< Maahmaahyadii 4 >

1 Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.
Ku saurara’ya’yana ga koyarwar mahaifinku; ku mai da hankali, ku sami fahimi.
2 Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan, Haddaba cilmigayga ha ka tegina.
Ina ba ku sahihiyar koyarwa, saboda haka kada ku ƙyale koyarwata.
3 Waayo, aniguba waxaan aabbahay u ahaa wiil, Oo mid yar oo bacbac ah oo madi ah ayaan u ahaa hooyaday.
Sa’ad da nake yaro a gidan mahaifina, yaro kaɗai kuma na mahaifiyata,
4 Isagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi, Qalbigaagu erayadayda ha xajisto; Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa.
ya koya mini ya ce, “Ka riƙe kalmomina da dukan zuciyarka; ka kiyaye umarnaina za ka kuwa rayu.
5 Xigmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.
Ka nemi hikima, ka nemi fahimi; kada ka manta da kalmomina ko ka kauce daga gare su.
6 Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.
Kada ka ƙyale hikima, za tă kuwa tsare ka; ka ƙaunace ta, za tă kuwa lura da kai.
7 Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.
Hikima ce mafi girma duka; saboda haka ka nemi hikima. Ko da za tă ci duk abin da kake da shi, ka dai nemi fahimi.
8 Iyada sarraysii, oo iyana way ku dallicin doontaa; Oo sharaf bay kuu yeeli doontaa markaad iyada isku duubtid.
Ka ƙaunace ta, za tă ɗaukaka ka; ka rungume ta, za tă kuwa girmama ka.
9 Iyadu waxay madaxaaga siin doontaa wax sharraxsan, Oo waxayna kuu yeeli doontaa taaj quruxsan.
Za tă zama kayan ado da za su inganta kanka tă kuma zamar maka rawanin ɗaukaka.”
10 Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.
Ka saurara, ɗana, ka yarda da abin da na faɗa, shekarun rayuwarka kuwa za su zama masu yawa.
11 Anigu waxaan ku baray jidkii xigmadda; Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta.
Na bishe ka a hanyar hikima na kuma jagorance ka a miƙaƙƙun hanyoyi.
12 Markii aad socotid tallaabooyinkaagu cidhiidhi ma noqon doonaan, Oo haddaad oroddidna ma turunturoon doontid.
Sa’ad da kake tafiya, ba abin da zai sa ka tuntuɓe; sa’ad da kake gudu, ba za ka fāɗi ba.
13 Edbinta xajiso, oo ha iska sii deyn; Hayso, waayo, iyadu waa noloshaada,
Ka riƙe umarni, kada ka bari yă kuɓuce; ka tsare shi sosai, gama ranka ne.
14 Waddada kuwa sharka leh ha gelin, Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin.
Kada ka sa ƙafa a kan hanyar mugaye kada ka bi gurbin mugaye.
15 Ka leexo, hana marin, Ka noqo oo hareer ka mar.
Ka guji mugunta, kada ka yi tafiya a kanta; juya daga gare ta ka yi tafiyarka.
16 Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin, Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.
Mugaye ba sa iya barci, sai sun aikata mugunta; ba su barci sai sun cuci wani.
17 Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada, Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.
Mugunta da ta’adi kamar ci da sha suke a gare su.
18 Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale, Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.
Hanyar adali kamar fitowar rana ce, sai ƙara haske take yi, har ta kai tsaka.
19 Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.
Amma hanyar mugaye kamar zurfin duhu ne; ba sa sanin abin da ya sa suke tuntuɓe.
20 Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig.
Ɗana, ka kula da abin da nake faɗa, ka saurara sosai ga kalmomina.
21 Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan, Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,
Kada ka bari su rabu da kai, ka kiyaye su a cikin zuciyarka;
22 Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela, Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.
gama rai ne ga waɗanda suke nemansu da kuma lafiya ga dukan jikin mutum.
23 Digtoonaan qalbigaaga u dhawr, Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.
Fiye da kome duka, ka tsare zuciyarka, gama maɓulɓulan ruwan rijiyar rai ne.
24 Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.
Ka kau da muguwar magana daga bakinka; ka yi nesa da magana marar kyau daga leɓunanka.
25 Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen, Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.
Bari idanunka su dubi gaba sosai, ka kafa idanunka kai tsaye a gabanka.
26 Waddada cagahaaga aad ugu fiirso, Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen.
Ka san inda ƙafafunka suke takawa ka bi hanyoyin da suke daram kawai.
27 Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.
Kada ka kauce dama ko hagu; ka kiyaye ƙafarka daga mugunta.

< Maahmaahyadii 4 >