< Maahmaahyadii 28 >

1 Kuwa sharka lahu waxay cararaan iyadoo aan ciduna eryanayn, Laakiinse kuwa xaqa ahu waxay u dhiirran yihiin sida libaax oo kale.
Every wicked fleeth when no man pursueth; but the righteous are like the confident young lion.
2 Waddan xadgudubkiisa aawadiis amiirradu way badan yihiin, Laakiinse ninkii waxgarasho iyo aqoon leh dowladdiisu way sii raagtaa.
When there is transgression in a land, it hath many for its princes; but under a man of understanding and knowledge [its] prosperity will long continue.
3 Miskiin masaakiinta dulmaa Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.
A poor man that oppresseth the indigent is like a sweeping rain which bringeth no bread.
4 Kuwa sharciga ka tagaa waxay ammaanaan kuwa sharka leh, Laakiinse kuwa sharciga dhawra ayaa iyaga la dirira.
They that forsake the law praise the wicked; but such as observe the law contend with them.
5 Nimanka sharka lahu garsooridda ma gartaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax walbay gartaan.
Bad men understand not justice; but they that seek the Lord understand all things.
6 Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.
Better is the poor that walketh in his integrity, than he that is perverse in his ways, though he be rich.
7 Ku alla kii sharciga dhawraa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii raaca kuwa cirta weyn, aabbihiisuu ceebeeyaa.
Whoso keepeth the law is an intelligent son; but he that is a companion of gluttons bringeth dishonor on his father.
8 Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.
He that increaseth his wealth by interest and usury will gather it for him that will be kind to the poor.
9 Kii dhegtiisa ka leexiya inuu sharciga maqlo, Xataa baryootankiisu waa karaahiyo.
When one turneth away his ear so as not to listen to the law, even his prayer becometh an abomination.
10 Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa, Isagaa ku dhici doona godkiisa, Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.
Whoso causeth the upright to go astray on an evil way, will surely fall into his own ditch; but the men of integrity will inherit what is good.
11 Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.
The rich man is wise in his own eyes; but the indigent that hath understanding can search him through.
12 Kuwa xaqa ahu markay guulaystaan, waxaa jirta ammaan weyn, Laakiinse markii kuwa sharka lahu sara kacaan dadku waa dhuuntaa.
When the righteous exult, there is great splendor; but when the wicked rise up, a man hath to be sought for.
13 Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono, Laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.
He that concealeth his transgressions will not prosper; but whoso confesseth and forsaketh them will obtain mercy.
14 Ninkii mar kasta cabsadaa waa barakaysan yahay, Laakiinse kii qalbigiisa sii adkeeyaa masiibuu ku dhici doonaa.
Happy is the man that always dreadeth [to do evil]; but he that hardeneth his heart will fall into unhappiness.
15 Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.
As a roaring lion, and a greedy bear, so is a wicked ruler over an indigent people.
16 Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn, Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.
The prince that is void of understanding is also a great oppressor; [but] he that hateth unjust gain will prolong his days.
17 Ninkii nin dhiiggiis qabaa Wuxuu u carari doonaa godka, oo ninna yaanu ka joojin.
A man oppressed by the load of having shed human blood will flee even to the pit: let no man hold him.
18 Ku alla kii si qumman u socda waa la samatabbixin doonaa, Laakiinse kii si qalloocan laba jid ugu socdaa haddiiba wuu dhici doonaa.
Whoso walketh in integrity will be saved; but he that walketh perversely on two paths, will fall on one.
19 Kii dhulkiisa beertaa, cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa wuxuu ka dhergi doonaa caydhnimo.
He that tilleth his ground will have plenty of bread; but he that runneth after idle persons will have enough of poverty.
20 Ninkii aamin ahu aad buu u barakoobi doonaa, Laakiinse kii taajirnimo ku degdegaa ma taqsiir la'aan doono.
A faithful man will abound with blessings; but he that maketh haste to be rich will not go unpunished.
21 Ma wanaagsana in dadka loo kala eexdo, Iyo inuu nin xabbad kibis ah u xadgudbo toona.
To have respect to persons is not good; because even for a piece of bread will a man transgress.
22 Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.
He that is eager for wealth is a man of an evil eye, and he knoweth not that want will come upon him.
23 Kii nin canaantaa wuxuu marka dambe heli doonaa Raallinimo ka badan kan carrabka ku faaniya.
He that reproveth a man after [my example] will obtain more grace than he that flattereth with the tongue.
24 Kii aabbihiis ama hooyadiis wax ka dhaca oo haddana yidhaahda, Taasu xadgudub ma aha, Wuxuu saaxiib la yahay kii wax dumiya.
Whoso robbeth his father or his mother, and saith, it is no transgression, —the same is a companion of a destroyer.
25 Kii hunguri weynu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waa la barwaaqaysiin doonaa.
He that hath an insatiable desire stirreth up strife: but he that putteth his trust in the Lord will be abundantly gratified.
26 Kii qalbigiisa isku halleeyaa waa nacas, Laakiinse ku alla kii si caqli ah u socda waa la samatabbixin doonaa.
He that trusteth in his own sense is a fool; but whoso walketh in wisdom, will ever escape.
27 Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.
He that giveth unto the poor will not have any want; but he that hideth his eyes will have an abundance of curses.
28 Markii kuwa sharka lahu kacaan dadku waa dhuuntaa, Laakiinse markay halligmaan, kuwa xaqa ahu way sii kordhaan.
When the wicked rise, men conceal themselves; but when they perish, the righteous increase.

< Maahmaahyadii 28 >