< Maahmaahyadii 13 >
1 Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.
Mwana mwenye hekima husikia mafundisho ya baba yake, bali mwenye dhihaka hatasikiliza karipio.
2 Nin wuxuu wax wanaagsan ku cuni doonaa midhaha afkiisa, Laakiinse khaayinnada naftoodu waxay cuni doontaa midhaha dulmiga.
Mtu hufurahia vitu vizuri kutokana na matunda ya kinywa chake, bali hamu ya wadanganyifu ni jeuri.
3 Kii afkiisa dhawraa wuxuu dhawraa naftiisa, Laakiinse kii bushimihiisa aad u kala qaadaa wuu baabbi'i doonaa.
Yeye anayelinda kinywa chake huyalinda maisha, bali anayefumbua sana midomo yake atajiangamiza mwenyewe.
4 Kii caajis ah naftiisu wax bay damacdaa, mana hesho, Laakiinse nafta kii dadaala waa la barwaaqaysiin doonaa.
Hamu ya watu wavivu ni uchu lakini hawapati kitu, bali hamu ya watu wenye bidii hutoshelezwa sana.
5 Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay, Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.
Atendaye haki huchukia uongo, bali mtu mwovu hukinzana mwenyewe, na kufanya ya kuaibisha.
6 Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.
Wenye haki huwalinda wale ambao ni wakamilifu katika mapito yao, bali uovu huwaangusha wale watendao dhambi.
7 Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.
Kuna mtu ambaye hujitajirisha mwenyewe, lakini hana chochote na kuna mtu ambaye hutoa kila kitu, bado ni tajiri kweli.
8 Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa, Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.
Mtu tajiri anaweza kufidia maisha yake kwa mali zake, bali mtu masikini hatapokea kitisho cha aina hiyo.
9 Iftiinka kuwa xaqa ahu weligii wuu reyreeyaa, Laakiinse laambadda kuwa sharka leh waa la bakhtiin doonaa.
Mwanga wa mtu atendaye haki hufurahia, bali taa ya waovu itazimika.
10 Isqabasho oo keliya ayaa kibir ka timaada, Laakiinse kii waanada qaata waxaa la jirta xigmad.
Kiburi huzaa mafarakano, bali kwa wale wasikiao shauri jema kuna hekima.
11 Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa, Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.
Penye majivuno mengi utajiri hufifia, bali yeye apataye pesa kwa kufanya kazi kwa mkono wake pesa zake zitaongezeka.
12 Rajadii raagtaa qalbigay bukaysiisaa, Laakiinse markii wixii la doonayay la helo waa geed nololeed.
Tumaini linapoachwa, huvunja moyo, bali kukamilishwa kwa shauku ni mti wa uzima.
13 Ku alla kii erayga quudhsadaa halligaad ayuu isu keenaa, Laakiinse kii amarka ka cabsada waa loo abaalgudi doonaa.
Yule ambaye anadharau fundisho bado atakuwa chini ya utawala wake, bali yeye ambaye anaheshimu amri atapewa thawabu.
14 Ninkii caqli leh waxbariddiisu waa il nololeed, In dabinnada dhimashada laga leexdo.
Mafundisho ya mtu mwenye hekima ni chemchemi ya uzima, yanakuondoa kutoka kwenye mitego ya mauti.
15 Waxgarashadii wanaagsan raalli baa laga noqdaa, Laakiinse jidka khaayinnadu waa xun yahay.
Busara njema huleta fadhila, bali njia ya wadanganyifu haina mwisho.
16 Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.
Watu wenye busara hutenda kwa maarifa kwa kila uamuzi, bali mpumbavu huonyesha upuuzi wake.
17 Wargeeyihii shar lahu xumaan buu ku dhex dhacaa, Laakiinse ergadii aamin ahu waa caafimaad.
Mjumbe mbaya huangukia kwenye shida, bali balozi mwaminifu huleta upatanisho.
18 Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida, Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.
Yeye ambaye hupuuza kurudiwa atapata umasikini na aibu, bali heshima itamjia yeye ambaye hujifunza kutokana na masahihisho.
19 Wixii la doonayay oo la gaadhay nafta way u macaan tahay, Laakiinse nacasyadu aad bay u karhaan inay sharka ka fogaadaan.
Shauku iliyotambuliwa ni tamu kwa hamu, bali wapumbavu huchukia kuacha uovu.
20 Kii kuwa caqliga leh la socdaa, caqli buu yeelan doonaa, Laakiinse kii nacasyada raacaa waa baabbi'i doonaa.
Tembea pamoja na watu wenye hekima nawe utakuwa na hekima, bali rafiki wa wapumbavu atateseka.
21 Dembilayaasha waxaa eryada shar, Laakiinse kuwa xaqa ah abaal wanaagsan baa loo gudi doonaa.
Maafa huwakimbilia wenye dhambi, bali wale watendao haki hupewa thawabu kwa mema.
22 Ninkii wanaagsanu dhaxal buu uga tagaa carruurta carruurtiisa, Oo maalka dembilahana waxaa loo kaydiyaa kuwa xaqa ah.
Mtu mwema huacha urithi kwa wajukuu wake, bali mali ya mwenye dhambi huwekwa akiba kwa yule atendaye haki.
23 Beerta masaakiinta waxaa ku taal cunto badan, Laakiinse gardarro aawadeed in baa loo baabbi'iyaa.
Shamba la masikini lisilolimwa linaweza huzalisha chakula kingi, bali huchukuliwa kwa udhalimu.
24 Kii ushiisa ceshadaa wiilkiisuu neceb yahay; Laakiinse kii wiilkiisa jecelu aad buu u edbiyaa.
Yeye ambaye hamrudi mwanawe humchukia, bali yule anayempenda mwanawe humjali kwa kumwadibisha.
25 Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto, Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.
Yeye atendaye haki hula hadi kutosheleza hamu yake bali tumbo la mwovu linanjaa daima.