< Maahmaahyadii 26 >

1 Sida wakhtiga kulul aan baraf cad ugu habboonayn, oo wakhtiga beergooyska aan roob ugu habboonayn, Ayaan sharaf nacas ugu habboonayn.
As snow in summer, and as rain in harvest, so honor is not seemly for a fool.
2 Sida shimbir iska wareegaysa iyo sida dabafallaadh iska duulaysa, Ayaan habaarkii sababla'aan ahu cidna ugu dhacayn.
As the bird by wandering, as the swallow by flying, so the curse causeless shall not come.
3 Jeedal faras buu ku habboon yahay, dacayna dameer, Ulina dhabarka nacaska.
A whip for the horse, a bridle for the ass, and a rod for the fool’s back.
4 Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.
Answer not a fool according to his folly, lest you also be like to him.
5 Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.
Answer a fool according to his folly, lest he be wise in his own conceit.
6 Kii nacas gacantiis farriin u sii dhiibaa Cagahuu iska gooyaa oo khasaaruu cabbaa.
He that sends a message by the hand of a fool cuts off the feet, and drinks damage.
7 Sida lugaha curyaanku u laalaadaan Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.
The legs of the lame are not equal: so is a parable in the mouth of fools.
8 Kii nacas sharaf siiyaa Wuxuu la mid yahay mid wadhaf dhagax ku xidha oo kale.
As he that binds a stone in a sling, so is he that gives honor to a fool.
9 Sida qodaxdu u dhex gasho sakhraan gacantiis, Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.
As a thorn goes up into the hand of a drunkard, so is a parable in the mouths of fools.
10 Kii nacaska ama kuwa jidka maraya kiraystaa Waa sida qaansoole dadka oo dhan dhaawaca oo kale.
The great God that formed all things both rewards the fool, and rewards transgressors.
11 Nacas nacasnimadiisa ku noqnoqdaa Waa sida eey mantaggiisa ku noqnoqda oo kale.
As a dog returns to his vomit, so a fool returns to his folly.
12 Nin isla caqli weyn ma aragtay? Waxaa isaga ka rajo roon nacas.
See you a man wise in his own conceit? there is more hope of a fool than of him.
13 Ninkii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa waddada jooga; Libaax baa jidka taagan.
The slothful man says, There is a lion in the way; a lion is in the streets.
14 Sida albaabku birihiisa ugu noqnoqdo, Ayaa kii caajis ahuna sariirtiisa isugu rogrogaa.
As the door turns on his hinges, so does the slothful on his bed.
15 Kii caajis ahu wuxuu gacantiisa geliyaa xeedhadiisa, Oo inuu afkiisa ku soo celiyona waa ku dhib isaga.
The slothful hides his hand in his bosom; it grieves him to bring it again to his mouth.
16 Kii caajis ahu waa iskala caqli badan yahay Toddoba nin oo xigmad ku jawaabi karta.
The sluggard is wiser in his own conceit than seven men that can render a reason.
17 Kii isagoo jidka iska maraya isku dhex dara dirir aanu waxba ku lahayn, Wuxuu la mid yahay mid eey dhegaha qabta oo kale.
He that passes by, and meddles with strife belonging not to him, is like one that takes a dog by the ears.
18 Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho,
As a mad man who casts firebrands, arrows, and death,
19 Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo, Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?
So is the man that deceives his neighbor, and says, Am not I in sport?
20 Xaabola'aanta dabku waa bakhtiyaa, Oo meeshii aan mid xan badanu jooginna muranku waa ka joogsadaa.
Where no wood is, there the fire goes out: so where there is no talebearer, the strife ceases.
21 Sida dhuxuli raran u sii shiddo, qoryona dab u sii belbeliyaan, Ayuu ninkii muran badanuna dirir u sii kiciyaa.
As coals are to burning coals, and wood to fire; so is a contentious man to kindle strife.
22 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
The words of a talebearer are as wounds, and they go down into the innermost parts of the belly.
23 Bushimihii macaan iyo qalbigii shar lehba Waxay la mid yihiin weel dhoobo ah oo lagu dahaadhay lacag wasakhdeed.
Burning lips and a wicked heart are like a potsherd covered with silver dross.
24 Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa.
He that hates dissembles with his lips, and lays up deceit within him;
25 Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo.
When he speaks fair, believe him not: for there are seven abominations in his heart.
26 In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.
Whose hatred is covered by deceit, his wickedness shall be showed before the whole congregation.
27 Ku alla kii bohol qodaaba isagaa ku dhex dhici doona, Oo kii dhagax giringiriyana, isaguu ku soo rogman doonaa.
Whoever digs a pit shall fall therein: and he that rolls a stone, it will return on him.
28 Carrabkii been sheega wuxuu neceb yahay kuwuu dhaawacay, Oo afkii wax faaniyaana wuxuu ka shaqeeyaa baabba'.
A lying tongue hates those that are afflicted by it; and a flattering mouth works ruin.

< Maahmaahyadii 26 >