< Sabuurradii 101 >

1 Waxaan ka gabyi doonaa naxariis iyo garsoorid, Rabbiyow, waxaan kuugu gabyi doonaa ammaan.
לדוד מזמור חסד-ומשפט אשירה לך יהוה אזמרה
2 Oo waxaan u dhawrsan doonaa si qumman oo caqliya, Bal goormaad ii iman doontaa? Waxaan gurigayga ku dhex socon doonaa qalbi qumman.
אשכילה בדרך תמים-- מתי תבוא אלי אתהלך בתם-לבבי בקרב ביתי
3 Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono, Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda, Oo innaba iguma dhegi doono.
לא-אשית לנגד עיני-- דבר-בליעל עשה-סטים שנאתי לא ידבק בי
4 Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa, Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono.
לבב עקש יסור ממני רע לא אדע
5 Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa, Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono.
מלושני (מלשני) בסתר רעהו-- אותו אצמית גבה-עינים ורחב לבב-- אתו לא אוכל
6 Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed, Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona.
עיני בנאמני-ארץ-- לשבת עמדי הלך בדרך תמים-- הוא ישרתני
7 Kii khiyaano ka shaqeeyaase gurigayga ma joogi doono, Kii been ku hadlaana hortayda kuma xoogaysan doono.
לא-ישב בקרב ביתי-- עשה רמיה דבר שקרים-- לא-יכון לנגד עיני
8 Subax ilaa ka subax ayaan wada baabbi'in doonaa kuwa sharka leh oo dalka deggan oo dhan, Si aan magaalada Rabbiga uga baabbi'iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhan.
לבקרים אצמית כל-רשעי-ארץ להכרית מעיר-יהוה כל-פעלי און

< Sabuurradii 101 >