< Maahmaahyadii 30 >

1 Kuwanu waa erayadii Aaguur ina Yaaqeh, oo ahaa reer Masaa. Ninku wuxuu la hadlay Iitii'eel, iyo xataa Iitii'eel iyo Ukaal, oo ku yidhi,
ヤケの子アグルの語なる箴言 かれイテエルにむかひて之をいへり 即ちイテエルとウカルとにいへる所のものなり
2 Hubaal anigu waan ka doqonnimo weynahay nin kastaba, Oo dad waxgarashadiisana ma lihi.
我は人よりも愚なり 我には人の聰明あらず
3 Xigmad ma aan baran, Aqoonta Kan quduuska ahna ma aqaan.
我いまた智慧をならひ得ず またいまだ至聖きものを暁ることをえず
4 Yaa samada u baxay, oo ka soo degay? Yaa dabaysha gacmihiisa ku soo ururshay? Yaa biyaha dharkiisa ku guntay? Yaa dhulka darafyadiisa oo dhan dhisay? Magicii, wiilkiisana magicii, haddaad taqaan?
天に昇りまた降りし者は誰か 風をその掌中に聚めし者は誰か 水を衣につつみし者は誰か 地のすべての限界を定めし者は誰か その名は何ぞ その子の名は何ぞ 汝これを知るや
5 Eray kasta oo Ilaah waa daahir; Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga aaminsan.
神の言はみな潔よし 神は彼を賴むものの盾なり
6 Erayadiisa waxba ha ku darin, Waaba intaas oo uu ku canaantaa, oo lagu ogaadaa inaad beenaaleh tahay.
汝その言に加ふること勿れ 恐くは彼なんぢをせめ 又なんぢを謊る者となしたまはん
7 Laba waxyaalood ayaan ku weyddiistay, Iyaga ha ii diidin intaanan dhiman.
われ二の事をなんぢに求めたり 我が死ざる先にこれをたまへ
8 Wax aan waxtar lahayn iyo been iga fogee, Oo caydhnimo iyo taajirnimo midna ha i siin. Igu quudi cunto aanan ka maarmin,
即ち虚假と謊言とを我より離れしめ 我をして貧からしめずまた富しめず 惟なくてならぬ糧をあたへ給へ
9 Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu? Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado, Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.
そは我あきて神を知ずといひヱホバは誰なりやといはんことを恐れ また貧くして窃盗をなし我が神の名を汚さんことを恐るればなり
10 Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin, Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.
なんぢ僕をその主に讒ることなかれ 恐くは彼なんぢを詛ひてなんぢ罪せられん
11 Waxaa jira farcan aabbahood inkaara, Oo aan hooyadoodna u ducayn.
その父を詛ひその母を祝せざる世類あり
12 Waxaa jira farcan isla daahirsan, Oo weliba aan nijaastoodii ka maydhmin.
おのれの目に自らを潔者となして尚その汚穢を滌はれざる世類あり
13 Waxaa jira farcan indhahoodu aad u sarreeyaan! Oo daboolka indhahoodana kor bay u qaadaan.
また一の世類あり 嗚呼その眼はいかに高きぞや その瞼は昂れり
14 Waxaa jira farcan ilkahoodu sida seefo oo kale yihiin, oo gowsahooduna sida mindiyo oo kale yihiin, Si ay masaakiinta dhulka uga baabbi'iyaan, oo ay kuwa baahanna dadka dhexdiisa uga dhammeeyaan.
その歯は劍のごとく その牙は刃のごとき世類あり 彼等は貧き者を地より呑み 窮乏者を人の中より食ふ
15 Culaacushu waxay leedahay laba gabdhood, oo leh, Na sii, Na sii. Waxaa jira saddex waxyaalood oo aan weligood dhergin, Haah, oo afar aan odhan, Bes, nagu filan;
蛭に二人の女あり 與ヘよ與へよと呼はる 飽ことを知ざるもの三あり 否な四あり皆たれりといはず
16 Waxaana weeye qabriga, iyo maxalka aan wax dhalayn, Iyo dhulka aan biyo ka dhergayn, Iyo dabka aan odhan, Bes, igu filan. (Sheol h7585)
即ち陰府姙まざる胎水に滿されざる地 足りといはざる火これなり (Sheol h7585)
17 Isha aabbaheed ku majaajiloota, Oo quudhsata inay hooyadeed addeecdo, Waxaa la soo bixi doona tukayaasha dooxada, Oo waxaa cuni doona gorgorrada.
おのれの父を嘲り母に從ふことをいやしとする眼は 谷の鴉これを抜いだし鷲の雛これを食はん
18 Waxaa jira saddex waxyaalood oo anigu aan aad ula yaabo, Haah, afar baan garan waayay,
わが奇とするもの三あり否な四あり共にわが識ざる者なり
19 Oo iyana waxaa weeye siduu gorgor hawada u duulo, Siduu masna dhagax ugu socdo, Siday doonnina badda u maaxdo, Iyo siduu nin gabadh ula macaamiloodo.
即ち空にとぷ鷲の路 磐の上にはふ蛇の路 海にはしる舟の路 男の女にあふの路これなり
20 Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda, Taasoo intay wax cunto afka tirtirta, Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.
淫婦の途も亦しかり 彼は食ひてその口を拭ひ われ惡きことを爲ざりきといふ
21 Saddex waxyaalood ayaa dhulku la gariiraa, Oo afar baanu qaadan karin,
地は三の者によりて震ふ否な四の者によりて耐ることあたはざるなり
22 Waxaana weeye addoon markuu boqor noqdo, Iyo nacas markuu cunto ka dhergo,
即ち僕たるもの王となるに因り愚なるもの糧に飽るにより
23 Iyo naag la nacay markay guursato, Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.
厭忌はれたる婦の嫁ぐにより婢女その主母に續に因りてなり
24 Waxaa jira afar waxyaalood oo dhulka ku yaryar, Laakiinse aad iyo aad u caqli badan.
地に四の物あり微小といへども最智し
25 Qudhaanjadu waa sida dad aan xoog badnayn, Laakiinse waxay cuntadooda soo diyaarsadaan guga.
蟻は力なき者なれどもその糧を夏のうちに備ふ
26 Walooyinku waa qoon taagdaran, Oo haddana waxay guryahooda ka samaystaan dhagaxyada dhexdooda;
山鼠ば強からざれどもその室を磐につくる
27 Ayaxu boqor ma leh, Weliba dhammaantood guuto guuto ayay u socdaan.
蝗は王なけれどもみな隊を立ていづ
28 Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo, Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.
守宮は手をもてつかまり王の宮にをる
29 Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda, Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.
善あゆむもの三あり否な四あり皆よく歩く
30 Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan, Oo aan weliba midna dib uga noqon,
獣の中にて最も強くもろもろのものの前より退かざる獅子
31 Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga; Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.
肚帶せし戰馬 牡野羊 および當ること能はざる王これなり
32 Haddaad nacasnimo samaysay adoo isa sarraysiinaya, Ama aad wax shar ah ka fikirtay, Gacanta afka saar.
汝もし愚にして自から高ぶり或は惡きことを計らば汝の手を口に當つべし
33 Waayo, caanihii la lulaa subag bay soo saaraan, Sankii la maroojiyaana dhiig buu keenaa, Sidaas oo kalena cadhadii la qasbaa dirir bay keentaa.
それ乳を搾れば乾酪いで鼻を搾れば血いで 怒を激ふれば爭端おこる

< Maahmaahyadii 30 >