< Filiboy 2 >

1 Haddaba haddii ay Masiixa ku jiraan dhiirrigelin iyo qalbiqabowjis jacayl ah iyo haddii ay ku jirto walaalnimo xagga Ruuxa iyo haddii ay ku jiraan jixinjix iyo naxariis,
Ima li dakle u Kristu kakve utjehe, ima li kakva ljubazna bodrenja, ima li kakva zajedništva Duha, ima li kakva srca i samilosti,
2 farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah.
ispunite me radošću: složni budite, istu ljubav njegujte, jednodušni, jedne misli budite;
3 Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay.
nikakvo suparništvo ni umišljenost, nego - u poniznosti jedni druge smatrajte višima od sebe;
4 Midkiin waluba yuusan fiiro u lahaan waxyaalihiisa, laakiinse midkiin waluba fiiro ha u lahaado waxyaalaha kuwa kale.
ne starajte se samo svaki za svoje, nego i za ono što se tiče drugih!
5 Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.
Neka u vama bude isto mišljenje kao i u Kristu Isusu:
6 Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis,
On, trajni lik Božji, nije se kao plijena držao svoje jednakosti s Bogom,
7 laakiinse wuu ismadhiyey, oo wuxuu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxuu noqday mid dad u eg,
nego sam sebe “oplijeni” uzevši lik sluge, postavši ljudima sličan; obličjem čovjeku nalik,
8 oo markuu nin u ekaaday, ayuu is-hoosaysiiyey oo addeecay inuu dhinto, xataa inuu iskutallaabta ku dhinto.
ponizi sam sebe, poslušan do smrti, smrti na križu.
9 Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya;
Zato Bog njega preuzvisi i darova mu ime, ime nad svakim imenom,
10 in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan,
da se na ime Isusovo prigne svako koljeno nebesnika, zemnika i podzemnika.
11 iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano.
I svaki će jezik priznati: “Isus Krist jest Gospodin!” - na slavu Boga Oca.
12 Haddaba, gacaliyayaalow, xataa sidii aad weligiin u addeeci jirteen, iyadoo aan ahayn intii aan idinla joogay oo keliya, laakiinse haatan intaan idinka maqnahay si sidii hore aad uga sii badan badbaadadiinna ku shaqaysta cabsi iyo gariir,
Tako, ljubljeni moji, poslušni kako uvijek bijaste, ne samo kao ono za moje nazočnosti nego mnogo više sada, za moje nenazočnosti, sa strahom i trepetom radite oko svoga spasenja!
13 waayo, waa Ilaah kan idinkaga dhex shaqeeya xagga doonista iyo xagga shuqulkaba farxaddiisa wanaagsan aawadeed.
Da, Bog u svojoj dobrohotnosti izvodi u vama i htjeti i djelovati.
14 Haddaba wax walba ku sameeya gunuunac iyo muran la'aantood,
Sve činite bez mrmljanja i oklijevanja
15 inaad ceeb iyo eed la'aataan, idinkoo ah carruurtii Ilaah oo aan iin lahayn, oo ku dhex jira qarni qalloocan oo qallafsan, kuwaas oo aad uga dhex muuqataan sida nuurar dunida ku dhex jira,
da budete besprijekorni i čisti, djeca Božja neporočna posred poroda izopačena i lukava u kojem svijetlite kao svjetlila u svijetu
16 idinkoo hore u soo fidinaya ereyga nolosha, si aan anigu u helo wax aan ku faano maalinta Masiixa, taas oo ah inaanan micnela'aan u ordin oo aanan micnela'aan u hawshoon.
držeći riječ Života meni na ponos za Dan Kristov, što nisam zaludu trčao niti se zaludu trudio.
17 Oo weliba haddii laygu dul sadqeeyo allabariga iyo hawsha rumaysadkiinna, waan farxayaa, oo kulligiin waan idinla farxayaa,
Naprotiv, ako se ja i izlijevam za žrtvu i bogoslužje, za vjeru vašu, radostan sam i radujem se sa svima vama.
