< Maahmaahyadii 10 >
1 Maahmaahyadii Sulaymaan. Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.
Mithali za Solomoni: Mwana mwenye hekima huleta furaha kwa baba yake, lakini mwana mpumbavu huleta huzuni kwa mama yake.
2 Qasnadaha sharnimadu faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
Hazina zilizopatikana kwa njia mbaya hazifai, lakini uadilifu huokoa kutoka mautini.
3 Kii xaq ah naftiisu inay gaajooto Rabbigu u oggolaan maayo, Laakiinse doonista kuwa sharka leh ayuu ridaa.
Bwana hawaachi waadilifu kukaa njaa, lakini hupinga tamaa ya mtu mwovu.
4 Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa, Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.
Mikono mivivu hufanya mtu kuwa maskini lakini mikono yenye bidii huleta utajiri.
5 Kii guga wax soo urursadaa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii wakhtiga beergooyska seexdaa waa wiil ceeb sameeya.
Yeye akusanyaye mazao wakati wa kiangazi ni mwana mwenye hekima, lakini yeye alalaye wakati wa mavuno ni mwana mwenye kuaibisha.
6 Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
Baraka huwa taji kichwani mwa mwenye haki, lakini jeuri hufunika kinywa cha mwovu.
7 Kan xaqa ah xusuustiisu barako bay leedahay, Laakiinse kuwa sharka leh magacoodu waa qudhmi doonaa.
Kumbukumbu ya mwenye haki itakuwa baraka, lakini jina la mwovu litaoza.
8 Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
Mwenye hekima moyoni hupokea maagizo, lakini mpumbavu apayukaye huangamia.
9 Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.
Mtu mwadilifu hutembea salama, lakini mtu aendaye katika njia zilizopotoka atagunduliwa.
10 Kii indhaha ku baaqaa murug buu keenaa. Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
Yeye akonyezaye kwa nia mbaya husababisha huzuni, naye mpumbavu apayukaye huangamia.
11 Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
Kinywa cha mwenye haki ni chemchemi ya uzima, lakini jeuri hufunika kinywa cha mwovu.
12 Necbaantu waxay kicisaa isqabashada, Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.
Chuki huchochea faraka, lakini upendo husitiri mabaya yote.
13 Kii waxgarasho leh bushimihiisa waxaa laga helaa xigmad, Laakiinse ushu waxay u taal kan garaadka daran dhabarkiisa.
Hekima hupatikana katika midomo ya wenye kupambanua, lakini fimbo ni kwa ajili ya mgongo wake asiye na ufahamu.
14 Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.
Wenye hekima huhifadhi maarifa, bali kinywa cha mpumbavu hualika maangamizi.
15 Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.
Mali ya tajiri ni mji wake wenye ngome, bali ufukara ni maangamizi ya maskini.
16 Kuwa xaqa ah hawshoodu waxay u waddaa nolol, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa, dembi bay u sii kexeeyaan.
Ujira wa wenye haki huwaletea uzima, lakini mapato ya waovu huwaletea adhabu.
17 Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha, Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.
Anayekubali kuadibishwa yuko katika njia ya uzima, lakini yeyote anayepuuza maonyo hupotosha wengine.
18 Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.
Yeye afichaye chuki yake ana midomo ya uongo, na yeyote anayeeneza uchonganishi ni mpumbavu.
19 Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.
Wakati maneno ni mengi, dhambi haikosekani, lakini yeye ambaye huzuia ulimi wake ni mwenye busara.
20 Kii xaq ah carrabkiisu waa sida lacag la doortay, Laakiinse kuwa sharka leh qalbigoodu waa qiimo yar yahay.
Ulimi wa mwenye haki ni fedha iliyo bora, bali moyo wa mwovu una thamani ndogo.
21 Kii xaq ah bushimahiisu waxay masruufaan kuwa badan, Laakiinse nacasyadu waxgarashola'aantooda ayay u dhintaan.
Midomo ya mwenye haki hulisha wengi, lakini wapumbavu hufa kwa kukosa ufahamu.
22 Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa, Oo isna caloolxumo kuma daro.
Baraka ya Bwana hutajirisha, wala haichanganyi huzuni.
23 Nacasku inuu xumaan sameeyo waa u sidii cayaareed, Laakiinse ninka garaadka lahu xigmad buu leeyahay.
Mpumbavu hufurahia tabia mbaya, lakini mtu mwenye ufahamu hupendezwa na hekima.
24 Kii shar leh wuxuu ka cabsado ayaa ku soo dul degi doona, Laakiinse kuwa xaqa ah waxay doonayaan waa la siin doonaa.
Kile anachoogopa mwovu ndicho kitakachompata; kile anachoonea shauku mwenye haki atapewa.
25 Markii dabaysha cirwareenta ahu dhaafto, ka sharka leh mar dambe la arki maayo, Laakiinse kii xaq ahu waa aasaas weligiis waaraya.
Tufani inapopita, waovu hutoweka, lakini wenye haki husimama imara milele.
26 Khalku siduu ilkaha u yahay, iyo sida qiiqu indhaha u yahay, Ayaa kan caajiska ahu u yahay kuwa isaga dirta.
Kama siki ilivyo kwa meno na moshi kwa macho, ndivyo alivyo mvivu kwa wale waliomtuma.
27 Rabbiga ka cabsashadiisu cimrigay dheeraysaa, Laakiinse kuwa sharka leh cimrigoodu waa soo gaaban doonaa.
Kumcha Bwana huongeza urefu wa maisha, lakini miaka ya mwovu inafupishwa.
28 Kuwa xaqa ah rajadoodu waa farxad, Laakiinse kuwa sharka leh filashadoodu way baabbi'i doontaa.
Tarajio la mwenye haki ni furaha, bali matumaini ya mwovu huwa si kitu.
29 Rabbiga jidkiisu waa u qalcad kuwa qumman; Laakiinse xumaanfalayaasha waa u baabba'.
Njia ya Bwana ni kimbilio kwa wenye haki, lakini ni maangamizi ya wale watendao mabaya.
30 Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo, Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.
Kamwe wenye haki hawataondolewa, bali waovu hawatasalia katika nchi.
31 Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.
Kinywa cha mwenye haki hutoa hekima, bali ulimi wa upotovu utakatwa.
32 Kan xaqa ah bushimahiisu waxay yaqaaniin waxa la aqbali karo, Laakiinse kan sharka leh afkiisu qallooc buu ku hadlaa.
Midomo ya wenye haki inajua kile kinachofaa, bali kinywa cha mwovu hujua kile kilichopotoka tu.