< Maahmaahyadii 31 >

1 Kuwanu waa erayadii Lemuu'eel oo ahaa boqorkii Masaa ay hooyadiis bartay isaga.
דִּבְרֵי לְמוּאֵל מֶלֶךְ מַשָּׂא אֲֽשֶׁר־יִסְּרַתּוּ אִמּֽוֹ׃
2 Waa maxay, wiilkaygiiyow? Waa maxay, wiilkii uurkaygow? Waa maxay, wiilkii nidarradaydow?
מַה־בְּרִי וּמַֽה־בַּר־בִּטְנִי וּמֶה בַּר־נְדָרָֽי׃
3 Xooggaaga naago ha siinin, Dawyadaadana ha siinin kuwa boqorrada dumiya.
אַל־תִּתֵּן לַנָּשִׁים חֵילֶךָ וּדְרָכֶיךָ לַֽמְחוֹת מְלָכִֽין׃
4 Lemuu'eelow, uma eka boqorrada, uma eka boqorradu inay khamri cabbaan, Oo amiirradana uma eka inay waxa lagu sakhraamo damcaan,
אַל לַֽמְלָכִים ׀ לְֽמוֹאֵל אַל לַֽמְלָכִים שְׁתוֹ־יָיִן וּלְרוֹזְנִים (או) [אֵי] שֵׁכָֽר׃
5 Waaba intaasoo ay cabbaan, oo ay sharciga illoobaan, Oo ay kuwa dhibaataysan midkood gartiisa qalloociyaan.
פֶּן־יִשְׁתֶּה וְיִשְׁכַּח מְחֻקָּק וִישַׁנֶּה דִּין כׇּל־בְּנֵי־עֹֽנִי׃
6 Waxa lagu sakhraamo siiya ka dhimashada ku dhow, Oo khamrigana waxaad siisaan kuwa naftoodu la qadhaadhaatay.
תְּנוּ־שֵׁכָר לְאוֹבֵד וְיַיִן לְמָרֵי נָֽפֶשׁ׃
7 Ha cabbo, oo caydhnimadiisa ha illoobo, Oo dhibaatadiisana yaanu mar dambe soo xusuusan innaba.
יִשְׁתֶּה וְיִשְׁכַּח רִישׁוֹ וַעֲמָלוֹ לֹא יִזְכׇּר־עֽוֹד׃
8 Afka u fur carrablaawaha aawadiis, Si aad kuwa baabba'aya oo dhan u xaq mariso.
פְּתַח־פִּיךָ לְאִלֵּם אֶל־דִּין כׇּל־בְּנֵי חֲלֽוֹף׃
9 Afka fur, oo si xaq ah u garsoor, Oo miskiinka iyo saboolka baahanba gartooda u qaad.
פְּתַח־פִּיךָ שְׁפׇט־צֶדֶק וְדִין עָנִי וְאֶבְיֽוֹן׃
10 Bal yaa heli kara naag wanaagsan? Waayo, qiimaheedu waa ka sii badan yahay xataa luul.
אֵֽשֶׁת־חַיִל מִי יִמְצָא וְרָחֹק מִפְּנִינִים מִכְרָֽהּ׃
11 Waayo, qalbiga ninkeedu iyaduu isku halleeyaa, Oo isagu innaba uma baahnaan doono wax booli ah.
בָּטַח בָּהּ לֵב בַּעְלָהּ וְשָׁלָל לֹא יֶחְסָֽר׃
12 Cimrigeeda oo dhan isaga wanaag bay u samayn doontaa, Oo innaba xumaan kuma samayn doonto.
גְּמָלַתְהוּ טוֹב וְלֹא־רָע כֹּל יְמֵי חַיֶּֽיהָ׃
13 Waxay doondoontaa dhogor idaad iyo geed linen la yidhaahdo. Oo iyadoo raalli ku ah ayay gacmaheeda ku shaqaysaa.
דָּרְשָׁה צֶמֶר וּפִשְׁתִּים וַתַּעַשׂ בְּחֵפֶץ כַּפֶּֽיהָ׃
14 Iyadu waa sida doonniyaha baayacmushtariga, Oo cuntadeeda waxay ka keentaa meel fog.
הָיְתָה כׇּאֳנִיּוֹת סוֹחֵר מִמֶּרְחָק תָּבִיא לַחְמָֽהּ׃
15 Waxay kacdaa iyadoo weli ay habeennimo tahay, Oo dadka reerkeeda ayay cunto siisaa, Oo gabdhaheedana hawshooday siisaa,
