< Maahmaahyadii 9 >
1 Xigmaddu gurigeeday dhisatay, Toddobadeedii tiirna way xaradhay.
智慧建造了房舍,雕琢了七根石柱,
2 Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii; Miiskeediina way diyaarisay.
宰殺了牲畜,配製了美酒,舖設了飯桌,
3 Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh,
派出自己的使女,在城市高處吶喊:「
4 Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo. Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,
誰是無知的,請轉身到這裏來! 」她對愚鈍的人說:「
5 Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.
你們來,吃我的食糧,飲我配製的酒!
6 Garaadlaawayaashow, nacasnimada iska daaya, oo noolaada, Oo jidka waxgarashadana mara.
你們應放棄無知,好使你們得以生存,並在明智的道路上邁進。」
7 Kii mid wax quudhsada toosiyaa, cay buu isu soo jiidaa, Oo kii kan sharka leh canaantana, ceeb baa ku dhacda.
誰矯正輕狂的人,只有自招羞辱;誰責斥邪惡的人,只有自找凌辱。
8 Mid wax quudhsada ha canaanan, waaba intaas oo uu ku necbaadaaye, Nin caqli leh canaano, oo isna wuu ku jeclaan doonaa.
你不要責斥輕狂的人,免得他恨你;卻要責斥明智的人,他必會愛你。
9 Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa. Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.
你若指教明智的人,他必更明智;你若教訓正義的人,他必更有見識。
10 Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda, Oo Kan quduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho.
敬畏上主是智慧的肇基;認識至聖者就是睿智。
11 Waayo, maalmahaagu anigay igu badan doonaan, Oo cimrigaaguna waa sii kordhi doonaa.
藉著我,你的歲月纔可增多,你的壽命纔可延長。
12 Haddaad caqli leedahay naftaadaad caqli u leedahay, Laakiinse haddaad wax quudhsato, adiga uun baa waxquudhsashadaada xambaaran doona.
你若有智慧,你必蒙受其惠;你若是輕狂也只有自食其果。
13 Naagta nacasadda ahu waa qaylo badan tahay, Iyadu way garaaddaran tahay, oo waxba ma taqaan.
愚昧太太,浮燥愚蠢,一無所知。
14 Waayo, waxay fadhiisataa illinka gurigeeda, Oo kursi bay ku fadhiisataa meelaha sarsare ee magaalada,
她坐在自家門前,坐在城內高處的座位上,
15 Inay u yeedho kuwa jidka maraya, Iyagoo jidadkooda iska sii soconaya,
向一往直前的路人喊說:「
16 Ku alla kii garaaddaranu halkan ha u soo leexdo, Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,
誰是無知的,請轉身到這裏來! 」她向愚鈍的人說:
17 Biyo la soo xaday way macaan yihiin. Oo cunto qarsoodi loo cunaana wax bay ka farxisaa.
「偷來的水,更香甜;背地吃的餅更有味。」
18 Laakiinse isagu garan maayo in kuwii dhintay ay halkaas joogaan, Iyo in martideedii ay She'ool guntiisa ku jiraan. (Sheol )
他卻不知冥域正在那裏,她的客人都在陰府的深處。 (Sheol )