< Sabuurradii 105 >

1 Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.
הודו ליהוה קראו בשמו הודיעו בעמים עלילותיו׃
2 Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
שירו לו זמרו לו שיחו בכל נפלאותיו׃
3 Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.
התהללו בשם קדשו ישמח לב מבקשי יהוה׃
4 Rabbiga iyo xooggiisa doondoona, Oo weligiinba wejigiisa doondoona.
דרשו יהוה ועזו בקשו פניו תמיד׃
5 Xusuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey, Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,
זכרו נפלאותיו אשר עשה מפתיו ומשפטי פיו׃
6 Kuwiinna farcankii addoonkiisii Ibraahim ahow, Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.
זרע אברהם עבדו בני יעקב בחיריו׃
7 Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan.
הוא יהוה אלהינו בכל הארץ משפטיו׃
8 Axdigiisuu soo xusuustay weligiisba, Kaasoo ah hadalkiisii uu kun farcan ku amray,
זכר לעולם בריתו דבר צוה לאלף דור׃
9 Kaasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,
אשר כרת את אברהם ושבועתו לישחק׃
10 Oo isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,
ויעמידה ליעקב לחק לישראל ברית עולם׃
11 Oo wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,
לאמר לך אתן את ארץ כנען חבל נחלתכם׃
12 Markay dad tiro yar ahaayeen, Oo ay aad u yaraayeen, qariibna dalka ku ahaayeen,
בהיותם מתי מספר כמעט וגרים בה׃
13 Oo iyagu quruunba quruun bay uga bexeen, Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.
ויתהלכו מגוי אל גוי מממלכה אל עם אחר׃
14 Isagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo, Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay,
לא הניח אדם לעשקם ויוכח עליהם מלכים׃
15 Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan, Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
אל תגעו במשיחי ולנביאי אל תרעו׃
16 Dhulkiina abaar buu ugu yeedhay inay ku dhacdo, Ushii cuntada oo ay ku tiirsanaayeen oo dhanna wuu wada jebiyey.
ויקרא רעב על הארץ כל מטה לחם שבר׃
17 Oo nin buu iyaga ka sii hor diray, Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan.
שלח לפניהם איש לעבד נמכר יוסף׃
18 Cagihiisii waxay ku xanuujiyeen bircago, Oo naftiisii waxay gashay silsilado bir ah,
ענו בכבל רגליו ברזל באה נפשו׃
19 Ilaa wakhtigii eraygiisu noqday Eraygii Rabbiga ayaa isaga tijaabiyey.
עד עת בא דברו אמרת יהוה צרפתהו׃
20 Markaasaa boqorkii u cid diray oo furay, Kaas oo ahaa taliyihii dadyowga, wuuna sii daayay.
שלח מלך ויתירהו משל עמים ויפתחהו׃
21 Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa, Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan,
שמו אדון לביתו ומשל בכל קנינו׃
22 Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba, Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
לאסר שריו בנפשו וזקניו יחכם׃
23 Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar, Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.
ויבא ישראל מצרים ויעקב גר בארץ חם׃
24 Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey, Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.
ויפר את עמו מאד ויעצמהו מצריו׃
25 Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan, Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.
הפך לבם לשנא עמו להתנכל בעבדיו׃
26 Wuxuu u soo diray addoonkiisii Muuse, Iyo Haaruun oo uu doortay.
שלח משה עבדו אהרן אשר בחר בו׃
27 Oo waxay dhexdooda ku sameeyeen calaamooyinkiisii, Oo dalkii Xaamna waxay ku sameeyeen yaabab.
שמו בם דברי אתותיו ומפתים בארץ חם׃
28 Wuxuu u soo diray gudcur, dalkiina gudcur buu ka dhigay, Oo iyana hadalkiisii kuma ay caasiyoobin.
שלח חשך ויחשך ולא מרו את דבריו׃
29 Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig, Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay.
הפך את מימיהם לדם וימת את דגתם׃
30 Rahyo waa ku bateen dhulkoodii Iyo qolalka boqorkoodiiba.
שרץ ארצם צפרדעים בחדרי מלכיהם׃
31 Isagu waa hadlay, markaasaa waddankoodii oo dhan Waxaa yimid duqsi faro badan iyo injir.
אמר ויבא ערב כנים בכל גבולם׃
32 Oo roob ahaan wuxuu u siiyey roob dhagaxyaale, Dalkoodiina wuxuu ku soo daayay dab ololaya.
נתן גשמיהם ברד אש להבות בארצם׃
33 Wuxuu wax ku dhuftay geedahoodii canabka ahaa iyo geedahoodii berdaha ahaaba, Oo dhirtii waddankooda ku tiilna wuu jejebiyey.
ויך גפנם ותאנתם וישבר עץ גבולם׃
34 Wuu hadlay, markaasaa waxaa yimid ayax, Iyo diir aan la tirin karin,
אמר ויבא ארבה וילק ואין מספר׃
35 Oo waxay wada cuneen geedo yaryar oo kasta oo dalkooda ku yiil, Wayna dhammaysteen midhihii dhulkooda.
ויאכל כל עשב בארצם ויאכל פרי אדמתם׃
36 Oo weliba wuxuu wada laayay curadyadii dalkooda oo dhan, Kuwaas oo ahaa bilowgii xooggooda.
ויך כל בכור בארצם ראשית לכל אונם׃
37 Oo wuxuu dibadda u bixiyey reer binu Israa'iil iyagoo wata lacag iyo dahab, Oo qabiilooyinkiisiina mid taagdarani kuma uu jirin.
ויוציאם בכסף וזהב ואין בשבטיו כושל׃
38 Reer Masarna way ku farxeen kolkay ambabbexeen, Waayo, cabsidoodii baa ku dhacday.
שמח מצרים בצאתם כי נפל פחדם עליהם׃
39 Wuxuu korkooda ku kala bixiyey daruur inay qariso, Iyo dab habeenkii iftiin u noqda.
פרש ענן למסך ואש להאיר לילה׃
40 Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur, Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.
שאל ויבא שלו ולחם שמים ישביעם׃
41 Dhagaxii ayuu dillaaciyey, markaasay biyo ka soo buqdeen, Oo meelihii engegnaa ayay ku durdureen sidii webi oo kale.
פתח צור ויזובו מים הלכו בציות נהר׃
42 Waayo, wuxuu soo xusuustay eraygiisii quduuska ahaa, Oo uu kula hadlay addoonkiisii Ibraahim.
כי זכר את דבר קדשו את אברהם עבדו׃
43 Dadkiisiina wuxuu soo bixiyey iyagoo faraxsan, Kuwii uu doortayna iyagoo gabyaya.
ויוצא עמו בששון ברנה את בחיריו׃
44 Oo wuxuu iyagii siiyey dalalkii quruumaha, Oo iyana waxay hanti ahaan u qaadeen waxay dadyowgu ku hawshoodeen,
ויתן להם ארצות גוים ועמל לאמים יירשו׃
45 Inay amarradiisa dhawraan, Oo ay qaynuunnadiisa xajiyaan. Rabbiga ammaana.
בעבור ישמרו חקיו ותורתיו ינצרו הללו יה׃

< Sabuurradii 105 >