< Sabuurradii 103 >

1 Naftaydoy, Rabbiga ammaan, Oo inta igu jirta oo dhammay, ammaana magiciisa quduuska ah.
לדוד ברכי נפשי את-יהוה וכל-קרבי את-שם קדשו
2 Naftaydoy, Rabbiga ammaan, Oo ha illoobin wanaagga uu kuu sameeyo oo dhan.
ברכי נפשי את-יהוה ואל-תשכחי כל-גמוליו
3 Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan, Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan,
הסלח לכל-עונכי הרפא לכל-תחלואיכי
4 Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda, Oo raxmad iyo naxariis kugu barakeeya,
הגואל משחת חייכי המעטרכי חסד ורחמים
5 Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan, Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale.
המשביע בטוב עדיך תתחדש כנשר נעוריכי
6 Rabbigu wuxuu falaa xaqnimo, Gar buuna u gooyaa kuwa dulman oo dhan.
עשה צדקות יהוה ומשפטים לכל-עשוקים
7 Isagu wuxuu Muuse garansiiyey jidadkiisii, Reer binu Israa'iilna falimihiisii.
יודיע דרכיו למשה לבני ישראל עלילותיו
8 Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan, Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay.
רחום וחנון יהוה ארך אפים ורב-חסד
9 Isagu had iyo goor wax canaanan maayo, Oo sii cadhaysnaan maayo ilaa weligiis.
לא-לנצח יריב ולא לעולם יטור
10 Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen, Oo inooguma uu abaalmarin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen.
לא כחטאינו עשה לנו ולא כעונתינו גמל עלינו
11 Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso, Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada.
כי כגבה שמים על-הארץ-- גבר חסדו על-יראיו
12 Sida barigu uga fog yahay galbeedka, Sidaas oo kaluu xadgudubkeennii inooga fogeeyey.
כרחק מזרח ממערב-- הרחיק ממנו את-פשעינו
13 Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada.
כרחם אב על-בנים-- רחם יהוה על-יראיו
14 Waayo, abuuristeennuu og yahay, Oo wuu xusuusan yahay inaan innagu ciid nahay.
כי-הוא ידע יצרנו זכור כי-עפר אנחנו
15 Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale, Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa.
אנוש כחציר ימיו כציץ השדה כן יציץ
16 Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba'aa, Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto.
כי רוח עברה-בו ואיננו ולא-יכירנו עוד מקומו
17 Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda,
וחסד יהוה מעולם ועד-עולם-- על-יראיו וצדקתו לבני בנים
18 Kuwaas oo ah kuwa axdigiisa xajiya Iyo kuwa amarradiisa xusuusta oo wada yeela.
לשמרי בריתו ולזכרי פקדיו לעשותם
19 Rabbigu carshigiisii wuxuu ka dhistay samooyinka, Oo boqortooyadiisuna wax walbay u talisaa.
יהוה--בשמים הכין כסאו ומלכותו בכל משלה
20 Malaa'igihiisa xoogga badan oo eraygiisa oofiya Oo codka hadalkiisa maqlow, Rabbiga ammaana.
ברכו יהוה מלאכיו גברי כח עשי דברו לשמע בקול דברו
21 Rabbiga ammaana, ciidammadiisa oo dhammow, Idinkoo ah midiidinyadiisa wuxuu doonayo sameeyow,
ברכו יהוה כל-צבאיו-- משרתיו עשי רצונו
22 Shuqulladiisa oo dhammow, Rabbiga ku ammaana Meel kasta oo dowladnimadiisa ahba, Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
ברכו יהוה כל-מעשיו-- בכל-מקמות ממשלתו ברכי נפשי את-יהוה

< Sabuurradii 103 >