< Sabuurradii 116 >
1 Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii.
我爱耶和华, 因为他听了我的声音和我的恳求。
2 Dhegtuu ii dhigay, Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan.
他既向我侧耳, 我一生要求告他。
3 Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug. (Sheol )
死亡的绳索缠绕我; 阴间的痛苦抓住我; 我遭遇患难愁苦。 (Sheol )
4 Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.
那时,我便求告耶和华的名,说: 耶和华啊,求你救我的灵魂!
5 Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.
耶和华有恩惠,有公义; 我们的 神以怜悯为怀。
6 Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa, Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay.
耶和华保护愚人; 我落到卑微的地步,他救了我。
7 Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.
我的心哪!你要仍归安乐, 因为耶和华用厚恩待你。
8 Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid.
主啊,你救我的命免了死亡, 救我的眼免了流泪, 救我的脚免了跌倒。
9 Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool.
我要在耶和华面前行活人之路。
10 Waan rumaysnaa, oo markaan hadlay Aad baa la ii dhibay,
我因信,所以如此说话; 我受了极大的困苦。
11 Anigoo degdegsan baan waxaan idhi, Dadka oo dhammu waa beenaalayaal.
我曾急促地说: 人都是说谎的!
12 Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa Waxyaalihii uu ii taray oo dhan?
我拿什么报答耶和华向我所赐的一切厚恩?
13 Waxaan qaadan doonaa koobka badbaadada, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
我要举起救恩的杯, 称扬耶和华的名。
14 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.
我要在他众民面前向耶和华还我的愿。
15 Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiintiisa Ayaa qiimo weyn ku leh.
在耶和华眼中, 看圣民之死极为宝贵。
16 Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga, Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada, Silsiladahaygii waad iga furtay.
耶和华啊,我真是你的仆人; 我是你的仆人,是你婢女的儿子。 你已经解开我的绑索。
17 Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.
我要以感谢为祭献给你, 又要求告耶和华的名。
18 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,
我要在他众民面前, 在耶和华殿的院内, 在耶路撒冷当中, 向耶和华还我的愿。 你们要赞美耶和华!
19 Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa, Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay. Rabbiga ammaana.