< Maahmaahyadii 20 >

1 Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.
Divai ni dhihaka na kinywaji kikali ni mgomvi; anayepotea kwa kunywa hana busara.
2 Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa, Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.
Kumwogopa mfalme ni kama kumwogopa simba kijana aungurumaye, yeyote anayemkasirisha hutoa fidia ya maish yake.
3 Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf, Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.
Ni heshima kwa mtu yeyote kujiepusha na mafarakano, bali kila mpumbavu hurukia kwenye mabishano.
4 Kii caajis ahu qabowga aawadiis beer ma jeexo, Oo sidaas daraaddeed wakhtiga beergooyska wuu baryootami doonaa, oo waxba ma heli doono.
Mtu mvivu halimi majira ya kipupwe; hutafuta mazao wakati wa mavuno lakini hapati kitu.
5 Talada dadka qalbigiisa ku jirtaa waa sida biyo gun dheer, Laakiinse ninkii garasho leh ayaa ka soo dhaansan doona.
Makusudi ndani ya moyo wa mtu ni kama maji yenye kina, bali mtu mwenye ufahamu huyateka.
6 Dadka intooda badanu waxay naadiyaan raxmaddooda, Laakiinse nin aamin ah bal yaa heli kara?
Mara nyingi mtu husema yeye ni mwaminifu, lakini ni nani awezaye kumpata yule mwaminifu?
7 Ninka xaqa ah oo daacadnimadiisa ku socda, Carruurtiisu way barakaysnaadaan isaga dabadiis.
Mtu atendaye haki hutembea katika uaminifu wake na wana wake wanaofuata baada yake wanafuraha.
8 Boqorkii carshiga garsooridda ku fadhiyaa Indhihiisuu sharka oo dhan ku kala firdhiyaa.
Mfalme anayeketi kwenye kiti cha hukumu akifanya kazi za kuhukumu hupembua kwa macho yake mabaya yote yaliyoko mbele yake.
9 Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey, Oo dembigayga waan ka daahirsanahay?
Nani anayeweza kusema, “Nimeuweka safi moyo wangu; nipo huru na dhambi zangu”?
10 Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah, Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.
Mizani tofauti na vipimo visivyosawa - Yehova huvichukia vyote.
11 Xataa ilmo yar waxaa lagu yaqaan falimihiisa, Inuu shuqulkiisu daahir yahay iyo inuu hagaagsan yahayba.
Hata kijana hujulikana kwa matendo yake, kwa mwenendo wake kama ni safi na uadilifu.
12 Dhegta wax maqasha iyo isha wax aragtaba, Labadaba Rabbigaa sameeyey.
Masikio yanayosikia na macho yanayoona- Yehova aliyafanya yote.
13 Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye. Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa.
Usipende usingizi au utakuwa masikini; fumbua macho yako na utakuwa na vyakula tele.
14 Kan wax iibsadaa wuxuu yidhaahdaa, Waa xun yahay, waa xun yahay, Laakiinse markuu tago ayuu faanaa.
“Mbaya! Mbaya!” anasema mnunuzi, lakini akiondoka anajisifu.
15 Waxaa jira dahab iyo luul badan, Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.
Ipo dhahabu na mawe ya thamani, lakini midomo yenye maarifa ni kito cha thamani.
16 Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.
Chukua vazi kama mmiliki wake ataweka fedha kama dhamana kwa deni la mgeni, na lichukue kama anaweka dhamana kwa uzinifu.
17 Cuntadii khiyaano lagu helaa dadka way u macaan tahay, Laakiinse dabadeed afkiisa waxaa ka buuxsami doona quruurux.
Mkate uliopatikana kwa ulaghai unaladha tamu, lakini baadaye kinywa chake kitajaa kokoto.
18 Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo, Oo waano wanaagsan ku dagaallan.
Mipango huimarishwa kwa ushauri na kwa mwongozo wa busara utapigana vita.
19 Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin.
Mmbea hufunua siri na kwa hiyo hupaswi kushirikiana na watu ambao huongea sana.
20 Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah.
Kama mtu atamlaani baba yake au mama yake, taa yake itapulizwa katikati ya giza.
21 Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay, Ugu dambaysta ma barakoobi doono.
Urithi uliopatikana mwanzoni kwa haraka utakuwa na mema kidogo mwishoni.
22 Ha odhan, Shar baan ka abaalgudayaa. Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa.
Usiseme “Mimi nitakulipiza kwa kosa hili” Msubiri Yehova na yeye atakuokoa.
23 Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo, Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.
Yehova huchukia mizani isiyo sawa na vipimo vya udanganyifu si vizuri.
24 Nin socodkiisu waa xagga Rabbiga, Haddaba sidaas daraaddeed dad sidee buu jidkiisa u garan karaa?
Hatua za mtu huongozwa na Yehova; namna gani basi ataifahamu njia yake?
25 Waa u dabin nin inuu nacasnimo ku yidhaahdo, Waa quduus, Oo uu dabadeed u nidraa inuu wax weyddiiyo.
Ni mtego kwa mtu kusema kwa pupa, “Kitu hiki ni kitakatifu” na kuanza kufikiri juu yake kwamba kina maana gani baada ya kufanya kiapo.
26 Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.
Mfalme mwenye busara huwapepeta waovu na huligeuza juu yao gurudumu la kupuria.
27 Dadka ruuxiisu waa laambaddii Rabbiga, Oo wuxuu baadhaa caloosha meelaha ugu hooseeya oo dhan.
Roho ya mtu ni taa ya Yehova, hutafiti sehemu zake zote za ndani kabisa.
28 Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan, Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.
Agano la uaminifu na udhamini humhifadhi mfalme; kiti chake cha enzi hufanywa thabiti kwa upendo.
29 Dhallinyarada xooggoodu waa ammaantooda, Oo cirrada odayaashuna waa quruxdooda.
Utukufu wa watu vijana ni nguvu zao na fahari ya watu wazee ni mvi zao.
30 Garaaciddii nabro yeeshaa waxay dadka ka nadiifisaa sharka, Oo dilidda karbaashkuna sidaas oo kalay u gashaa caloosha meelaha ugu hooseeya.
Mapigo yanayoleta kidonda huusafisha ubaya na vichapo hufanya sehemu za ndani kabisa kuwa safi.

< Maahmaahyadii 20 >