< Maahmaahyadii 18 >
1 Kii gooni isu soocaa, wuxuu doondoonaa damaciisa, Oo xigmadda oo dhanna wuu ku kacaa.
Yule ambaye hujitenga hutafuta matakwa yake mwenyewe na hupingana na hukumu zote za kweli.
2 Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.
Mpumbavu hapati raha katika ufahamu, lakini hufunua kile kilichopo katika moyo wake.
3 Markii kii shar lahu yimaado waxaa kaloo timaada quudhsasho, Sharafla'aantana waxaa la timaada ceeb.
Mtu mwovu anapokuja, dharau huja pamoja naye- sambamba na aibu na shutuma.
4 Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer, Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.
Maneno ya kinywa cha mtu ni maji yenye kina kirefu; chemchemi ya hekima ni mkondo unaotiririka.
5 Ma wanaagsana in kan sharka leh loo eexdo, Ama in kan xaqa ah garta lagu afgembiyo.
Si vema kuwa na upendeleo kwa mwovu, wala haifai kukana haki kwa wale watendao mema.
6 Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran, Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.
Midomo ya mpumbavu huletea mafarakano na kinywa chake hukaribisha mapigo.
7 Nacaska afkiisu waa u baabba', Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.
Kinywa cha mpumbavu ni uharibifu wake na hujinasa mwenye kwa midomo yake.
8 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
Maneno ya mmbea ni kama chembe tamu na hushuka katika sehema za ndani sana kwenye mwili.
9 Kii shuqulkiisa caajis ku ahu, Wuxuu walaal u yahay kii wax kharriba.
Basi, ambaye ni mzembe katika kazi yake ni ndugu yake anayeharibu wengi.
10 Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh, Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.
Jina la Yehova ni mnara imara; atendaye haki hukimbilia na kuwa salama.
11 Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.
Mali ya tajiri ni mji wake imara na katika fikira zake ni kama ukuta mrefu.
12 Dadka qalbigiisu waa kibraa intaanu baabbi'in ka hor, Oo sharaftana waxaa ka horraysa is-hoosaysiinta.
Moyo wa mtu huwa na kiburi kabla ya anguko lake, bali unyenyekevu hutangulia kabla ya heshima.
13 Kii xaajo ka jawaabaa isagoo aan maqlin, Waa u nacasnimo iyo ceeb.
Anayejibu kabla ya kusikiliza- ni upuuzi na aibu yake.
14 Nin qalbigiisu waa u adkaysan karaa cudurkiisa, Laakiinse qalbi jaban bal yaa u dulqaadan kara?
Roho ya mtu itajinusuru na madhara, bali roho iliyopondeka nani anaweza kuivumilia?
15 Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon, Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.
Moyo wa mwenye akili hujipatia maarifa na usikivu wa mwenye busara huitafuta.
16 Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa. Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.
Zawadi ya mtu inaweza kufungua njia na kumleta mbele ya mtu muhimu.
17 Kii dacwaddiisa u hor mara, mid xaq ah baa la moodaa, Laakiinse deriskiisaa ka daba yimaada oo imtixaama isaga.
Wa kwanza kujitetea katika shitaka lake huonekana kuwa na haki hadi mpinzani wake aje na kumuuliza maswali.
18 Saamigu wuxuu joojiyaa murammo, Oo wuxuu kala kaxeeyaa kuwa xoogga badan.
Kupiga kura kunamaliza mabishano na kuwatawanya wapinzani imara.
19 In walaal la xumeeyey la soo celiyo waa ka sii adag tahay in magaalo xoog leh la qabsado, Oo murammona waa ka xoog badan yihiin qalcad biraheeda.
Ndugu aliyechukizwa ni mgumu kushawishiwa kuliko mji wenye nguvu, na kugombana ni kama makomeo ya ngome.
20 Nin calooshiisu waxay ka buuxsami doontaa midhaha afkiisa, Oo wuxuu isagu ka dhergi doonaa waxa bushimihiisa u kordha.
Tumbo la mtu litashiba kutoka kwenye tunda la kinywa chake; atatoshelezwa kwa mavuno ya midomo yake.
21 Geeri iyo nololuba waxay ku jiraan itaalka carrabka, Oo kuwa jeceluna waxay cuni doonaan midhihiisa.
Uzima na kifo hutawaliwa kwa ulimi, na wale wenye kuupenda ulimi watakula tunda lake.
22 Ku alla kii afo helaa wuxuu helaa wax wanaagsan, Oo Rabbigana raallinimuu ka helaa.
Yeye apataye mke anapata kitu chema na kupokea fadhila kutoka kwa Yehova.
23 Miskiinku baryootan buu ku hadlaa, Laakiinse taajirku si qallafsan buu ugu jawaabaa.
Mtu masikini huomba rehema, lakini mtu tajiri hujibu kwa ukali.
24 Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa, Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.
Anayejidai kwa marafiki wengi watamleta katika uharibifu, bali yupo rafiki ambaye huwa karibu kuliko ndugu.