< Maahmaahyadii 6 >
1 Wiilkaygiiyow, haddaad deriskaaga dammiin u noqotid, Ama haddaad shisheeye gacanta dhaar ugu dhiibtid,
我兒,你如果為你的朋友作保,或為外人擊掌;
2 Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga, Oo waxaa lagugu qabtay erayada afkaaga.
你如果為你口中說的話所連累,為你口中的言詞所束縛,
3 Haddaba, wiilkaygiiyow, bal waxan samee oo isa samatabbixi, Waayo, gacantii deriskaagii waad gashay; U tag, oo is-hoosaysii, oo deriskaaga bari.
那麼,我兒,你既然已陷在你友人的手中,你就該逃脫,該這樣做:火速前去,央求你的友人,
4 Indhahaaga hurdo ha isugu keenin, Oo indhahaaga daboolkoodana lulo ha isugu qaban.
不要合上眼睛睡覺,也不要垂下眼瞼假寐,
5 Isu samatabbixi sida cawl gacanta ugaadhsadaha uga baxsato, Iyo sida shimbir gacanta shimbirdabaha uga baxsato.
應急速解救自己,如羚羊掙脫羅網,飛鳥逃脫獵人的圈套。
6 Kaaga caajiska ahow, bal qudhaanjada u tag, Oo bal jidadkeeda u fiirso oo caqli yeelo,
懶漢,你去看看螞蟻,觀察牠的作風,便可得些智識:
7 Iyadoo aan lahayn madaxweyne, Sirkaal iyo taliye toona,
牠沒有領袖,沒有監督,沒有君王,
8 Ayay guga cuntadeeda soo diyaarsataa, Oo quudkeedana waxay soo urursataa wakhtiga beeraha la goosto.
但在夏天卻知準備食糧,在秋收時積貯養料。
9 Haddaba kaaga caajiska ahow, ilaa goormaad hurdaysaa? Goormaadse hurdadaada ka toosaysaa?
懶漢,你要睡到幾時,你幾時纔睡醒﹖「
10 Weliba, in yar baad seexataa, in yar baad lulootaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo aawadeed u laabataa,
再睡片刻,再假寐片刻,再抱臂躺臥片刻! 」
11 Hadda caydhinimadaadu waxay u iman doontaa sida mid dad dhaca, Oo baahidaaduna waxay u iman doontaa sida nin hub wata.
這樣貧窮就要如同竊賊,困乏也要如同武士,向你侵襲。
12 Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba, Wuxuu ku socdaa af qalloocan;
無賴與惡徒,行事滿口欺詐;
13 Indhihiisuu ku baaqaa, oo cagihiisuu ku hadlaa, Oo faruhuu wax ku baraa;
他以眼傳神,以腳示意,以手指東畫西。
14 Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.
他存心不良,常蓄意惹事生非。
15 Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
為此,他的喪亡必突然來臨,霎時間全被毀滅,無法挽救。
16 Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay, Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,
上主憎恨的事,共有六件,連他心裏最厭惡的事,共有七件:
17 Waana indho kibir badan, carrab been sheega, Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,
傲慢的眼睛,撒謊的舌頭,流無i辜者血的手,
18 Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega,
策劃陰謀的心,疾趨行惡的腳,
19 Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.
說謊的假見證,和在兄弟間搬弄事非的人。
20 Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.
我兒,應堅守你父親的命令,不要放棄你母親的教訓;
21 Had iyo goorba qalbiga ku sido, Oo qoortana ku xidho.
應將二者常刻在你心中,繫在你的頸項上。
22 Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa, Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa, Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa.
她們在你行路時引領你,在你躺臥時看護你;在你醒來時與你交談。
23 Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin, Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,
因為父命是盞燈,母教是光明,嚴格的勸告是生命的道路,
24 Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.
使你遠避惡意的女人,離開淫婦阿諛的言詞,
25 Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.
不讓你的心貪戀她的美色,不讓她的秋波迷惑你,
26 Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.
因為娼妓所求的只是一塊餅,有夫之婦卻獵取寶貴的生命。
27 Miyuu nin laabta dab ku qaadi karaa, Iyadoo aan dharkiisu guban?
人豈能懷中藏火,而不燒毀自己的衣服﹖
28 Miyuu mid dhuxul kulul ku kor socon karaa, Iyadoo aan cagihiisu guban?
人豈能在火炭上行走,而不灼傷自己的腳﹖
29 Haddaba sidaas oo kaluu noqdaa kii naagta deriskiisa u tagaa, Oo ku alla kii iyada taabtaaba ma taqsiir la'aan doono.
與他人妻子通姦的人就是這樣:凡接近她的,必難免受罰。
30 Dadku tuug ma quudhsadaan hadduu wax xado Inuu naftiisa dhergiyo markuu gaajoodo,
盜賊若因饑餓行竊以果腹,人都不鄙視他;
31 Laakiinse haddii isaga la qabto waa inuu toddoba jibbaar u magdhabaa, Waa inuu ku bixiyaa waxa gurigiisa yaal oo dhan.
但若被擒獲了,他仍須七倍償還,交出家中所有的財物。
32 Kii naag ka sinaystaa wuu caqli daranyahay, Oo kii sidaas yeelaa naftiisuu halligaa.
與婦人通姦的人,實屬愚眛,他這樣做,卻是毀滅自己。
33 Oo wuxuu heli doonaa dhaawacyo iyo sharafdarro; Oo ceebtiisana lama tirtiri doono innaba.
他必遭受可恥的打擊,並且他的恥辱,永不得拭去,
34 Waayo, hinaaso waa nin cadhadiis. Maalinta aarsashadana isagu ma tudhi doono.
因為妒火能激怒男人,使他在報復時,決不留情;
35 Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo, In kastoo aad hadiyado badan siisid.
任何的賠償,他都不理睬;即便你多送禮品,他也不肯罷休。