xukummadaadana i bar.
Accept, I beseech thee, the freewill offerings of my mouth, O LORD, and teach me thy judgments.
109 Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar, Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.
My soul is continually in my hand; yet do I not forget thy law.
110 Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.
The wicked have laid a snare for me; yet went I not astray from thy precepts.
111 Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya, Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.
Thy testimonies have I taken as an heritage for ever; for they are the rejoicing of my heart.
112 Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo, Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.
I have inclined mine heart to perform thy statutes, for ever, even unto the end.
113 Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
I hate them that are of a double mind; but thy law do I love.
114 Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.
Thou art my hiding place and my shield: I hope in thy word.
115 Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.
Depart from me, ye evil-doers; that I may keep the commandments of my God.
116 Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado, Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.
Uphold me according unto thy word, that I may live; and let me not be ashamed of my hope.
117 Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
Hold thou me up, and I shall be safe, and shall have respect unto thy statutes continually.
118 Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay, Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.
Thou hast set at nought all them that err from thy statutes; for their deceit is falsehood.
119 Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
Thou puttest away all the wicked of the earth like dross: therefore I love thy testimonies.
120 Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.
My flesh trembleth for fear of thee; and I am afraid of thy judgments.
121 Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad, Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.
I have done judgment and justice: leave me not to mine oppressors.
122 Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino, Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.
Be surety for thy servant for good: let not the proud oppress me.
123 Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.
Mine eyes fail for thy salvation, and for thy righteous word.
124 Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan, Oo qaynuunnadaada i bar.
Deal with thy servant according unto thy mercy, and teach me thy statutes.
125 Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
I am thy servant, give me understanding; that I may know thy testimonies.
126 Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow, Waayo, sharcigaaga way buriyeen.
It is time for the LORD to work; [for] they have made void thy law.
127 Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
Therefore I love thy commandments above gold, yea, above fine gold.
128 Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
Therefore I esteem all [thy] precepts concerning all [things] to be right; [and] I hate every false way.
129 Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
Thy testimonies are wonderful: therefore doth my soul keep them.
130 Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.
The opening of thy words giveth light; it giveth understanding unto the simple.
131 Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
I opened wide my mouth, and panted; for I longed for thy commandments.
132 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
Turn thee unto me, and have mercy upon me, as thou usest to do unto those that love thy name.
133 Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.
Order my footsteps in thy word; and let not any iniquity have dominion over me.
134 Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.
Redeem me from the oppression of man: so will I observe thy precepts.
135 Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi, Oo qaynuunnadaada i bar.
Make thy face to shine upon thy servant; and teach me thy statutes.
136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.
Mine eyes run down with rivers of water, because they observe not thy law.
137 Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.
Righteous art thou, O LORD, and upright are thy judgments.
138 Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo Iyo daacadnimo oo dhan.
Thou hast commanded thy testimonies in righteousness and very faithfulness.
139 Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.
My zeal hath consumed me, because mine adversaries have forgotten thy words.
140 Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
Thy word is very pure; therefore thy servant loveth it.
141 Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.
I am small and despised: [yet] do not I forget thy precepts.
142 Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa, Oo sharcigaaguna waa run.
Thy righteousness is an everlasting righteousness, and thy law is truth.
143 Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
Trouble and anguish have taken hold on me: [yet] thy commandments are my delight.
144 Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.
Thy testimonies are righteous for ever: give me understanding, and I shall live.
145 Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab, Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.
I have called with my whole heart; answer me, O LORD: I will keep thy statutes.
146 Waan kuu qayshaday ee i badbaadi, Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.
I have called unto thee; save me, and I shall observe thy testimonies.
147 Waan ka soo hor maray waaga berigiisii, oo waan qayliyey, Oo waxaan rajo ku qabay erayadaada.
I prevented the dawning of the morning, and cried: I hoped in thy words.
148 Indhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeennimo, Si aan eraygaaga uga fikiro.
Mine eyes prevented the night watches, that I might meditate in thy word.
149 Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan, Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
Hear my voice according unto thy lovingkindness: quicken me, O LORD, according to thy judgments.
150 Kuwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan, Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.
They draw nigh that follow after wickedness; they are far from thy law.
151 Rabbiyow, adigu waad dhow dahay, Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.
Thou art nigh, O LORD; and all thy commandments are truth.
152 Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.
Of old have I known from thy testimonies, that thou hast founded them for ever.
153 Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi, Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.
Consider mine affliction, and deliver me; for I do not forget thy law.
154 Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo, Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
Plead thou my cause, and redeem me: quicken me according to thy word.
155 Kuwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay, Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.
Salvation is far from the wicked; for they seek not thy statutes.
156 Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay, Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
Great are thy tender mercies, O LORD: quicken me according to thy judgments.
157 Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.
Many are my persecutors and mine adversaries; [yet] have I not swerved from they testimonies.
158 Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
I beheld the treacherous dealers, and was grieved; because they observed not thy word.
159 Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
Consider how I love thy precepts: quicken me, O LORD, according to thy lovingkindness.
160 Eraygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.
The sum of thy word is truth; and every one of thy righteous judgments [endureth] for ever.
161 Amiirraa sababla'aan ii silciyey, Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.
Princes have persecuted me without a cause; but my heart standeth in awe of thy words.
162 Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa Sidii mid booli badan helay.
I rejoice at thy word, as one that findeth great spoil.
163 Beenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
I hate and abhor falsehood; [but] thy law do I love.
164 Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa, Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.
Seven times a day do I praise thee, because of thy righteous judgments.
165 Kuwa sharcigaaga jecelu waxay haystaan nabad weyn, Oo wax iyaga turuntureeyaa ma jiraan.
Great peace have they which love thy law; and they have none occasion of stumbling.
166 Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.
I have hoped for thy salvation, O LORD, and have done thy commandments.
167 Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
My soul hath observed thy testimonies; and I love them exceedingly.
168 Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.
I have observed thy precepts and thy testimonies; for all my ways are before thee.
169 Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada, Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.
Let my cry come near before thee, O LORD: give me understanding according to thy word.
170 Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.
Let my supplication come before thee: deliver me according to thy word.
171 Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.
Let my lips utter praise; for thou teachest me thy statutes.
172 Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.
Let my tongue sing of thy word; for all thy commandments are righteousness.
173 Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso, Waayo, amarradaadaan doortay.
Let thine hand be ready to help me; for I have chosen thy precepts.
174 Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
I have longed for thy salvation, O LORD; and thy law is my delight.
175 Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa, Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.
Let my soul live, and it shall praise thee; and let thy judgments help me.
176 Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon, Waayo, amarradaada ma aan illoobo.
I have gone astray like a lost sheep; seek thy servant; for I do not forget thy commandments.

< Sabuurradii 119 >