< Sabuurradii 111 >

1 Rabbiga ammaana. Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahadnaqi doonaa Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.
הללו יה אודה יהוה בכל לבב בסוד ישרים ועדה׃
2 Shuqullada Rabbigu way waaweyn yihiin, Oo waxaa doondoona kuwa ku faraxsan oo dhan.
גדלים מעשי יהוה דרושים לכל חפציהם׃
3 Shuqulkiisu waa sharaf iyo haybad, Oo xaqnimadiisuna weligeedba way waartaa.
הוד והדר פעלו וצדקתו עמדת לעד׃
4 Wuxuu ka dhigay in la sii xusuusto shuqulladiisa yaabka badan, Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad.
זכר עשה לנפלאתיו חנון ורחום יהוה׃
5 Wuxuu cunto siiyey kuwa isaga ka cabsada, Oo weligiisna wuxuu xusuusnaan doonaa axdigiisii.
טרף נתן ליראיו יזכר לעולם בריתו׃
6 Wuxuu dadkiisii tusay xooggii shuqulladiisa, Markii uu iyaga siiyey quruumaha dhaxalkoodii.
כח מעשיו הגיד לעמו לתת להם נחלת גוים׃
7 Shuqullada gacmihiisu waa run iyo garsoorid, Oo amarradiisa oo dhammuna waa hubaal.
מעשי ידיו אמת ומשפט נאמנים כל פקודיו׃
8 Way sii adag yihiin weligood iyo weligoodba, Oo waxaa lagu sameeyey run iyo qummanaan.
סמוכים לעד לעולם עשוים באמת וישר׃
9 Wuxuu dadkiisa u soo diray furasho, Oo wuxuu amray in axdigiisu ahaado mid weligiisba waara, Magiciisu waa quduus, waana mid laga cabsado.
פדות שלח לעמו צוה לעולם בריתו קדוש ונורא שמו׃
10 Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba.
ראשית חכמה יראת יהוה שכל טוב לכל עשיהם תהלתו עמדת לעד׃

< Sabuurradii 111 >