< Maahmaahyadii 24 >

1 Dad shar leh ha ka masayrin, Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.
Be not envious of evil men, And desire not to be with them.
2 Waayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad, Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.
For destruction doth their heart meditate, And perverseness do their lips speak.
3 Guri wuxuu ku dhismaa xigmad, Wuxuuna ku taagnaadaa waxgarasho,
By wisdom is a house builded, And by understanding it establisheth itself.
4 Qawladuhuna aqoontay kaga buuxsamaan Maal kasta oo qaali ah oo qurux badan.
And by knowledge the inner parts are filled, [With] all precious and pleasant wealth.
5 Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay, Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.
Mighty [is] the wise in strength, And a man of knowledge is strengthening power,
6 Waayo, waa inaad talo wanaagsan ku dagaallantaa, Oo waxaa taliyayaal badan la jirta nabadgelyo.
For by plans thou makest for thyself war, And deliverance [is] in a multitude of counsellors.
7 Xigmaddu nacaska way ka dheer tahay, Isagu xagga iridda afkiisa kuma kala qaado.
Wisdom [is] high for a fool, In the gate he openeth not his mouth.
8 Kii ku fikira inuu xumaan sameeyo, Waxaa loogu yeedhi doonaa belaayo-sameeye.
Whoso is devising to do evil, Him they call a master of wicked thoughts.
9 Fikirka nacasnimadu waa dembi, Kii wax quudhsadaana waa u karaahiyo dadka.
The thought of folly [is] sin, And an abomination to man [is] a scorner.
10 Maalinta dhibaatada haddaad liicdid, Itaalkaagu waa yar yahay.
Thou hast shewed thyself weak in a day of adversity, Straitened is thy power,
11 Samatabbixi kuwa dhimashada loo wadayo, Kuwa ku dhow in la gowracona dib uga qabo.
If [from] delivering those taken to death, And those slipping to the slaughter — thou keepest back.
12 Haddaad tidhaahdid, Bal eeg, waxan ma aannu garanayn, Kan qalbiyada miisaamaa miyaanu ka fiirsanayn? Oo kan naftaada dhawraa miyaanu ogayn? Oo miyaanu isagu nin walba ugu abaalgudayn sida shuqulkiisu yahay?
When thou sayest, 'Lo, we knew not this.' Is not the Ponderer of hearts He who understandeth? And the Keeper of thy soul He who knoweth? And He hath rendered to man according to his work.
13 Wiilkaygiiyow, malab cun, waayo, wuu wanaagsan yahay, Oo waxaad cuntaa awlallada malabka, taas oo kuu dhadhan macaan.
Eat my son, honey that [is] good, And the honeycomb — sweet to thy palate.
14 Oo xigmadda aqoonteeduna sidaasoo kalay naftaada u ahaan doontaa, Oo haddaad iyada heshid waxaa jiri doona abaalgud, Oo rajadaaduna ma go'i doonto.
So [is] the knowledge of wisdom to thy soul, If thou hast found that there is a posterity And thy hope is not cut off.
15 Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.
Lay not wait, O wicked one, At the habitation of the righteous. Do not spoil his resting-place.
16 Waayo, nin xaq ahu toddoba goor buu dhacaa, wuuna soo sara kacaa haddana, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu afgembiyaa belaayo.
For seven [times] doth the righteous fall and rise, And the wicked stumble in evil.
17 Ha rayrayn markuu cadowgaagu dhaco, Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo,
In the falling of thine enemy rejoice not, And in his stumbling let not thy heart be joyful,
18 Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.
Lest Jehovah see, and [it be] evil in His eyes, And He hath turned from off him His anger.
19 Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,
Fret not thyself at evil doers, Be not envious at the wicked,
20 Waayo, kii shar leh abaalgud ma heli doono, Oo laambadda xumaanfalayaashana waa la bakhtiin doonaa.
For there is not a posterity to the evil, The lamp of the wicked is extinguished.
21 Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,
Fear Jehovah, my son, and the king, With changers mix not up thyself,
22 Waayo, belaayadoodu si degdeg ah ayay u soo kici doontaa, Oo bal yaa yaqaan baabbi'inta labadoodaba?
For suddenly doth their calamity rise, And the ruin of them both — who knoweth!
23 Oo weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen. In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana.
These also are for the wise: — To discern faces in judgment is not good.
24 Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay, Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,
Whoso is saying to the wicked, 'Thou [art] righteous,' Peoples execrate him — nations abhor him.
25 Laakiinse kuwii isaga canaantaa farxad bay yeelan doonaan, Oo dushoodana waxaa ku soo degi doonta barako wanaagsan.
And to those reproving it is pleasant, And on them cometh a good blessing.
26 Kii jawaab qumman ku jawaabaa Bushimuhuu dhunkadaa.
Lips he kisseth who is returning straightforward words.
27 Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso, Oo beerta ku diyaarso, Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.
Prepare in an out-place thy work, And make it ready in the field — go afterwards, Then thou hast built thy house.
28 Deriskaaga sababla'aan markhaati ha ku furin, Oo bushimahaagana ha ku khiyaanayn.
Be not a witness for nought against thy neighbour, Or thou hast enticed with thy lips.
29 Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa, Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.
Say not, 'As he did to me, so I do to him, I render to each according to his work.'
30 Waxaan ag maray ninka caajiska ah beertiisa, Iyo ninka garaadka daran beercanabkiisa,
Near the field of a slothful man I passed by, And near the vineyard of a man lacking heart.
31 Oo bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan, Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob, Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.
And lo, it hath gone up — all of it — thorns! Covered its face have nettles, And its stone wall hath been broken down.
32 Markaasaan eegay oo aad uga fiirsaday, Waan fiiriyey oo wax ka bartay.
And I see — I — I do set my heart, I have seen — I have received instruction,
33 Weliba in yar baad seexanaysaa, oo in yar baad gam'aysaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo u laabaysaa,
A little sleep — a little slumber — A little folding of the hands to lie down.
34 Haddaba caydhnimo waa kuu iman doontaa sida tuug oo kale, Oo baahina sida nin hub sita oo kale.
And thy poverty hath come [as] a traveller, And thy want as an armed man!

< Maahmaahyadii 24 >