< Maahmaahyadii 12 >
1 Ku alla kii edbinta jecelu aqoon buu jecel yahay, Laakiinse kii canaanta necebu waa doqon.
喜愛受教的人,必喜愛智慧;憎恨規勸的人,真是糊塗。
2 Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa. Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa.
善心的人,必得上主喜悅;心術邪惡的人,必受降罰。
3 Ninna shar kuma dhismi doono, Laakiinse kuwa xaqa ah xididkooda weligiis lama dhaqaajin doono.
沒有人作惡而能穩立,唯有義人的根基永不動搖。
4 Naagtii toolmoonu waxay ninkeeda u tahay taaj, Laakiinse tii ceebalay ahu waa sida qudhun isaga lafaha kaga jira.
賢能的妻子,是她丈夫的冠冕;無恥的妻子,宛如丈夫骨中的腐蝕。
5 Kuwa xaqa ah fikirradoodu waa qumman yihiin, Laakiinse kuwa sharka leh taladoodu waa khiyaano.
義人思念公正,惡人計劃詭譎。
6 Kuwa sharka leh erayadoodu waa gabbasho ay u gabbadaan si ay dhiig u daadiyaan, Laakiinse kuwa qumman afkooda ayaa samatabbixin doona.
惡人的言談,是流血的陷阱;義人的口舌,設法搭救他人。
7 Kuwa sharka leh waa la afgembiyaa, oo mar dambena lama arki doono, Laakiinse kuwa xaqa ah gurigoodu waa sii taagnaan doonaa.
惡人一旦傾覆,便不復存在;義人的家室,卻得以久存。
8 Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.
人憑自己的識見,獲得讚美;但心地邪僻的人,必受輕視。
9 Kii la fudaydsado oo midiidin lahu Waa ka wanaagsan yahay kii isweyneeya oo cunto u baahan.
一個自給自足的平民,比愛排場而缺食的人,更為可貴。
10 Nin xaq ahu waa u tudhaa neefkiisa, Laakiinse kuwa sharka leh naxdintoodu waa naxariisla'aan oo keliya.
義人珍惜禽獸的生命,惡人的心腸殘忍刻薄。
11 Kii dhulkiisa beertaa cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa waa garaad daranyahay.
自耕其地的人,必得飽食;追求虛幻的人,實屬愚昧。
12 Kan sharka lahu wuxuu damcaa dabinka xumaanfalayaasha, Laakiinse xididka kuwa xaqa ahu midhuu dhalaa.
邪惡的想望,是惡人的羅網;義人的根基,卻永不動搖。
13 Kan sharka leh waxaa u dabin ah xadgudubka bushimihiisa, Laakiinse kan xaqa ahu dhibaatada wuu ka bixi doonaa.
惡人失口,自尋苦惱;義人卻能幸免受累。
14 Nin wuxuu wanaag kaga dhergi doonaa midhaha afkiisa, Oo nin walbana waxa gacmihiisu sameeyaan ayaa loo abaalgudi doonaa.
人必飽嘗自己口舌的果實,必按自己的行為獲得報應。
15 Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.
愚昧的人,常以為自己的道路正直;但明智的人,卻常聽從勸告。
16 Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.
愚昧的人,立時顯出自己的憤怒;機智的人,卻忍辱而不外露。
17 Kii runta ku hadlaa wuxuu muujiyaa xaqnimada, Laakiinse markhaatiga beenta ahu wuxuu muujiyaa khiyaanada.
吐露真情,是彰顯正義;作假見證,是自欺欺人。
18 Waxaa jira mid u hadla sida seef wax mudaysa, Laakiinse kan caqliga leh carrabkiisu waa caafimaad.
出言不慎,有如利刃傷人;智者的口,卻常療愈他人。
19 Bushintii runta sheegtaa weligeedba way sii taagnaan doontaa, Laakiinse carrabkii beenta sheegaa daqiiqad buu joogaa.
講實話的唇舌,永垂不朽;說謊話的舌頭,瞬息即逝。
20 Kuwa sharka ku fikira qalbigooda khiyaanaa ku jirta, Laakiinse taliyayaasha nabaddu farxad bay leeyihiin.
圖謀惡事的,心懷欺詐;策劃和平的,必得喜樂。
21 Sharna kan xaqa ah ku dhici maayo, Laakiinse kuwa sharka leh xumaan baa ka buuxsami doonta.
義人常無往不利,惡人卻備受災殃。
22 Bushimaha beenta sheega Rabbigu wuu karhaa. Laakiinse kuwa runta ku shaqeeya wuu ku farxaa.
欺詐的唇舌,為上主所深惡;行事誠實的,纔為他所中悅。
23 Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.
機智的人,使自己的才學深藏不露;心中愚昧的人,只會彰顯自己的愚蠢。
24 Kuwa dadaala gacantoodu wax bay xukumi doontaa, Laakiinse caajisiinta hawl baa la saari doonaa.
勤勞的手,必要掌權;懶慢的手,只有服役。
25 Ninkii caloolxumo gashaa wuu soo gotaa, Laakiinse eray wanaagsanu waa ka farxiyaa isaga.
憂鬱使人心消沉,良言使人心快活。
26 Kan xaqa ahu deriskiisuu hanuuniyaa, Laakiinse kuwa sharka leh jidkoodu wuu ambiyaa iyaga.
義人給自己的友伴指示道路,惡人的行動卻引人誤入歧途。
27 Ninkii caajis ahu ma dubto wuxuu soo ugaadhsaday, Laakiinse ninkii dadaala maalkiisu waa qaali.
懶惰的人,無米為炊;勤勞的人,腰纏萬貫。
28 Jidka xaqnimada nolol baa taal; Oo waddadeedana dhimasho kuma jirto.
正義的路,導向生命;邪惡的路,引人喪亡。