< Maahmaahyadii 16 >

1 Qalbiga qasdiyadiisa dadkaa leh, Laakiinse carrabka jawaabtiisu xagga Rabbigay ka timaadaa.
The plans of the heart belong to man, but the answer of the tongue is from Jehovah.
2 Nin jidadkiisa oo dhammu waa la nadiifsan yihiin isaga, Laakiinse Rabbigu ruuxyaduu miisaamaa.
All the ways of a man are clean in his own eyes, but Jehovah weighs the spirits.
3 Shuqulladaada Rabbiga ku aamin, Oo fikirradaaduna way taagnaan doonaan.
Commit thy works to Jehovah, and thy purposes shall be established.
4 Rabbigu wax kastuu isu abuuray, Haah, oo xataa ka sharka leh wuxuu u abuuray maalinta sharkaa.
Jehovah has made everything for its own end, yea, even the wicked for the day of evil.
5 Ku alla kii qalbiga ka kibirsanu Rabbiga waa u karaahiyo, Waxaan aad idiin ku xaqiijinayaa inaan isagu taqsiir la'aan doonayn.
Everyone who is proud in heart is an abomination to Jehovah. Hand in hand, he shall not be unpunished.
6 Waxaa dembiga lagu kafaaraggudaa naxariis iyo run, Oo dadkuna waxay sharka kaga fogaadaan Rabbiga ka cabsashadiisa.
By mercy and truth iniquity is atoned for, and by the fear of Jehovah men depart from evil.
7 Markii Rabbigu ku farxo nin jidadkiis, Wuxuu nabad dhex dhigaa isaga iyo xataa cadaawayaashiisa.
When a man's ways please Jehovah, he makes even his enemies to be at peace with him.
8 Wax yar oo xaqnimo la jirto Ayaa ka wanaagsan wax badan oo kordha oo xaqdarro la jirto.
Better is a little, with righteousness, than great revenues with injustice.
9 Nin walba qalbigiisaa jidkiisa u fiirsada, Laakiinse Rabbigaa tallaabooyinkiisa toosiya.
A man's heart devises his way, but Jehovah directs his steps.
10 Xukunka Rabbigu wuxuu ku jiraa bushimaha boqorka, Afkiisuna kuma xadgudbo garsooridda.
A divine sentence is in the lips of the king. His mouth shall not transgress in judgment.
11 Miisaankii iyo kafadihii xaq ah Rabbigaa leh, Dhagaxyada miisaanka oo kiishka ku jira oo dhammuna waa shuqulkiisa.
A just balance and scales are Jehovah's. All the weights of the bag are his work.
12 Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan. Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.
It is an abomination to kings to commit wickedness, for the throne is established by righteousness.
13 Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan, Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.
Righteous lips are the delight of kings, and they love him who speaks right.
14 Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed, Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.
The wrath of a king is messengers of death, but a wise man will pacify it.
15 Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta, Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.
In the light of the king's countenance is life, and his favor is as a cloud of the latter rain.
16 In xigmad la helaa intee bay ka sii wanaagsan tahay in dahab la helo! In waxgarasho la helaana waa laga doortaa in lacag la helo.
How much better it is to get wisdom than gold! Yea, to get understanding is rather to be chosen than silver.
17 Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan, Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.
The highway of the upright is to depart from evil. He who keeps his way preserves his soul.
18 Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.
Pride is before destruction, and a haughty spirit before a fall.
19 In kuwa kibirsan booli lala qaybsado Waxaa ka sii wanaagsan in kuwa hooseeya laysla sii hoosaysiiyo.
Better it is to be of a lowly spirit with the poor, than to divide the spoil with the proud.
20 Kii hadalka dhegaystaa wax wanaagsan buu heli doonaa, Oo ku alla kii Rabbiga aaminaana waa barakaysan yahay.
He who gives heed to the word shall find good, and whoever trusts in Jehovah, happy is he.
21 Kii qalbigiisu caqli leeyahay waxaa loogu yeedhi doonaa mid miyir leh, Oo bushimaha macaankooduna waxbarashuu kordhiyaa.
The wise in heart shall be called prudent, and the sweetness of the lips increases learning.
22 Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta, Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.
Understanding is a well-spring of life to him who has it, but the correction of fools is folly.
23 Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.
The heart of the wise instructs his mouth, and adds learning to his lips.
24 Hadalkii wacanu waa sida awlallo shinniyeed oo kale, Nafta wuu u macaan yahay, oo lafahana waa u caafimaad.
Pleasant words are a honeycomb: Sweet to the soul, and health to the bones.
25 Waxaa jirta waddo dadka la qumman, Laakiinse dhammaadkeedu waa jidadkii dhimashada.
There is a way which seems right to a man, but the end thereof are the ways of death.
26 Kii hawshooda gaajadiisuu u hawshoodaa, Waayo, afkiisaa qasba isaga.
The appetite of the laboring man labors for him, for his mouth urges him.
27 Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa, Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.
A worthless man devises mischief, and in his lips there is as a scorching fire.
28 Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.
A perverse man scatters abroad strife, and a whisperer separates chief friends.
29 Ninka wax dulmaa deriskiisuu sasabtaa, Oo wuxuu u kaxeeyaa jid aan wanaagsanayn.
A man of violence entices his neighbor, and leads him in a way that is not good.
30 Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.
He who shuts his eyes devises perverse things. He who moves his lips brings evil to pass.
31 Madaxa cirro lahu waa taaj sharfeed Haddii laga helo jidka xaqnimada.
The hoary head is a crown of glory. It shall be found in the way of righteousness.
32 Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan, Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.
He who is slow to anger is better than the mighty, and he who rules his spirit, than he who takes a city.
33 Saamiga waxaa lagu tuuraa dhabta, Laakiinse go'aankiisa oo dhan Rabbigaa leh.
The lot is cast into the lap, but the whole disposing thereof is of Jehovah.

< Maahmaahyadii 16 >