< Maahmaahyadii 7 >

1 Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.
我儿,你要遵守我的言语, 将我的命令存记在心。
2 Amarradayda xaji aad noolaatide, Oo sharcigaygana sida ishaada inankeeda u dhawr.
遵守我的命令就得存活; 保守我的法则, 好像保守眼中的瞳人,
3 Farahaaga ku xidho, Oo looxa qalbigaagana ku qoro.
系在你指头上, 刻在你心版上。
4 Waxaad xigmadda ku tidhaahdaa, Adigu waxaad tahay walaashay, Oo waxgarashadana waxaad ugu yeedhaa, saaxiibadday gacalisoy,
对智慧说:你是我的姊妹, 称呼聪明为你的亲人,
5 Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata.
她就保你远离淫妇, 远离说谄媚话的外女。
6 Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey,
我曾在我房屋的窗户内, 从我窗棂之间往外观看:
7 Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn,
见愚蒙人内,少年人中, 分明有一个无知的少年人,
8 Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,
从街上经过,走近淫妇的巷口, 直往通她家的路去,
9 Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay.
在黄昏,或晚上, 或半夜,或黑暗之中。
10 Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay.
看哪,有一个妇人来迎接他, 是妓女的打扮,有诡诈的心思。
11 Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.
这妇人喧嚷,不守约束, 在家里停不住脚,
12 Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.
有时在街市上,有时在宽阔处, 或在各巷口蹲伏,
13 Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,
拉住那少年人,与他亲嘴, 脸无羞耻对他说:
14 Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed, Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey.
平安祭在我这里, 今日才还了我所许的愿。
15 Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo, Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay.
因此,我出来迎接你, 恳切求见你的面,恰巧遇见了你。
16 Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh, Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey.
我已经用绣花毯子 和埃及线织的花纹布铺了我的床。
17 Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe.
我又用没药、沉香、桂皮 薰了我的榻。
18 Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno.
你来,我们可以饱享爱情,直到早晨; 我们可以彼此亲爱欢乐。
19 Waayo, ninkaygii guriga ma joogo, Oo meel fog buu u sodcaalay,
因为我丈夫不在家,出门行远路;
20 Kiish lacag ahna wuu qaatay, Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado.
他手拿银囊,必到月望才回家。
21 Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda.
淫妇用许多巧言诱他随从, 用谄媚的嘴逼他同行。
22 Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo,
少年人立刻跟随她,好像牛往宰杀之地; 又像愚昧人带锁链去受刑罚,
23 Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo, Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho, Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado.
直等箭穿他的肝; 如同雀鸟急入网罗,却不知是自丧己命。
24 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta.
众子啊,现在要听从我, 留心听我口中的话。
25 Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.
你的心不可偏向淫妇的道, 不要入她的迷途。
26 Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan, Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin.
因为,被她伤害仆倒的不少; 被她杀戮的而且甚多。
27 Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda. (Sheol h7585)
她的家是在阴间之路, 下到死亡之宫。 (Sheol h7585)

< Maahmaahyadii 7 >