< Sabuurradii 118 >

1 Rabbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
請你們向上主讚頌,因為他是美善寬仁,他的仁慈永遠常存。
2 Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
願以色列家讚美說:他的仁慈永遠常存。
3 Oo reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
願亞郎的家讚美說:他的仁慈永遠常存。
4 Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
願敬畏主者讚美說:他的仁慈永遠常存。
5 Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.
我在急難中呼求上主,他即垂允我,將我救出。
6 Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono, Bal maxaa dad igu samayn karaa?
上主偕同我,我不怕什麼,世人對待我,究竟能如何?
7 Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya, Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.
上主偕同我,祂作我的助佑,我必看見我的仇人受辱。
8 Intii dad lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
投奔上主的懷抱,遠勝過信賴同夥。
9 Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.
投奔上主的懷抱,遠勝過信賴官僚。
10 Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
萬民雖然齊來將我圍因,奉上主名我將他們滅盡
11 Way i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
他們從各處來將我圍因,奉上主名我將他們滅盡。
12 Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.
雖然如同黃蜂將我圍因,又好像烈火把荊棘燒焚,奉上主名我將他們滅盡。
13 Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed, Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.
人雖然推撞我,叫我跌倒,然而上主卻扶時了我。
14 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
上主是我的力量與勇敢,祂也始終作了我的救援。
15 Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
在義人居住的帳幕中,響起了勝利的歡呼聲:上主的右手大顯威能,
16 Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
上主的右手將我舉擎,上主的右手大顯威能。
17 Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa, Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
我不至於死,必要生存,我要宣揚上主的工程。
18 Rabbigu aad buu ii edbiyey, Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
上主懲罰我雖然嚴厲非常,但卻沒有把我交於死亡。
19 Irdaha xaqnimada iga fura, Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.
請給我敞開正義的門,我要進去向上主謝恩;
20 Tanu waa iriddii Rabbiga, Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
正義的門就是上主的門,惟獨義人才得進入此門。
21 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
上主!我感謝您,因為您應允我,將您的救恩賜給我。
22 Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
匠人棄而不用的廢石,反而成了屋角的基石;
23 Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga.
那是上主的所做所為,在我們眼中神妙莫測。
24 Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey, Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
這是上主安排的一天,我們應該喜歡的鼓舞。
25 Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.
上主!我們求您救助,上主!我們求您賜福。
26 Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.
奉上主之名而來的應該受讚頌,我們要由上主的殿內祝福您們。
27 Rabbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin, Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geeseheeda.
天主是上主,祂給我們光明;隆重列隊向祭壇進行。
28 Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa, Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.
您是我天主,我感謝您,我的天主,我高聲頌揚您。
29 Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
請您們向上主讚頌,因為祂是美善寬仁,祂的仁慈永遠常存。

< Sabuurradii 118 >