18 oo weliba sidaas oo kale idinkuna waad farxaysaan oo waad ila rayraysaan.
A tako i vi budite radosni i radujte se sa mnom.
19 Laakiinse waxaan Rabbi Ciise ka rajaynayaa inaan dhowaan idiin soo diro Timoteyos si aan aniguna ugu farxo markii aan xaaladdiinna ogaado.
Nadam se u Gospodinu Isusu da ću vam uskoro poslati Timoteja da mi odlane kad saznam što je s vama.
20 Waayo, ma aan hayo nin isaga la mid ah oo xaaladdiinna si dhab ah uga welwelaya.
Nikoga doista nemam tako srodne duše tko bi se kao on svojski za vas pobrinuo
21 Waayo, iyagu waxay kulligood doonayaan waxyaalahooda, mana aha waxyaalaha Ciise Masiix.
jer svi traže svoje, a ne ono što je Isusa Krista.
22 Laakiinse idinku waad taqaaniin xaqiiqadiisa in sida ilmo aabbihiis ugu adeego uu isagu iigula adeegay xagga injiilka.
A prokušanost vam je njegova poznata: kao dijete s ocem služio je sa mnom evanđelju.
23 Sidaas daraaddeed waxaan rajaynayaa inaan haddiiba isaga idiin soo diro markii aan arko sida ay xaaladdaydu u socoto.
Njega se dakle nadam poslati tek što razvidim što je sa mnom.
24 Laakiinse Rabbigaan ku kalsoonahay inaan aniga qudhayduna dhowaan idiin iman doono.
A uvjeren sam u Gospodinu da ću i sam uskoro doći.
25 Laakiinse waxaan lagamamaarmaan ku tiriyey inaan idiin soo diro Ebafroditos oo ah walaalkay iyo mid ila shaqeeya oo aan isku askar nahay, oo ah kii aad soo dirteen iyo midiidinkiinna xagga baahidayda,
Smatrao sam potrebnim poslati k vama Epafrodita, brata, suradnika i suborca moga kojega ste poslali da mi poslužuje u potrebi.
26 maxaa yeelay, isagu wuu idiin xiisooday kulligiin, oo aad buu u tiiraanyooday, waayo, idinku waad maqasheen inuu bukay,
Jer je čeznuo za svima vama i bio zabrinut što ste saznali da je obolio.
27 oo xaqiiqa isagu wuu bukay oo dhimashuu ku dhowaaday, laakiinse Ilaah baa u naxariistay isaga, mana aha isaga oo keliya, laakiinse anigana wuu ii naxariistay, inaanan lahaan caloolxumo caloolxumo dul saaran.
I doista je gotovo na smrt bio obolio, ali Bog mu se smilovao, ne samo njemu nego i meni, da me ne zadesi žalost na žalost.
28 Sidaas daraaddeed anigoo aad u dadaalaya ayaan isagii soo diray, inaad faraxdaan markii aad mar kale aragtaan, oo ay anigana caloolxumadu iga yaraato.
Brže ga dakle poslah da se, pošto ga vidite, opet obradujete, i ja da budem manje žalostan.
29 Sidaas daraaddeed idinkoo aad u faraxsan isaga Rabbiga ku qaabbila, oo kuwa isaga la mid ahna maamuusa,
Primite ga dakle u Gospodinu sa svom radosti i poštujte takve
30 maxaa yeelay, shuqulka Masiixa aawadiis ayuu dhimasho ugu dhowaaday, markuu nafsaddiisa khatar u geliyey inuu dhammaystiro wixii ka dhinnaa hawshii aad ii qabateen.
jer se za djelo Kristovo smrti sasvim približio, životnoj se pogibli izložio da nadopuni ono u čemu me vi ne mogoste poslužiti.

< Filiboy 2 >