< Sabuurradii 104 >

1 Naftaydoy, Rabbiga ammaan. Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay, Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad.
我的心哪,你要稱頌耶和華! 耶和華-我的上帝啊,你為至大! 你以尊榮威嚴為衣服,
2 Waxaad sida maro u huwataa nuur, Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
披上亮光,如披外袍, 鋪張穹蒼,如鋪幔子,
3 Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda, Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras, Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,
在水中立樓閣的棟樑, 用雲彩為車輦, 藉着風的翅膀而行,
4 Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada, Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
以風為使者, 以火焰為僕役,
5 Adigaa dhigay aasaaska dhulka, Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
將地立在根基上, 使地永不動搖。
6 Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale, Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
你用深水遮蓋地面,猶如衣裳; 諸水高過山嶺。
7 Canaantaadii ayay ku carareen, Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
你的斥責一發,水便奔逃; 你的雷聲一發,水便奔流。
8 Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka, Ilaa meeshii aad u samaysay.
諸山升上,諸谷沉下, 歸你為它所安定之地。
9 Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin, Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
你定了界限,使水不能過去, 不再轉回遮蓋地面。
10 Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo, Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,
耶和華使泉源湧在山谷, 流在山間,
11 Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan, Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.
使野地的走獸有水喝, 野驢得解其渴。
12 Haadda samadu iyagay ag degganaadaan, Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.
天上的飛鳥在水旁住宿, 在樹枝上啼叫。
13 Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa, Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.
他從樓閣中澆灌山嶺; 因他作為的功效,地就豐足。
14 Isagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo, Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo, Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo,
他使草生長,給六畜吃, 使菜蔬發長,供給人用, 使人從地裏能得食物,
15 Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa, Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado, Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.
又得酒能悅人心, 得油能潤人面, 得糧能養人心。
16 Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay, Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,
佳美的樹木,就是黎巴嫩的香柏樹, 是耶和華所栽種的,都滿了汁漿。
17 Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan, Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.
雀鳥在其上搭窩; 至於鶴,松樹是牠的房屋。
18 Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda, Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.
高山為野山羊的住所; 巖石為沙番的藏處。
19 Isagu dayaxa wuxuu u sameeyey xilliyo, Oo qorraxduna dhicitinkeeda way taqaan.
你安置月亮為定節令; 日頭自知沉落。
20 Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada, Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.
你造黑暗為夜, 林中的百獸就都爬出來。
21 Libaaxyada aaranka ahu waxay u ciyaan ugaadhsigooda, Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah.
少壯獅子吼叫,要抓食, 向上帝尋求食物。
22 Oo kolkii qorraxdu soo baxdana way noqdaan, Oo waxay iska seexdaan godadkooda.
日頭一出,獸便躲避, 臥在洞裏。
23 Dadku waa u soo baxaa shuqulkiisa Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.
人出去做工, 勞碌直到晚上。
24 Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa! Kulligoodna xigmad baad ku samaysay, Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
耶和華啊,你所造的何其多! 都是你用智慧造成的; 遍地滿了你的豐富。
25 Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan, Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin, Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.
那裏有海,又大又廣; 其中有無數的動物, 大小活物都有。
26 Halkaas waxaa ku socda doonniyo, Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
那裏有船行走, 有你所造的鱷魚游泳在其中。
27 Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan, Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.
這都仰望你按時給牠食物。
28 Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan, Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.
你給牠們,牠們便拾起來; 你張手,牠們飽得美食。
29 Wejigaagaad qarisaa, oo way dhibtoodaan, Naftoodaad ka qaaddaa oo way dhintaan, Oo waxay ku noqdaan ciiddoodii.
你掩面,牠們便驚惶; 你收回牠們的氣,牠們就死亡,歸於塵土。
30 Waxaad soo dirtaa ruuxaaga, kolkaasay iyagu abuurmaan, Dhulkana waad cusboonaysiisaa.
你發出你的靈,牠們便受造; 你使地面更換為新。
31 Rabbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba, Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa.
願耶和華的榮耀存到永遠! 願耶和華喜悅自己所造的!
32 Isagu dhulkuu eegaa, oo wuu gariiraa, Wuxuu taabtaa buuraha, oo way qiiqaan.
他看地,地便震動; 他摸山,山就冒煙。
33 Intaan noolahay oo dhan ayaan Rabbiga u gabyi doonaa, Oo Ilaahay ayaan ammaan ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
我要一生向耶和華唱詩! 我還活的時候,要向我上帝歌頌!
34 Fikirkaygu isaga ha u macaanaado, Rabbigaan ku rayrayn doonaa.
願他以我的默念為甘甜! 我要因耶和華歡喜!
35 Dembilayaashu dhulka ha ka baabbe'een, Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin. Naftaydoy, Rabbiga ammaan. Rabbiga ammaana.
願罪人從世上消滅! 願惡人歸於無有! 我的心哪,要稱頌耶和華! 你們要讚美耶和華!

< Sabuurradii 104 >