< Maahmaahyadii 4 >

1 Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.
Halljátok, fiúk, az atya oktatását s figyeljetek, hogy meg ösmerjétek az értelmességet;
2 Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan, Haddaba cilmigayga ha ka tegina.
mert jó tanúlságot adtam nektek, tanomat el ne hagyjátok.
3 Waayo, aniguba waxaan aabbahay u ahaa wiil, Oo mid yar oo bacbac ah oo madi ah ayaan u ahaa hooyaday.
Mert fia voltam atyámnak, gyöngéd s egyetlen az anyám előtt;
4 Isagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi, Qalbigaagu erayadayda ha xajisto; Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa.
az tanított meg engem, s mondta nékem: Tartsa meg szavaimat szíved, őrizd meg parancsaimat, hogy élj.
5 Xigmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.
Szerezz bölcsességet, szerezz értelmességet; ne felejtsd el, ne hajolj el szájam mondásaitól.
6 Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.
Ne hagyd el őt s megőriz téged, szeresd őt és megóv téged.
7 Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.
Kezdete a bölcsességnek: szerezz bölcsességet! s minden szerzeményeden szerezz értelmességet!
8 Iyada sarraysii, oo iyana way ku dallicin doontaa; Oo sharaf bay kuu yeeli doontaa markaad iyada isku duubtid.
Tüntesd ki őt és fölemel téged, tiszteltté tesz téged, midőn átkarolod.
9 Iyadu waxay madaxaaga siin doontaa wax sharraxsan, Oo waxayna kuu yeeli doontaa taaj quruxsan.
Ad majd fejednek kecses füzért, díszes koronával ajándékoz meg téged.
10 Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.
Halljad fiam s fogadd el mondásaimat, hogy megsokasodjanak a te életed évei.
11 Anigu waxaan ku baray jidkii xigmadda; Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta.
Bölcsesség útjára tanítottalak, járattalak az egyenesség nyomdokaiban.
12 Markii aad socotid tallaabooyinkaagu cidhiidhi ma noqon doonaan, Oo haddaad oroddidna ma turunturoon doontid.
Jártadban nem szorul meg lépésed, s ha futsz, nem botlasz meg.
13 Edbinta xajiso, oo ha iska sii deyn; Hayso, waayo, iyadu waa noloshaada,
Ragaszkodjál az oktatáshoz, ne hagyd abba, óvd meg őt, mert ő az életed.
14 Waddada kuwa sharka leh ha gelin, Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin.
A gonoszok ösvényére ne menj, és ne haladj a rosszak útján.
15 Ka leexo, hana marin, Ka noqo oo hareer ka mar.
Vesd el, ne vonulj rajta, térj le róla s vonulj el.
16 Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin, Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.
Mert nem alusznak, ha rosszat nem tesznek, s el van rabolva álmuk, ha botlást nem okoznak.
17 Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada, Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.
Mert ették a gonoszság kenyerét és az erőszakoskodás borát isszák.
18 Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale, Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.
S az igazak ösvénye akár a fényes napvilág, mely egyre világosabb lesz a nappal megszilárdultáig;
19 Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.
a gonoszok útja akár az éjhomály, nem tudják, miben botlanak meg.
20 Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig.
Fiam, szavaimra figyelj, mondásaimra hajtsad füledet;
21 Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan, Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,
ne mozduljanak el szemeid elől, őrizd azokat szíved belsejében:
22 Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela, Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.
mert élet azok megtalálóik számára s egész testöknek gyógyulás.
23 Digtoonaan qalbigaaga u dhawr, Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.
Minden őrzendőnél jobban óvjad szívedet, mert abból erednek az élet forrásai.
24 Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.
Vesd le magadról a szájnak görbeségét, s az ajkak ferdeségét távolítsd el magadtól.
25 Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen, Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.
Szemeid előre tekintsenek és szempilláid egyenesen nézzenek magad elé.
26 Waddada cagahaaga aad ugu fiirso, Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen.
Mérlegeld lábad nyomdokát s mind az útjaid megszilárdulnak.
27 Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.
Ne hajolj jobbra és balra, távoztasd lábadat a rossztól.

< Maahmaahyadii 4 >