< Sabuurradii 109 >
1 Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin,
Zaburi ya Daudi. Mungu ninaye msifu, usinyamaze kimya.
2 Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.
Kwa maana waovu na wadanganyifu wananishambulia; wanazungumza uongo dhidi yangu.
3 Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla'aan bay igula dirireen.
Wananizunguka na kusema mambo ya chuki, na wananishambulia bila sababu.
4 Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.
Wananilipa kashfa badala ya upendo, lakini mimi ninawaombea.
5 Wanaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan, Jacaylna nacayb.
Wananilipa uovu badala ya mema, na wanachukia upendo wangu.
6 Nin shar leh ka sarraysii isaga, Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.
Teua mtu mwovu aliye adui zaidi kama watu hawa; teua mshitaki asimame mkono wake wa kuume.
7 Markii la xukumo, ha soo baxo isagoo dembi lagu helay, Oo tukashadiisiina dembi ha noqoto.
Na atakapohukumiwa, aonekane na hatia; maombi yake yachukuliwe kuwa ni dhambi.
8 Cimrigiisu ha yaraado, Jagadiisana mid kale ha qaato.
Siku zake na ziwe chahe; mamlaka yake na yachukuliwe na mtu mwingine.
9 Carruurtiisu ha agoontoobeen, Naagtiisuna carmal ha noqoto.
Watoto wake wawe yatima, na mke wake awe mjane.
10 Carruurtiisu kuwa warwareega ha noqdeen oo ha dawarsadeen, Cuntadoodana ha ka doondooneen meelahooda cidlada ah.
Watoto wake wenye kutanga tanga na kuombaomba, wakiondoka katika nyumba zao zilizo haribika na kuomba chakula au pesa kwa wapita njia.
11 Midka korsaarta qaataa ha qabsado wuxuu haysto oo dhan, Oo shisheeyayaalna ha ka dheceen wixii uu ku hawshooday.
Mdai na achukue vitu vyake vyote amilikivyo; wageni wateke mapato ya kazi yake.
12 Yaanu jirin mid isaga u sii naxariistaa, Oo yaanu jirin mid u naxa carruurtiisa agoonta ah.
Asiwepo mtu yeyote wa kumfanyia wema; mtu yeyote asiwahurumie yatima wake.
13 Farcankiisu ha baabba'o, Oo qarniga soo socda magacooda ha la tirtiro.
Watoto wake waangamizwe; majina yao na yafutwe katika kizazi kijacho.
14 Xumaantii awowayaashiis Rabbigu ha soo xusuusto, Oo dembigii hooyadiisna yaan la tirtirin.
Uovu wa baba zake utajwe kwa Yahwe; na dhambi ya mama yake isisahaulike.
15 Rabbiga ha hor joogeen had iyo goorba, Si uu xusuustooda uga gooyo dhulka.
Hatia zao na ziwe mbele ya Yahwe siku zote; Yahwe na aiondoe kumbukumbu yao duniani.
16 Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan, Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.
Yahwe na afanye hivi kwa sababu mtu huyu kamwe hakusumbuka kuonesha uaminifu wa agano wowote, lakini badala yake aliwasumbua wanyonge, wahitaji, na kuwaua walio vunjika moyo.
17 Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay, Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.
Alipenda kulaani; na imrudie juu yake. Alichukia kubariki; baraka zozote na zisije kwake.
18 Oo weliba isagu wuxuu sidii dharkiisii u huwaday habaaridda, Oo iyana waxay gashay uurkiisa hoose sidii biyo oo kale, Oo lafihiisana waxay u gashay sidii saliid.
Alijivika kulaani kana kwamba ni vazi lake, na laana yake iliingia ndani yake kama maji, na kama mafuta mifupani mwake.
19 Isaga ha u ahaato sida marada uu huwado, Iyo sida dhex-xidhka uu ku xidho had iyo goorba,
Laana zake na ziwe kwake kama vazi avaalo kujifunika mwenyewe, na kama mkanda avaao kila siku.
20 Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan, Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.
Na haya yawe malipo ya mshitaki wangu kutoka kwa Yahwe, ya wale wasemao mambo maovu juu yangu.
21 Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,
Yahwe Bwana wangu, unishughulikie kwa wema kwa ajili ya jina lako. Kwa sababu uaminifu wa agano lako ni mwema, uniokoe.
22 Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.
Kwa maana ni mnyonge na muhitaji, na moyo wangu umejeruhiwa ndani yangu.
23 Waxaan u dhammaaday sida hoos sii libdhaya, Waxaan u gilgilmaa sida ayax oo kale.
Ninatoweka kama kivuli cha jioni; ninapeperushwa kama nzige.
24 Jilbahaygu soon bay la taag darnaadaan, Oo jidhkayguna baruurla'aanteed wuu la caatoobaa.
Magoti yangu ni dhaifu kutokana na kufunga; ninakuwa mwembamba na mifupa.
25 Oo weliba waxaan iyaga u noqday cay, Oo kolkay i arkaan ayay madaxa ruxruxaan.
Nimedharauliwa na washitaki wangu; wanionapo; hutikisa vichwa vyao.
26 Rabbiyow, Ilaahayow, i caawi, Oo igu badbaadi si naxariistaada waafaqsan,
Nisaidie, Yahwe Mungu wangu; uniokoe kwa uaminifu wa agano lako.
27 Si ay u ogaadaan in tanu tahay shaqadii gacaantaada, Iyo inaad taas samaysay, Rabbiyow.
Nao wajue kuwa wewe umefanya haya, kwamba wewe, Yahwe, umetenda haya.
28 Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee, Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.
Ingawa wananilaani, tafadhali unibariki; wanishambuliapo, waaibishwe, lakini mtumishi wako afurahi.
29 Cadaawayaashaydu sharafdarro ha xidheen, Oo ceebtooda ha u huwadeen sida go' oo kale.
Washitaki wangu na wavishwe kwa aibu; wavae aibu yao kama vazi.
30 Afkaygaan aad ugaga mahadnaqi doonaa Rabbiga, Haah, oo waxaan isaga ku ammaani doonaa dadka badan dhexdiisa.
Kwa kinywa changu ninatoa shukrani kuu kwa Yahwe; nitamsifu yeye katikati ya kusanyiko.
31 Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma.
Maana nitasimama mkono wa kuume wa mhitaji, ili nimuokoe dhidi ya wale wanao muhukumu.