< Maahmaahyadii 23 >

1 Markaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid, Aad uga fiirso waxa hortaada yaal,
Sa’ad da ka zauna domin cin abinci da mai mulki, ka lura sosai da abin da yake gabanka,
2 Oo mindi cunaha iska saar Haddaad tahay nin hunguri weyn.
ka kuma sa wuƙa a maƙogwaronka in kai mai ci da yawa ne.
3 Cuntadiisa macaan ha damcin, Waayo, waa cunto khiyaaneed.
Kada ka yi marmarin abincinsa mai daɗi gama wannan abinci ruɗu ne.
4 Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.
Kada ka gajiyar da kanka don ka yi arziki; ka kasance da hikimar dainawa.
5 Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale.
Da ƙyiftawar ido a kan wadata ta ɓace, gama tabbatacce sukan yi fikafikai sukan tashi sama kamar gaggafa.
6 Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin, Cuntadiisa macaanna ha damcin,
Kada ka ci abincin mai rowa, kada ka yi marmarin abincinsa mai daɗi;
7 Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.
gama shi wani irin mutum ne wanda kullum yana tunani game da tsadar abincin. Zai ce maka, “Ci ka sha,” amma zuciyarsa ba ta tare da kai.
8 Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa, Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan.
Za ka yi amai ɗan abin da ka ci dukan daɗin bakinka kuwa zai tafi a banza.
9 Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.
Kada ka yi magana da wawa, gama zai yi wa maganar hikimarka ba’a.
10 Soohdintii hore ha durkin, Beeraha agoommadana ha dhex gelin,
Kada ka kawar da shaidar iyaka ta dā ko ka ɗiba gonar marayu,
11 Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay; Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona.
gama mai Kāriyarsu yana da ƙarfi; zai kuwa yi magana dominsu.
12 Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.
Ka mai da hankali ga umarni ka kuma kasa kunne ga kalmomin sani.
13 Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.
Kada ka bar yaro ba horo; in ka yi masa horo da sanda, ba zai mutu ba.
14 Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa. (Sheol h7585)
Ka hukunta shi da sanda ka ceci ransa daga mutuwa. (Sheol h7585)
15 Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.
Ɗana, in zuciyarka mai hikima ce, to, zuciyata za tă yi murna;
16 Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.
cikin cikina zai yi farin ciki in leɓunanka suna maganar abin da yake daidai.
17 Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso.
Kada ka bar zuciyarka tă yi ƙyashin masu zunubi, amma kullum tsoron Ubangiji za ka yi kishi.
18 Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.
Tabbatacce akwai sa zuciya ta nan gaba dominka, kuma sa zuciyarka ba za tă zama a banza ba.
19 Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.
Ka saurara, ɗana, ka zama mai hikima, ka kafa zuciyarka a hanyar da take daidai.
20 Ha dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,
Kada ka haɗa kai da waɗanda suke shan ruwan inabi da yawa ko masu haɗama kansu da abinci,
21 Waayo, kii sakhraan ah iyo kii hunguri weynuba way caydhoobi doonaan, Oo lulona nin calal bay u xidhi doontaa.
gama bugaggu da ruwan inabi da masu yawan ci sukan zama matalauta, gama jiri yakan yi musu sutura da tsummoki.
22 Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.
Ka kasa kunne ga mahaifinka, wanda ya ba ka rai, kada kuwa ka rena mahaifiyarka sa’ad da ta tsufa.
23 Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.
Ka saye gaskiya kada kuwa ka sayar da ita; ka nemi hikima, horo da fahimi.
24 Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa.
Mahaifin adali yana da farin ciki sosai; duk wanda yake da ɗa mai hikima yakan ji daɗinsa.
25 Aabbahaa iyo hooyadaaba ha farxeen, Oo tii ku dhashayna ha rayrayso.
Bari mahaifinka da mahaifiyarka su yi murna; bari wadda ta haife ka tă yi farin ciki!
26 Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.
Ɗana, ka ba ni zuciyarka bari kuma idanunka su kiyaye hanyoyina,
27 Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.
gama karuwa rami ne mai zurfi mace marar aminci matsattsiyar rijiya ce.
28 Sida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.
Kamar’yan fashi, takan kwanta tana jira tana kuma ninka rashin aminci a cikin maza.
29 Bal yaa hoog leh? Oo yaa caloolxumo leh? Oo yaa murammo leh? Oo yaa calaacal badan leh? Oo yaa u dhaawacan sababla'aan? Oo yaa indho casaan ah leh?
Wa yake wayyo? Wa yake baƙin ciki? Wa yake neman fada? Wa yake gunaguni? Wa yake da raunuka ba dalili? Wa yake da jan idanu?
30 Waa kuwa wakhti dheer ku raaga khamriga, Waana kuwa u taga inay doondoontaan khamri laysku daray.
Waɗanda suke daɗe suna shan ruwan inabi, waɗanda suke neman ƙoƙon damammen ruwan inabi.
31 Ha fiirin khamrigu markuu casaado, Markuu koobka ka dhex dhalaalo, Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba.
Kada ka ƙyifce ido a ruwan inabi sa’ad da ya yi ja, sa’ad da yana da kyan gani a cikin ƙwarya, sa’ad da yana gangarawa sumul a maƙogwaro!
32 Ugu dambaysta wuxuu wax u qaniinaa sida abeesada, Oo sida jilbiskana wax buu u qaniinaa.
A ƙarshe yana sara kamar maciji da kuma dafi kamar gamsheƙa.
33 Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.
Idanunka za su riƙa gane-gane, zuciyarka kuma za su riƙa tunani abubuwa masu rikitarwa.
34 Oo waxaad ahaan doontaa sida kan badda dhexdeeda jiifsada, Ama sida ka dakhalka dhaladiisa sare seexda.
Za ka zama kamar wanda yake barci a tsakiyar tekuna, kwance a sama itacen jirgin ruwa.
35 Waxaad odhan doontaa, Wax bay igu dhufteen, laakiin waxba ima yeelin. Way i garaaceen, iskamana aanan garan; Bal goormaan toosi doonaa? Weli mar kalaan doonan doonaa.
Za ka ce “Sun buge ni, amma ban ji ciwo ba! Sun daddoke ni, amma ba na jin zafinsa! Yaushe zan farka don in ƙara shan wani?”

< Maahmaahyadii 23 >