< Maahmaahyadii 19 >

1 Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.
Bora mtu masikini ambaye huenenda katika uadilifu wake kuliko mwenye ukaidi katika maneno yake na ni mpumbavu.
2 Oo weliba in naftu aqoon la'aato ma wanaagsana, Oo kii cagihiisu degdegaanna wuu ambadaa.
Tena, si vizuri kuwa na hamu bila maarifa na mwenye kukimbia haraka sana hukosea njia.
3 Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.
Upuuzi wa mtu unaharibu maisha yake na moyo wake hughadhabika dhidi ya Yehova.
4 Maalku wuxuu badiyaa saaxiibbo, Laakiinse miskiinku saaxiibkiisa buu ka soocmaa.
Utajiri huongeza marafiki wengi, bali mtu masikini hutengwa na rafiki zake.
5 Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono, Oo kii been ku hadlaana ma baxsan doono.
Shahidi wa uongo hatakosa adhabu na mwenye kupumua uongo hataokoka.
6 Kuwa badan ayaa deeqsiga raallinimo ka baryi doona, Oo nin kastaaba waa u saaxiib kii hadiyado bixiya.
Wengi wataomba fadhila kutoka kwa mtu mkarimu na kila mtu ni rafiki wa yule anayetoa zawadi.
7 Miskiinka walaalihiis oo dhammu way neceb yihiin, Haddaba saaxiibbadiisuna intee bay ka fogaan doonaan! Isagu hadal buu kala daba tagaa iyaga, laakiinse way tageen.
Mtu masikini huchukiwa na ndugu zake wote; je marafiki wengi kiasi gani hujitenga kutoka kwake! Anawaita, lakini wameondoka.
8 Kii xigmadda helaa naftiisuu jecel yahay, Oo kii waxgarashada xajistaana wax wanaagsan buu heli doonaa.
Anayepata hekima huyapenda maisha yake mwenyewe; yeye atunzaye ufahamu atapata kilicho chema.
9 Markhaatigii been ahu ma taqsiir la'aan doono, Oo kii been ku hadlaana wuu halligmi doonaa.
Shahidi wa uongo hatakosa kuadhibiwa, bali mwenye kupumua uongo ataangamia.
10 Nacaska raaxo uma eka, Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.
Haifai kwa mpumbavu kuishi kwa anasa- wala kwa mtumwa kutawala juu ya wafalme.
11 Nin miyirkiisu cadho buu ka celiyaa, Oo waxaa isaga ammaan u ah inuu xadgudub dhaafo.
Busara humfanya mtu achelewe kukasirika na utukufu wake ni kusamehe kosa.
12 Boqorka cadhadiisu waa sida libaaxa cidiisa, Laakiinse raallinimadiisu waa sida sayaxa cawska ku dega.
Ghadhabu ya mfalme ni kama muungurumo wa simba kijana, bali fadhila yake ni kama umande kwenye majani.
13 Wiilkii nacas ahu waa u belaayo aabbihiis, Oo naag murammadeeduna waa sida dhibicyo aan kala go'in.
Mwana mpumbavu ni uharibifu kwa baba yake na mke mgomvi ni maji yanayochuruzika daima.
14 Hoy iyo hanti aabbayaashaa laga dhaxlaa, Laakiinse afo miyir leh xagga Rabbigaa laga helaa.
Nyumba na utajiri ni urithi kutoka kwa wazazi, bali mke mwenye busara hutoka kwa Yehova.
15 Caajisnimo waxay keentaa hurdo weyn, Oo qofkii caajis ahuna wuu gaajoon doonaa.
Uvivu unamtupa mtu kwenye usingizi mzito, bali asiyetamani kufanya kazi atakwenda njaa.
16 Kii amarka dhawraa naftiisuu dhawraa, Laakiinse kii jidadkiisa fudaydsadaa wuu dhiman doonaa.
Yeye anayetii amri huyaongoza maisha yake, bali mtu asiyefikiri juu ya njia zake atakufa.
17 Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.
Mwenye ukarimu kwa masikini humkopesha Yehova na atalipwa kwa kile alichofanya.
18 Wiilkaaga edbi intay rajo jirto, Laakiinse naftaada ha ku qasbin si uu u dhinto.
Mrudi mwanao wakati kuna matumaini na usiwe na shauku ya kumweka katika mauti.
19 Ninkii cadho badan waa la taqsiiri doonaa, Waayo, haddaad mar isaga samatabbixiso, haddana waa inaad mar kale sidii oo kale ku samaysaa.
Mtu mwenye hasira kali lazima alipe adhabu; kama ukimwokoa, utafanya hivyo mara mbili.
20 Talada maqal, oo edbinta qaado, Si aad ugu dambaystaada caqli u yeelatid.
Sikiliza ushauri na ukubali maelekezo, ili uweze kuwa na hekima mwishoni mwa maisha yako.
21 Nin qalbigiisa waxaa ku jira hindisooyin badan, Habase ahaatee waxaa taagnaan doonta talada Rabbiga.
Moyoni mwa mtu kuna mipango mingi, bali kusudi la Yehova ndilo litakalo simama.
22 Nin waxaa loo doonayaa waa raxmaddiisa, Oo miskiinkuna waa ka wanaagsan yahay beenaalaha.
Shauku ya mtu ni uaminifu na mtu masikini ni bora kuliko muongo.
23 Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha, Wuuna sii dheregsanaan doonaa, Oo sharna loo keeni maayo.
Kumheshimu Yehova huwaelekeza watu kwenye uzima; mwenye nayo atashibishwa na hatadhurika kwa madhara.
24 Ninkii caajis ahu wuxuu gacanta geliyaa xeedhada, Oo mar dambe xagga afkiisa uma soo celiyo.
Mtu goigoi huuzika mkono wake ndani ya dishi; hataurudisha juu ya kinywa chake.
25 Kan wax quudhsada garaac, oo garaadlaawaha ayaa miyir yeelan doona, Oo kii garasho leh canaano, oo isna aqoon buu sii korodhsan doonaa.
Kama utampiga mwenye mzaha, wajinga watakuwa na hekima; mwelekeze mwenye ufahamu, naye atapata maarifa.
26 Kii aabbihiis kharriba, hooyadiisna erya, Waa wiil ceeb keena oo cay soo jiida.
Anayempora baba yake na kumfukuza mama yake ni mwana anayeleta aibu na shutuma.
27 Wiilkaygiiyow ka joogso in markaad edbinta maqashid Aad dabadeed hadalka aqoonta ka ambatid.
Mwanangu, kama utaacha kusikiliza maelekezo, utapotea kutoka kwenye maneno ya maarifa.
28 Markhaatigii waxmatare ahu gartuu quudhsadaa, Oo kan sharka leh afkiisuna wuxuu liqaa xumaan.
Shahidi mpotofu huidhihaki haki na kinywa cha waovu humeza uovu.
29 Kuwa wax quudhsada waxaa loo diyaariyey xukunno, Oo dhabarka nacasyadana waxaa loo diyaariyey karbaash.
Hukumu ipo tayari kwa wenye dhihaka na mjeledi kwa migongo ya wapumbavu.

< Maahmaahyadii 19 >