< Maahmaahyadii 5 >

1 Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;
我兒,你應注意我的智慧,側耳傾聽我的見解,
2 Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.
為使你保持審慎的態度,使你的口唇能固守知識。
3 Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,
因為淫婦的口,滴流甜蜜;她的嘴唇,比油還滑;
4 Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.
但是,與她相處的結果,卻苦若苦艾,刺心有如雙刃的利劍。
5 Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool, (Sheol h7585)
她的雙腳陷入死境,她的腳步直趨陰府。 (Sheol h7585)
6 Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato. Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid,
她不走生命的坦途;她的腳步,躊躇不定,不知所往。
7 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.
現在,我兒,你要聽從我,不要拋棄我口中的教訓:
8 Jidkaaga ka fogee iyada, Oo albaabka gurigeeda ha u dhowaan,
你應使你的道路遠離她,不要走近她的家門,
9 Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin, Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin,
免得將你的精力,葬送給別人;將你的歲月,委棄給無賴;
10 Si aan shisheeyayaal maalkaaga uga dhergin; Oo aanay wixii aad u hawshootay guri ajnabi u gelin,
免得你的財產為他人享受,你的辛勞裨益於人家;
11 Si aanad ugu dambaysta u barooran, Markay hilibkaaga iyo jidhkaaguba baabba'aan,
免得終期來臨,當你的肉軀和身體精力耗盡時,你只有嘆息,
12 Oo aad tidhaahdaan, Sidee baan edbin u nebcaaday, Oo qalbigayguna canaantii u quudhsaday!
說:「唉! 為什麼我憎惡了教訓,為什麼我的心藐視了規勸﹖
13 Codkii macallimiintaydii ma aan addeecin, Oo dhegtana uma aan dhigin kuwii wax i baray!
為什麼我沒有聽從師長的勸告,沒有側耳傾聽教訓我的人﹖
14 Anigu waxaan u dhowaa inaan shar kasta falo Anigoo ku dhex jira shirka iyo ururka.
在集會和會眾中,我幾乎陷於浩劫。」
15 Berkeddaada biyo ka cab, Oo ceelkaagana biyo qulqulaya ka cab.
你當飲你自己池裏的水,喝你井裏的活泉。
16 Ma hagaag baa in ilahaagu dibadda u daataan. Oo ay durdurraduna dariiqyada maraan?
你的泉水豈可外溢,成為街頭的流水﹖
17 Iyagu ha ahaadeen kuwaaga oo keliya, Oo yaanay u ahaan shisheeyayaal adiga kula jira.
其實都應全歸於你,不得讓外人與你共享。
18 Ishaadu ha barakaysnaato, Oo naagtaadii aad yaraanta ku guursatay ku faraxsanow.
你的泉源理應受祝福;你應由你少年時的妻子取樂。
19 Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan, Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow.
她宛如可愛的母鹿,嫵媚的母羚;她的酥胸應常使你暢懷,她的愛情應不斷使你陶醉。
20 Haddaba wiilkaygiiyow, bal maxaad naag qalaad ugu faraxsanaanaysaa, Maxaadse naag shisheeye ah naasaheeda u qabsanaysaa?
我兒,你為什麼要迷戀外婦,擁抱別人妻室的胸懷﹖
21 Waayo, jidadka dadku waxay hor yaalliin indhaha Rabbiga Oo isagaa fiiriya waddooyinkiisa oo dhan.
上主的眼目時常監視人的道路,不斷審察他的一切行徑。
22 Kan sharka leh waxaa qabsan doonta xumaantiisa, Oo waxaa isaga lagu soo xidhi doonaa xadhkaha dembigiisa.
惡人必被自己的邪惡所纏擾,必為自己罪惡的羅網所捕獲。
23 Wuxuu u dhiman doonaa edbinla'aanta, Oo isagu wuxuu ku dhex amban doonaa badnaanta nacasnimadiisa.
他必因不聽教訓而喪命,必因自己過度的愚昧而淪亡。

< Maahmaahyadii 5 >