< Maahmaahyadii 22 >

1 Magac wanaagsan baa laga doortaa maal badan, Oo nimcana waa ka wanaagsan tahay lacag iyo dahab.
Dobro je ime bolje od velika bogatstva, i bolja je naklonost od srebra i zlata.
2 Taajirka iyo miskiinku way wada kulmaan, Oo Rabbigu waa kii kulligood sameeyey.
Bogataš se i siromah sreću: obojicu ih Jahve stvori.
3 Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa.
Pametan čovjek vidi zlo i skrije se, a glupaci idu bezbrižno i trpe kaznu.
4 Is-hoosaysiinta iyo Rabbiga ka cabsashadiisa abaalgudkoodu Waxaa weeyaan hodantinimo iyo sharaf iyo nolol.
Nagrada je poniznosti strah Gospodnji, bogatstvo, čast i život.
5 Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan, Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga.
Trnje i zamke su na putu varalici: tko čuva život svoj, daleko je od oboga.
6 Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.
Upućuj dijete prema njegovu putu, pa kad i ostari, neće odstupiti od njega.
7 Taajirku masaakiintuu u taliyaa Oo kii wax amaahdaana midiidin buu u yahay kii wax amaahiya.
Bogataš vlada nad siromasima, a dužnik je sluga vjerovniku.
8 Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo, Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.
Tko sije nepravdu, žanje nesreću, i šiba njegova gnjeva udarit će njega samog.
9 Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa, Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.
Milostivo se oko blagoslivlje, jer daje od svog kruha siromahu.
10 Kan wax quudhsada eri, oo muranku wuu bixi doonaa, Dirirta iyo cayduna way dhammaan doonaan.
Otjeraj podsmjevača i prestat će svađe i nestat će nesloga i pogrda.
11 Kii daahirsanaanta qalbiga jecel, Oo bushimihiisu nimco leeyihiin, xataa boqorka ayaa saaxiibkiis ahaan doona.
Jahve ljubi čisto srce, i tko je ljubeznih usana, kralj mu je prijatelj.
12 Indhaha Rabbigu waxay dhawraan ka aqoonta leh, Laakiinse isagu wuxuu afgembiyaa erayada khaayinka.
Pogled Jahvin čuva znanje, Jahve pomućuje riječi bezbožnika.
13 Kii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa dibadda jooga, Oo jidka dhexdiisa ayaa laygu dili doonaa.
Lijenčina veli: “Lav je vani, nasred trga poginuo bih.”
14 Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.
Duboka jama usta su preljubnice, i na koga se Jahve srdi, pada onamo.
15 Nacasnimadu waxay ku xidhan tahay qalbiga ilmaha. Laakiinse usha edbintu way ka fogayn doontaa.
Ludost prianja uza srce djetinje: šiba pouke otklanja je od njega.
16 Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.
Tko tlači siromaha, taj mu koristi; tko daje bogatašu, samo mu šteti.
17 Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi.
Riječi mudraca: Prigni uho svoje i čuj riječi moje i upravi svoje srce mojem znanju,
18 Waayo, waa wax wanaagsan haddii aad uurka ku haysatid, Oo hadday dhammaantood bushimahaaga diyaar ku ahaadaan.
jer milina je ako ih čuvaš u nutrini svojoj, i kad ti budu sve spremne na usnama tvojim.
19 Bal eeg, adigaan maanta iyaga ku ogeysiiyey, Inaad Rabbiga aaminsan tahay.
Da bi uzdanje tvoje bilo u Jahvi, upućujem danas i tebe.
20 Miyaanan waxyaalo wanaagsan kuugu qorin Talooyinka iyo aqoonta,
Napisah ti trideset što savjeta što pouka
21 Si aan kuu ogeysiiyo hubaasha erayada runta, Inaad erayada runta uga jawaabtid kuwii ku soo diray?
da te poučim riječima istine, da uzmogneš pouzdanim riječima odgovoriti onomu tko te zapita.
22 Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,
Nemoj pljačkati siromaha zato što je siromah i ne gazi ubogoga na sudu.
23 Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.
Jer će Jahve parbiti parbu njihovu i otet će život onima koji ga njima otimlju.
24 Ha la saaxiibin nin xanaaq badan, Oo nin cadho kululna waa inaanad la socon,
Ne druži se sa srditim i ne idi s čovjekom jedljivim
25 Waaba intaas oo aad jidkiisa baratid, Oo aad naftaadana dabin ku riddid.
da se ne bi privikao na staze njegove i namjestio zamku duši svojoj.
26 Ha noqonin sida kuwa gacanta dhaar ugu dhiiba, Ama sida kuwa deyman u dammiinta.
Ne budi među onima koji daju ruku, koji jamče za dugove:
27 Haddaanad haysan wax aad bixiso, Bal muxuu sariirtaada hoostaada uga la bixi?
ako nemaš čime nadoknaditi, zašto da ti oduzmu i postelju ispod tebe?
28 Soohdinta hore oo ay awowayaashu dhigeen Innaba ha durkin.
Ne pomiči prastare međe koju su postavili oci tvoji.
29 Miyaad aragtaa nin shuqulkiisa ku dadaala? Isagu wuxuu istaagi doonaa boqorro hortood. Oo kuwa hoose hortoodana ma istaagi doono.
Jesi li vidio čovjeka vična poslu svom: takav ima pristup kraljevima i ne služi prostacima.

< Maahmaahyadii 22 >