< Filiboy 1 >
1 Annagoo ah Bawlos iyo Timoteyos, oo ah addoommadii Ciise Masiix, waxaannu warqaddan u qoraynaa kulli quduusiinta Ciise Masiix oo magaalada Filiboy la jooga hoggaamiyayaasha kiniisadda iyo caawiyayaasha.
Paul and Timotheus, the servants of Yahushua the Messiah, to all the saints in the Messiah Yahushua which are at Philippi, with the bishops and deacons:
2 Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
Favour be unto you, and peace, from YHWH our Father, and from the Master Yahushua the Messiah.
3 Mar kastoo aan idin xusuustaba Ilaahay baan u mahadnaqaa,
I thank my Elohim upon every remembrance of you,
4 oo kol kasta markaan kulligiin idiin duceeyo, waxaan idiin soo duceeyaa anigoo faraxsan
Always in every prayer of mine for you all making request with joy,
5 wehelnimadiinna xagga ka-wadashaqaynta injiilka aawadeed maalintii ugu horraysay ilaa haatan.
For your fellowship in the glad tidings from the first day until now;
6 Anigu waxaan aaminsanahay in kan shuqul wanaagsan idinku dhex bilaabay uu dhammayn doono ilamaa maalinta Ciise Masiix.
Being confident of this very thing, that he which hath begun a good work in you will perform it until the day of Yahushua the Messiah:
7 Haddaba sidaas daraaddeed waa igu qumman tahay inaan sidaas kulligiin idiinka fikiro, waayo, qalbigaan idinku hayaa, maxaa yeelay, kulligiin waxaad tihiin kuwo nimcada igala qayb qaata xagga xidhnaantayda iyo xagga daaficidda iyo xaqiiqaynta injiilkaba.
Even as it is meet for me to think this of you all, because I have you in my heart; inasmuch as both in my bonds, and in the defence and confirmation of the glad tidings, ye all are partakers of my favour.
8 Aniga Ilaah baa iiga markhaati ah sidaan kulligiin idinkugu xiisoonayo xagga jacaylka Ciise Masiix.
For YHWH is my record, how greatly I long after you all in the bowels of Yahushua the Messiah.
9 Waxaan Ilaah ka baryayaa in jacaylkiinnu aad iyo aad ugu sii bato xagga aqoonta iyo waxgarashada oo dhan,
And this I pray, that your love may abound yet more and more in knowledge and in all judgment;
10 inaad waxyaalaha wanaagsan tijaabisaan, oo aad daacad iyo ceeb ka saliin ahaataan ilamaa maalinta Masiixa,
That ye may approve things that are excellent; that ye may be sincere and without offence till the day of the Messiah;
11 idinkoo ay midhaha xaqnimadu idinka buuxaan, kuwaas oo Ciise Masiix ku yimaada, oo Ilaah u ah ammaan iyo mahad.
Being filled with the fruits of righteousness, which are by Yahushua the Messiah, unto the glory and praise of YHWH.
12 Haddaba, walaalayaalow, waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan in waxyaalihii igu dhacay ay injiilka horumar u noqdeen,
But I would ye should understand, brethren, that the things which happened unto me have fallen out rather unto the furtherance of the glad tidings;
13 sidaas daraaddeed waxaa askartii boqorka iyo kuwa kale oo dhanba u wada muuqday inaan Ciise Masiix aawadiis u xidhnahay.
So that my bonds in the Messiah are manifest in all the palace, and in all other places;
14 Oo weliba walaalaha xagga Rabbiga badidood, iyagoo xidhnaantayda ku kalsoon, ayay aad iyo aad ugu dhiirran yihiin inay ereyga Ilaah cabsila'aan ku hadlaan.
And many of the brethren in the Master, waxing confident by my bonds, are much more bold to speak the word without fear.
