< Maahmaahyadii 13 >

1 Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.
בן חכם מוסר אב ולץ לא-שמע גערה
2 Nin wuxuu wax wanaagsan ku cuni doonaa midhaha afkiisa, Laakiinse khaayinnada naftoodu waxay cuni doontaa midhaha dulmiga.
מפרי פי-איש יאכל טוב ונפש בגדים חמס
3 Kii afkiisa dhawraa wuxuu dhawraa naftiisa, Laakiinse kii bushimihiisa aad u kala qaadaa wuu baabbi'i doonaa.
נצר פיו שמר נפשו פשק שפתיו מחתה-לו
4 Kii caajis ah naftiisu wax bay damacdaa, mana hesho, Laakiinse nafta kii dadaala waa la barwaaqaysiin doonaa.
מתאוה ואין נפשו עצל ונפש חרצים תדשן
5 Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay, Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.
דבר-שקר ישנא צדיק ורשע יבאיש ויחפיר
6 Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.
צדקה תצר תם-דרך ורשעה תסלף חטאת
7 Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.
יש מתעשר ואין כל מתרושש והון רב
8 Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa, Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.
כפר נפש-איש עשרו ורש לא-שמע גערה
9 Iftiinka kuwa xaqa ahu weligii wuu reyreeyaa, Laakiinse laambadda kuwa sharka leh waa la bakhtiin doonaa.
אור-צדיקים ישמח ונר רשעים ידעך
10 Isqabasho oo keliya ayaa kibir ka timaada, Laakiinse kii waanada qaata waxaa la jirta xigmad.
רק-בזדון יתן מצה ואת-נועצים חכמה
11 Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa, Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.
הון מהבל ימעט וקבץ על-יד ירבה
12 Rajadii raagtaa qalbigay bukaysiisaa, Laakiinse markii wixii la doonayay la helo waa geed nololeed.
תוחלת ממשכה מחלה-לב ועץ חיים תאוה באה
13 Ku alla kii erayga quudhsadaa halligaad ayuu isu keenaa, Laakiinse kii amarka ka cabsada waa loo abaalgudi doonaa.
בז לדבר יחבל לו וירא מצוה הוא ישלם
14 Ninkii caqli leh waxbariddiisu waa il nololeed, In dabinnada dhimashada laga leexdo.
תורת חכם מקור חיים-- לסור ממקשי מות
15 Waxgarashadii wanaagsan raalli baa laga noqdaa, Laakiinse jidka khaayinnadu waa xun yahay.
שכל-טוב יתן-חן ודרך בגדים איתן
16 Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.
כל-ערום יעשה בדעת וכסיל יפרש אולת
17 Wargeeyihii shar lahu xumaan buu ku dhex dhacaa, Laakiinse ergadii aamin ahu waa caafimaad.
מלאך רשע יפל ברע וציר אמונים מרפא
18 Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida, Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.
ריש וקלון פורע מוסר ושמר תוכחת יכבד
19 Wixii la doonayay oo la gaadhay nafta way u macaan tahay, Laakiinse nacasyadu aad bay u karhaan inay sharka ka fogaadaan.
תאוה נהיה תערב לנפש ותועבת כסילים סור מרע
20 Kii kuwa caqliga leh la socdaa, caqli buu yeelan doonaa, Laakiinse kii nacasyada raacaa waa baabbi'i doonaa.
הלוך (הולך) את-חכמים וחכם (יחכם) ורעה כסילים ירוע
21 Dembilayaasha waxaa eryada shar, Laakiinse kuwa xaqa ah abaal wanaagsan baa loo gudi doonaa.
חטאים תרדף רעה ואת-צדיקים ישלם-טוב
22 Ninkii wanaagsanu dhaxal buu uga tagaa carruurta carruurtiisa, Oo maalka dembilahana waxaa loo kaydiyaa kuwa xaqa ah.
טוב--ינחיל בני-בנים וצפון לצדיק חיל חוטא
23 Beerta masaakiinta waxaa ku taal cunto badan, Laakiinse gardarro aawadeed in baa loo baabbi'iyaa.
רב-אכל ניר ראשים ויש נספה בלא משפט
24 Kii ushiisa ceshadaa wiilkiisuu neceb yahay; Laakiinse kii wiilkiisa jecelu aad buu u edbiyaa.
חושך שבטו שונא בנו ואהבו שחרו מוסר
25 Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto, Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.
צדיק--אכל לשבע נפשו ובטן רשעים תחסר

< Maahmaahyadii 13 >