וַתָּקׇם ׀ בְּעוֹד לַיְלָה וַתִּתֵּן טֶרֶף לְבֵיתָהּ וְחֹק לְנַעֲרֹתֶֽיהָ׃
16 Iyadu waxay ka fikirtaa beer, wayna soo iibsataa, Oo midhaha gacmaheeda ayay beercanab ku beerataa.
זָֽמְמָה שָׂדֶה וַתִּקָּחֵהוּ מִפְּרִי כַפֶּיהָ (נטע) [נָטְעָה] כָּֽרֶם׃
17 Waxay dhexda ku xidhataa xoog, Oo gacmaheedana way xoogaysaa.
חָֽגְרָה בְעוֹז מׇתְנֶיהָ וַתְּאַמֵּץ זְרוֹעֹתֶֽיהָ׃
18 Waxay eegtaa in baayacmushtarigeedu wanaagsan yahay; Laambaddeeduna habeenkii ma bakhtido.
טָעֲמָה כִּי־טוֹב סַחְרָהּ לֹא־יִכְבֶּה (בליל) [בַלַּיְלָה] נֵרָֽהּ׃
19 Waxay gacmaheeda ku fidisaa dunmiiqa, Oo sacabbadeeduna waxay qabtaan usha wareegta.
יָדֶיהָ שִׁלְּחָה בַכִּישׁוֹר וְכַפֶּיהָ תָּמְכוּ פָֽלֶךְ׃
20 Waxay sacabkeeda u furtaa miskiinka, Oo gacmaheedana waxay u fidisaa saboolka baahan.
כַּפָּהּ פָּֽרְשָׂה לֶעָנִי וְיָדֶיהָ שִׁלְּחָה לָאֶבְיֽוֹן׃
21 Dadka reerkeeda ugama cabsato dhaxanta barafka cad, Waayo, xaaskeeda oo dhammu waxay wada qabaan dhar labanlaab ah.
לֹא־תִירָא לְבֵיתָהּ מִשָּׁלֶג כִּי כׇל־בֵּיתָהּ לָבֻשׁ שָׁנִֽים׃
22 Waxay samaysataa durraaxado daabac leh, Oo dharkeeduna waxaa weeye dhar aad u wanaagsan oo guduudan.
מַרְבַדִּים עָֽשְׂתָה־לָּהּ שֵׁשׁ וְאַרְגָּמָן לְבוּשָֽׁהּ׃
23 Ninkeedana waxaa laga yaqaan irdaha magaalada, Markuu dhex fadhiisto waayeellada waddanka.
נוֹדָע בַּשְּׁעָרִים בַּעְלָהּ בְּשִׁבְתּוֹ עִם־זִקְנֵי־אָֽרֶץ׃
24 Waxay samaysaa dhar wanaagsan, wayna iibisaa, Oo baayacmushtarigana waxay ka iibisaa boqorro dhexda lagu xidho.
סָדִין עָשְׂתָה וַתִּמְכֹּר וַחֲגוֹר נָתְנָה לַֽכְּנַעֲנִֽי׃
25 Xoog iyo sharaf ayaa iyada dhar u ah; Oo wakhtiga soo socda way ku qososhaa.
עֹז־וְהָדָר לְבוּשָׁהּ וַתִּשְׂחַק לְיוֹם אַחֲרֽוֹן׃
26 Afkeeda waxay u kala qaaddaa xigmad; Oo carrabkeedana waxaa saaran sharciga raxmadda.
פִּיהָ פָּתְחָה בְחׇכְמָה וְתוֹרַת חֶסֶד עַל־לְשׁוֹנָֽהּ׃
27 Waxay aad u xannaanaysaa reerkeeda, Oo kibista caajisnimadana ma cunto.
צוֹפִיָּה (הילכות) [הֲלִיכוֹת] בֵּיתָהּ וְלֶחֶם עַצְלוּת לֹא תֹאכֵֽל׃
28 Carruurteedu way kacaan oo waxay ugu yeedhaan tan barakaysan, Oo weliba ninkeeduna wuu ammaanaa, isagoo leh;
קָמוּ בָנֶיהָ וַֽיְאַשְּׁרוּהָ בַּעְלָהּ וַֽיְהַלְלָֽהּ׃
29 Dumar badan baa wanaag sameeyey, Laakiinse adigu waad ka sii wanaagsan tahay dhammaantood.
רַבּוֹת בָּנוֹת עָשׂוּ חָיִל וְאַתְּ עָלִית עַל־כֻּלָּֽנָה׃
30 Suuradwacnaantu waa khiyaano miidhan, oo quruxduna waa ceeryaamo oo kale, Laakiinse naagtii Rabbiga ka cabsata waa la ammaani doonaa.
שֶׁקֶר הַחֵן וְהֶבֶל הַיֹּפִי אִשָּׁה יִרְאַת־יְהֹוָה הִיא תִתְהַלָּֽל׃
31 Midhihii gacmaheeda wax ka siiya, Oo shuqulladeeduna iyada ha ku ammaaneen irdaha magaalada.
תְּנוּ־לָהּ מִפְּרִי יָדֶיהָ וִיהַלְלוּהָ בַשְּׁעָרִים מַֽעֲשֶֽׂיהָ׃

< Maahmaahyadii 31 >