15 Runtii waxaa jira qaar Masiixa ku naadiya xaasidnimo iyo dirir, qaarna waxay ku naadiyaan niyo wanaagsan.
Some indeed preach the Messiah even of envy and strife; and some also of good will:
16 Qaarko waxay ku naadiyaan jacayl, iyagoo og in la ii doortay injiilka daaficiddiisa,
The one preach the Messiah of contention, not sincerely, supposing to add affliction to my bonds:
17 laakiinse kuwa kale waxay Masiixa u naadiyaan si ay dadka u kala qaybqaybiyaan, iyagoo aan daacad ahayn oo ku fikiraya inay dhib igu kiciyaan anigoo xidhan.
But the other of love, knowing that I am set for the defence of the glad tidings.
18 Haddaba waa sidee? Hadday iska yeelyeel tahay iyo hadday dhab tahayba, Masiixa si kastaba waa loo naadiyaa, oo anigu taas waan ku farxay oo weliba waan ku farxi doonaa.
What then? notwithstanding, every way, whether in pretence, or in truth, the Messiah is preached; and I therein do rejoice, yea, and will rejoice.
19 Waayo, waxaan ogahay in taasu badbaado ay iigu noqonayso xagga ducadiinna iyo caawimaadda Ruuxa Ciise Masiix,
For I know that this shall turn to my salvation through your prayer, and the supply of the Spirit of Yahushua the Messiah,
20 sida aan aad iyo aad u filanayo oo u rajaynayo, inaanan waxba ku ceeboobin, laakiinse siday weligeed ahaan jirtay in haddeerna dhiirranaan oo dhan Masiixa lagu ammaano jidhkayga, hadday tahay nolol iyo hadday tahay dhimashoba.
According to my earnest expectation and my hope, that in nothing I shall be ashamed, but that with all boldness, as always, so now also the Messiah shall be magnified in my body, whether it be by life, or by death.
21 Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa'iido.
For to me to live is the Messiah, and to die is gain.
22 Laakiinse inaan jidhka ku sii noolaado, hadday taasu tahay midhaha hawshayda, waxaan doorto garan maayo.
But if I live in the flesh, this is the fruit of my labour: yet what I shall choose I wot not.
23 Laakiinse anigu labada dhexdoodaan ku dhibtoonayaa, oo waxaan jeclahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay iigu roon tahay,
For I am in a strait betwixt two, having a desire to depart, and to be with the Messiah; which is far better:
24 laakiinse inaan jidhka ku sii jiro aad baa loogu sii baahan yahay idinka aawadiin.
Nevertheless to abide in the flesh is more needful for you.
25 Waan aaminsanahay oo waan ogahay inaan sii joogi doono, oo aan kulligiin idinla sii joogi doono horumarkiinna iyo farxadda rumaysadkiinna aawadood,
And having this confidence, I know that I shall abide and continue with you all for your furtherance and joy of faith;
26 in faankiinnu Ciise Masiix ku bato xaggayga, joogistayda aan mar kale idinla joogo aawadeed.
That your rejoicing may be more abundant in Yahushua the Messiah for me by my coming to you again.
27 Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka,
Only let your conversation be as it becometh the evangel of the Messiah: that whether I come and see you, or else be absent, I may hear of your affairs, that ye stand fast in one spirit, with one mind striving together for the faith of the glad tidings;
28 oo idinku innaba ha ka cabsanina cadaawayaashiinna, taas oo iyaga u ah calaamada halaagga, laakiinse waxay idiin tahay calaamada badbaadadiinna, taasuna waxay ka timaadaa xagga Ilaah.
And in nothing terrified by your adversaries: which is to them an evident token of perdition, but to you of salvation, and that of Elohim.
29 Maxaa yeelay, waxaa laydinku siiyey Masiixa aawadiis, mana aha inaad isaga rumaysataan oo keliya, laakiinse inaad isaga daraaddiisna u xanuunsataan,
For unto you it is given in the behalf of the Messiah, not only to believe on him, but also to suffer for his sake;
30 idinkoo ku dadaalaya isku dadaalkii aad igu aragteen oo haatanna aad igu maqashaan.
Having the same conflict which ye saw in me, and now hear to be in me.