< Maahmaahyadii 20 >

1 Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.
לץ היין המה שכר וכל-שגה בו לא יחכם
2 Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa, Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.
נהם ככפיר אימת מלך מתעברו חוטא נפשו
3 Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf, Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.
כבוד לאיש שבת מריב וכל-אויל יתגלע
4 Kii caajis ahu qabowga aawadiis beer ma jeexo, Oo sidaas daraaddeed wakhtiga beergooyska wuu baryootami doonaa, oo waxba ma heli doono.
מחרף עצל לא-יחרש ישאל (ושאל) בקציר ואין
5 Talada dadka qalbigiisa ku jirtaa waa sida biyo gun dheer, Laakiinse ninkii garasho leh ayaa ka soo dhaansan doona.
מים עמקים עצה בלב-איש ואיש תבונה ידלנה
6 Dadka intooda badanu waxay naadiyaan raxmaddooda, Laakiinse nin aamin ah bal yaa heli kara?
רב-אדם--יקרא איש חסדו ואיש אמונים מי ימצא
7 Ninka xaqa ah oo daacadnimadiisa ku socda, Carruurtiisu way barakaysnaadaan isaga dabadiis.
מתהלך בתמו צדיק אשרי בניו אחריו
8 Boqorkii carshiga garsooridda ku fadhiyaa Indhihiisuu sharka oo dhan ku kala firdhiyaa.
מלך יושב על-כסא-דין-- מזרה בעיניו כל-רע
9 Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey, Oo dembigayga waan ka daahirsanahay?
מי-יאמר זכיתי לבי טהרתי מחטאתי
10 Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah, Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.
אבן ואבן איפה ואיפה-- תועבת יהוה גם-שניהם
11 Xataa ilmo yar waxaa lagu yaqaan falimihiisa, Inuu shuqulkiisu daahir yahay iyo inuu hagaagsan yahayba.
גם במעלליו יתנכר-נער-- אם-זך ואם-ישר פעלו
12 Dhegta wax maqasha iyo isha wax aragtaba, Labadaba Rabbigaa sameeyey.
אזן שמעת ועין ראה-- יהוה עשה גם-שניהם
13 Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye. Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa.
אל-תאהב שנה פן-תורש פקח עיניך שבע-לחם
14 Kan wax iibsadaa wuxuu yidhaahdaa, Waa xun yahay, waa xun yahay, Laakiinse markuu tago ayuu faanaa.
רע רע יאמר הקונה ואזל לו אז יתהלל
15 Waxaa jira dahab iyo luul badan, Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.
יש זהב ורב-פנינים וכלי יקר שפתי-דעת
16 Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.
לקח-בגדו כי-ערב זר ובעד נכרים (נכריה) חבלהו
17 Cuntadii khiyaano lagu helaa dadka way u macaan tahay, Laakiinse dabadeed afkiisa waxaa ka buuxsami doona quruurux.
ערב לאיש לחם שקר ואחר ימלא-פיהו חצץ
18 Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo, Oo waano wanaagsan ku dagaallan.
מחשבות בעצה תכון ובתחבלות עשה מלחמה
19 Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin.
גולה-סוד הולך רכיל ולפתה שפתיו לא תתערב
20 Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah.
מקלל אביו ואמו-- ידעך נרו באישון (באשון) חשך
21 Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay, Ugu dambaysta ma barakoobi doono.
נחלה מבחלת (מבהלת) בראשונה ואחריתה לא תברך
22 Ha odhan, Shar baan ka abaalgudayaa. Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa.
אל-תאמר אשלמה-רע קוה ליהוה וישע לך
23 Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo, Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.
תועבת יהוה אבן ואבן ומאזני מרמה לא-טוב
24 Nin socodkiisu waa xagga Rabbiga, Haddaba sidaas daraaddeed dad sidee buu jidkiisa u garan karaa?
מיהוה מצעדי-גבר ואדם מה-יבין דרכו
25 Waa u dabin nin inuu nacasnimo ku yidhaahdo, Waa quduus, Oo uu dabadeed u nidraa inuu wax weyddiiyo.
מוקש אדם ילע קדש ואחר נדרים לבקר
26 Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.
מזרה רשעים מלך חכם וישב עליהם אופן
27 Dadka ruuxiisu waa laambaddii Rabbiga, Oo wuxuu baadhaa caloosha meelaha ugu hooseeya oo dhan.
נר יהוה נשמת אדם חפש כל-חדרי-בטן
28 Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan, Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.
חסד ואמת יצרו-מלך וסעד בחסד כסאו
29 Dhallinyarada xooggoodu waa ammaantooda, Oo cirrada odayaashuna waa quruxdooda.
תפארת בחורים כחם והדר זקנים שיבה
30 Garaaciddii nabro yeeshaa waxay dadka ka nadiifisaa sharka, Oo dilidda karbaashkuna sidaas oo kalay u gashaa caloosha meelaha ugu hooseeya.
חברות פצע תמריק (תמרוק) ברע ומכות חדרי-בטן

< Maahmaahyadii 20 >