< Maahmaahyadii 10 >

1 Maahmaahyadii Sulaymaan. Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.
所罗门的箴言: 智慧之子使父亲欢乐; 愚昧之子叫母亲担忧。
2 Qasnadaha sharnimadu faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
不义之财毫无益处; 惟有公义能救人脱离死亡。
3 Kii xaq ah naftiisu inay gaajooto Rabbigu u oggolaan maayo, Laakiinse doonista kuwa sharka leh ayuu ridaa.
耶和华不使义人受饥饿; 恶人所欲的,他必推开。
4 Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa, Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.
手懒的,要受贫穷; 手勤的,却要富足。
5 Kii guga wax soo urursadaa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii wakhtiga beergooyska seexdaa waa wiil ceeb sameeya.
夏天聚敛的,是智慧之子; 收割时沉睡的,是贻羞之子。
6 Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
福祉临到义人的头; 强暴蒙蔽恶人的口。
7 Kan xaqa ah xusuustiisu barako bay leedahay, Laakiinse kuwa sharka leh magacoodu waa qudhmi doonaa.
义人的纪念被称赞; 恶人的名字必朽烂。
8 Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
心中智慧的,必受命令; 口里愚妄的,必致倾倒。
9 Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.
行正直路的,步步安稳; 走弯曲道的,必致败露。
10 Kii indhaha ku baaqaa murug buu keenaa. Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
以眼传神的,使人忧患; 口里愚妄的,必致倾倒。
11 Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
义人的口是生命的泉源; 强暴蒙蔽恶人的口。
12 Necbaantu waxay kicisaa isqabashada, Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.
恨能挑启争端; 爱能遮掩一切过错。
13 Kii waxgarasho leh bushimihiisa waxaa laga helaa xigmad, Laakiinse ushu waxay u taal kan garaadka daran dhabarkiisa.
明哲人嘴里有智慧; 无知人背上受刑杖。
14 Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.
智慧人积存知识; 愚妄人的口速致败坏。
15 Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.
富户的财物是他的坚城; 穷人的贫乏是他的败坏。
16 Kuwa xaqa ah hawshoodu waxay u waddaa nolol, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa, dembi bay u sii kexeeyaan.
义人的勤劳致生; 恶人的进项致死。
17 Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha, Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.
谨守训诲的,乃在生命的道上; 违弃责备的,便失迷了路。
18 Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.
隐藏怨恨的,有说谎的嘴; 口出谗谤的,是愚妄的人。
19 Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.
多言多语难免有过; 禁止嘴唇是有智慧。
20 Kii xaq ah carrabkiisu waa sida lacag la doortay, Laakiinse kuwa sharka leh qalbigoodu waa qiimo yar yahay.
义人的舌乃似高银; 恶人的心所值无几。
21 Kii xaq ah bushimahiisu waxay masruufaan kuwa badan, Laakiinse nacasyadu waxgarashola'aantooda ayay u dhintaan.
义人的口教养多人; 愚昧人因无知而死亡。
22 Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa, Oo isna caloolxumo kuma daro.
耶和华所赐的福使人富足, 并不加上忧虑。
23 Nacasku inuu xumaan sameeyo waa u sidii cayaareed, Laakiinse ninka garaadka lahu xigmad buu leeyahay.
愚妄人以行恶为戏耍; 明哲人却以智慧为乐。
24 Kii shar leh wuxuu ka cabsado ayaa ku soo dul degi doona, Laakiinse kuwa xaqa ah waxay doonayaan waa la siin doonaa.
恶人所怕的,必临到他; 义人所愿的,必蒙应允。
25 Markii dabaysha cirwareenta ahu dhaafto, ka sharka leh mar dambe la arki maayo, Laakiinse kii xaq ahu waa aasaas weligiis waaraya.
暴风一过,恶人归于无有; 义人的根基却是永久。
26 Khalku siduu ilkaha u yahay, iyo sida qiiqu indhaha u yahay, Ayaa kan caajiska ahu u yahay kuwa isaga dirta.
懒惰人叫差他的人 如醋倒牙,如烟薰目。
27 Rabbiga ka cabsashadiisu cimrigay dheeraysaa, Laakiinse kuwa sharka leh cimrigoodu waa soo gaaban doonaa.
敬畏耶和华使人日子加多; 但恶人的年岁必被减少。
28 Kuwa xaqa ah rajadoodu waa farxad, Laakiinse kuwa sharka leh filashadoodu way baabbi'i doontaa.
义人的盼望必得喜乐; 恶人的指望必致灭没。
29 Rabbiga jidkiisu waa u qalcad kuwa qumman; Laakiinse xumaanfalayaasha waa u baabba'.
耶和华的道是正直人的保障, 却成了作孽人的败坏。
30 Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo, Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.
义人永不挪移; 恶人不得住在地上。
31 Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.
义人的口滋生智慧; 乖谬的舌必被割断。
32 Kan xaqa ah bushimahiisu waxay yaqaaniin waxa la aqbali karo, Laakiinse kan sharka leh afkiisu qallooc buu ku hadlaa.
义人的嘴能令人喜悦; 恶人的口说乖谬的话。

< Maahmaahyadii 10 >