< Cobadyaah 1 >
1 Kuwanu waa wixii la tusay Cobadyaah. Sayidka Rabbiga ahu sidan buu dalka Edom ka leeyahay: Annagu Rabbiga xaggiisa ayaannu war ka maqalnay, oo farriinwade ayaa quruumaha dhexdooda loo soo diray, isagoo leh, War kaca, oo kaalaya aan dadka Edom dagaal ugu kacnee.
俄巴底亞得了耶和華的默示。 論以東說: 我從耶和華那裏聽見信息, 並有使者被差往列國去, 說:起來吧, 一同起來與以東爭戰!
2 Bal eega, quruumaha dhexdooda waan idinku yareeyey, oo si weyn baa laydiin quudhsaday.
我使你-以東在列國中為最小的, 被人大大藐視。
3 Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara?
住在山穴中、居所在高處的啊, 你因狂傲自欺, 心裏說:誰能將我拉下地去呢?
4 In kastood meel kore fuushaan sida gorgorka, iyo in kastoo buulkiinna laga dhiso xiddigaha dhexdooda, halkaas waan idinka soo dejin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
你雖如大鷹高飛, 在星宿之間搭窩, 我必從那裏拉下你來。 這是耶和華說的。
5 Haddii tuugag idiin soo dhici lahaayeen ama haddii shufto habeennimo idin miri lahayd, sow wax idinkama xadi lahayn jeeray wax ku filan la tagaan? (Sidee baad u ba'deen!) Haddii kuwa canabka gura idiin iman lahaayeen, sow kama tegi lahayn canab xaaxaab ah?
盜賊若來在你那裏, 或強盜夜間而來- 你何竟被剪除- 豈不偷竊直到夠了呢? 摘葡萄的若來到你那裏, 豈不剩下些葡萄呢?
6 Sidee baa loo dhacay alaabtii reer Ceesaw! Oo khasnadihiisii qarsoonaa sidee baa loo baadhay!
以掃的隱密處何竟被搜尋? 他隱藏的寶物何竟被查出?
7 Kulli dadkii aad axdiga la lahaan jirteen oo dhammu waxay idinku celiyeen tan iyo soohdinta, oo dadkii nabadda idinla lahaan jiray ayaa idin khiyaanay, wayna idinka adkaadeen, oo kuwii kibistiina cuni jiray ayaa dabin idiin dhigay, oo innaba waxgarasho ma leh.
與你結盟的都送你上路,直到交界; 與你和好的欺騙你,且勝過你; 與你一同吃飯的設下網羅陷害你; 在你心裏毫無聰明。
8 Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ragga xigmadda leh sow kama aan baabbi'in doono reer Edom oo waxgarashadana sow kama baabbi'in doono buurta Ceesaw?
耶和華說:到那日, 我豈不從以東除滅智慧人? 從以掃山除滅聰明人?
9 Reer Teemaanow, raggiinna xoogga badanu way wada nixi doonaan, oo sidaas daraaddeed mid kasta oo buurta Ceesaw ka yimid ayaa laynta ku go'i doona.
提幔哪, 你的勇士必驚惶, 甚至以掃山的人都被殺戮剪除。
10 Xumaantii aad walaalihiin reer Yacquub ku samayseen aawadeed ayaa ceebu idiinku degi doonta, oo weligiin baad go'naan doontaan.
因你向兄弟雅各行強暴, 羞愧必遮蓋你, 你也必永遠斷絕。
11 Waayo, wakhtigii aad ag taagnaydeen oo iska fiirinayseen, markay shisheeyayaashu maalkooda qaadanayeen, oo dadka qalaad irdihooda soo gelayeen, oo ay Yeruusaalem saamiga u ridanayeen, xataa idinku iyagoo kalaad ahaydeen.
當外人擄掠雅各的財物, 外邦人進入他的城門, 為耶路撒冷拈鬮的日子, 你竟站在一旁,像與他們同夥。
12 Laakiinse ha fiirina wakhtiga walaalihiin cidhiidhiga ku jiraan, oo ha ku farxina wakhtiga reer Yahuudah baabba'ooda, oo hana u faanina wakhtiga cidhiidhiga.
你兄弟遭難的日子, 你不當瞪眼看着; 猶大人被滅的日子, 你不當因此歡樂; 他們遭難的日子, 你不當說狂傲的話。
13 Iridda dadkayga ha soo gelina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo weliba dhibkooda ha fiirsanina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo maalkoodana far ha saarina wakhtiga ay belaayaysan yihiin.
我民遭災的日子, 你不當進他們的城門; 他們遭災的日子, 你不當瞪眼看着他們受苦; 他們遭災的日子, 你不當伸手搶他們的財物;
14 Oo meesha jidadka isku gooyaana ha u istaagina si aad u laysaan kuwooda soo fakaday, oo kuwooda wakhtigii cidhiidhiga ka hadhayna cadowgooda ha u gacangelina.
你不當站在岔路口剪除他們中間逃脫的; 他們遭難的日子, 你不當將他們剩下的人交付仇敵。
15 Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay oo way ku dhici doontaa quruumaha oo dhan, oo sidaad samayseen ayaa idinkana laydiinku samayn doonaa, oo abaalgudkiinnii ayaa madaxiinna ku soo noqon doonaa.
耶和華降罰的日子臨近萬國。 你怎樣行,他也必照樣向你行; 你的報應必歸到你頭上。
16 Oo sidaad buurtayda quduuska ah korkeeda wax ugu cabteen ayaa quruumaha oo dhammuna had iyo goorba wax u cabbi doonaan, haah, iyagu way cabbi doonaan oo way liqi doonaan, oo waxay ahaan doonaan sidii iyagoo aan weligood ahaanin.
你們猶大人在我聖山怎樣喝了苦杯, 萬國也必照樣常常地喝; 且喝且咽,他們就歸於無有。
17 Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa.
在錫安山必有逃脫的人, 那山也必成聖; 雅各家必得原有的產業。
18 Reer Yacquub dab buu ahaan doonaa, oo reer Yuusufna olol buu ahaan doonaa, reer Ceesawna bal jajab ah buu ahaan doonaa. Dhexdooday ku gubi doonaan oo iyagana way laasan doonaan, oo reer Ceesawna innaba waxba kama hadhi doonaan, waayo, Rabbigu sidaasuu ku hadlay.
雅各家必成為大火; 約瑟家必為火焰; 以掃家必如碎稭; 火必將他燒着吞滅。 以掃家必無餘剩的。 這是耶和華說的。
19 Oo dadka koonfur degganu waxay hantiyi doonaan buurta Ceesaw, oo kuwa bannaanka degganuna waxay hantiyi doonaan dalka reer Falastiin, oo weliba waxay hantiyi doonaan dalka reer Efrayim, iyo dalka reer Samaariya, oo reer Benyaamiinna waxay hantiyi doonaan dalka Gilecaad.
南地的人必得以掃山; 高原的人必得非利士地, 也得以法蓮地和撒馬利亞地; 便雅憫人必得基列。
20 Oo ciidankan dadka Israa'iil ee maxaabiista ahu waxay hantiyi doonaan dalka reer Kancaan tan iyo Sarefta, oo Yeruusaalem maxaabiisteeda Sefaaraad joogtaana waxay hantiyi doonaan magaalooyinka koonfureed.
在迦南人中被擄的以色列眾人 必得地直到撒勒法; 在西法拉中被擄的耶路撒冷人 必得南地的城邑。
21 Oo badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.
必有拯救者上到錫安山,審判以掃山; 國度就歸耶和華了。