< Maahmaahyadii 27 >

1 Berrito ha ku faanin, Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.
Boast not thyself of to morrow; for thou knowest not what a day may bring forth.
2 Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin, Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.
Let another man praise thee, and not thine own mouth; a stranger, and not thine own lips.
3 Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
A stone [is] heavy, and the sand weighty; but a fool’s wrath [is] heavier than them both.
4 Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
Wrath [is] cruel, and anger [is] outrageous; but who [is] able to stand before envy?
5 Canaantii bayaan ahu Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.
Open rebuke [is] better than secret love.
6 Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo, Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.
Faithful [are] the wounds of a friend; but the kisses of an enemy [are] deceitful.
7 Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa, Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin.
The full soul loatheth an honeycomb; but to the hungry soul every bitter thing is sweet.
8 Ninkii hoygiisa ka warwareegaa Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale.
As a bird that wandereth from her nest, so [is] a man that wandereth from his place.
9 Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan, Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.
Ointment and perfume rejoice the heart: so [doth] the sweetness of a man’s friend by hearty counsel.
10 Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona, Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin, Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.
Thine own friend, and thy father’s friend, forsake not; neither go into thy brother’s house in the day of thy calamity: [for] better [is] a neighbour [that is] near than a brother far off.
11 Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.
My son, be wise, and make my heart glad, that I may answer him that reproacheth me.
12 Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.
A prudent [man] foreseeth the evil, [and] hideth himself; [but] the simple pass on, [and] are punished.
13 Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.
Take his garment that is surety for a stranger, and take a pledge of him for a strange woman.
14 Kii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya, Waxaa loo qaadan doonaa habaar.
He that blesseth his friend with a loud voice, rising early in the morning, it shall be counted a curse to him.
15 Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.
A continual dropping in a very rainy day and a contentious woman are alike.
16 Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.
Whosoever hideth her hideth the wind, and the ointment of his right hand, [which] bewrayeth [itself].
17 Bir baa bir afaysa, Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.
Iron sharpeneth iron; so a man sharpeneth the countenance of his friend.
18 Ku alla kii berde xannaanaystaa midhihiisuu cuni doonaa. Oo kii sayidkiisa dhawrana waa la murwayn doonaa.
Whoso keepeth the fig tree shall eat the fruit thereof: so he that waiteth on his master shall be honoured.
19 Sida fool biyaha dhexdooda fool uga muuqdo, Ayaa nin qalbigiisu nin kale ugu muuqdaa.
As in water face [answereth] to face, so the heart of man to man.
20 She'ool iyo halligaadu weligood ma dhergaan, Dadka indhihiisu weligood ma dhergaan. (Sheol h7585)
Hell and destruction are never full; so the eyes of man are never satisfied. (Sheol h7585)
21 Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Sidaas oo kalena nin waxaa lagu tijaabiyaa ammaantiisa.
[As] the fining pot for silver, and the furnace for gold; so [is] a man to his praise.
22 In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid, Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.
Though thou shouldest bray a fool in a mortar among wheat with a pestle, [yet] will not his foolishness depart from him.
23 Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga, Oo lo'daadana si wanaagsan u ilaali.
Be thou diligent to know the state of thy flocks, [and] look well to thy herds.
24 Waayo, maalku weligiis siima raago, Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa?
For riches [are] not for ever: and doth the crown [endure] to every generation?
25 Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda, Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa.
The hay appeareth, and the tender grass sheweth itself, and herbs of the mountains are gathered.
26 Baraarku waa kuu dhar, Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta.
The lambs [are] for thy clothing, and the goats [are] the price of the field.
27 Waxaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba, Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya.
And [thou shalt have] goats’ milk enough for thy food, for the food of thy household, and [for] the maintenance for thy maidens.

< Maahmaahyadii 27 >