< Tirintii 5 >
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
ヱホバ、モーセに告て言たまはく
2 Waxaad reer binu Israa'iil amar ku tidhaahdaa, Xerada ka saara mid kasta oo baras qaba, iyo mid kasta oo dheecaan ka dareera, iyo mid kasta oo meyd ku nijaasoobay.
イスラエルの子孫に命じて癩病人と流出ある者と死骸に汚されたる者とを盡く營の外に出さしめよ
3 Oo waa inaad rag iyo dumarba bixisaan, oo aad xerada dibaddeeda geeysaan si aanay u nijaasayn xeradooda aan anigu dhex deggan ahay.
男女をわかたず汝等これを出して營の外に居しめ彼等をしてその營を汚さしむべからず我その諸營の中に住なり
4 Oo reer binu Israa'iilna sidaasay yeeleen, oo iyagii xerada dibaddeeday geeyeen, oo sidii Rabbigu Muuse kula hadlay ayaa reer binu Israa'iil yeeleen.
イスラエルの子孫かく爲して之を營の外に出せりすなはちヱホバのモーセに告たまひし如くにイスラエルの子孫然なしぬ
5 Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
ヱホバまたモーセに告て言たまはく
6 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu ay galaan dembi ay dadku galaan, oo ay Rabbiga ku xadgudbaan, oo ay naftaasu sidaas eed ku lahaato,
イスラエルの子孫に告よ男または女もし人の犯す罪を犯してヱホバに悖りその身罪ある者とならば
7 markaas waa inay qirtaan dembigoodii ay sameeyeen. Oo wixii uu ku xadgudbay waa inuu dhammaan u magdhabaa, oo weliba ku sii daraa shan meelood meesheed, oo siiyaa kii uu ku xadgudbay.
その犯せし罪を言あらはしその物の代價にその五分の一を加へてこれを己が罪を犯せる者に付してその償を爲べし
8 Laakiinse ninku hadduusan lahayn xigto xadgudubkii mag laga siiyo, markaas magta xadgudubka ee Rabbiga loo bixiyo waxaa lahaan doona wadaadka; oo weliba waxaa wehliya wanka kafaaraggudka oo isaga aawadiis loogu kafaaro gudo.
然ど若その罪の償を受べき親戚その人にあらざる時はその罪の償をヱホバになして之を祭司に歸せしむべしまた彼のために用ひて贖をなすところの贖罪の牡羊も祭司に歸す
9 Oo qurbaan kasta oo sare loo qaado oo ah waxyaalaha quduuska ah oo dhan ee ay reer binu Israa'iil wadaadka u keenaan waa in isagu lahaadaa.
イスラエルの子孫の擧祭となして祭司に携へ來る所の聖物は皆祭司に歸す
10 Oo nin walba waxyaalihiisa quduuska ah waa in wadaadku lahaadaa, oo wax alla wixii nin wadaadka siiyana isagu waa inuu lahaadaa.
諸の人の聖別て献る物は祭司に歸し凡て人の祭司に付す物は祭司に歸するなり
11 Oo haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
ヱホバ、モーセに告て言たまはく
12 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin naagtiis isaga ka tagto oo ay ku xadgudubto,
イスラエルの子孫に告てこれに言へ人の妻道ならぬ事を爲てその夫に罪を犯すあり
13 oo haddii nin kale la jiifsado oo waxaas ninkeedii laga qariyo oo qarsoodi loo haysto, oo ay naagtaasu sidaas ku nijaasowdo, laakiinse markhaati loo waayo iyada, amase aan iyada lagu qaban samayntii,
人かれと交合したるにその事夫の目にかくれて露顯ず彼その身を汚したれどこれが證人となる者なく彼またその時に執へられもせざるあり
14 oo markaas haddii masayr ku soo dego ninka oo uu naagtiisa ka masayro oo ay iyadu nijaasowday, amase haddii masayr ku soo dego oo uu naagtiisa ka masayro oo ayan iyadu nijaasoobin,
すなはち妻その身を汚したる事ありて夫猜疑の心を起してその妻を疑ふことあり又は妻その身を汚したる事なきに夫猜疑の心を起してその妻を疑ふことある時は
15 markaas ninku waa inuu naagtiisa wadaadka u keenaa, oo iyada aawadeed qurbaan ugu keenaa eefaah toban meelood loo qaybiyey meeshiis bur shaciir ah. Isagu waa inuusan saliidna ku shubin amase foox saarin, waayo, taasu waxa weeye qurbaankii masayrka, waana qurbaan xusuuseed oo dembiga lagu soo xusuusto.
夫その妻を祭司の許に携へきたり大麥の粉一エパの十分の一をこれがために禮物として持きたるべしその上に油を灌べからずまた乳香を加ふべからず是は猜疑の禮物記念の禮物にして罪を誌えしむる者なればなり
16 Markaas wadaadku waa inuu iyada soo dhoweeyaa oo Rabbiga hortiisa keenaa.
祭司はまたその婦人を近く進ませてヱホバの前に立しめ
17 Oo markaas wadaadku waa inuu biyo quduus ah weel dhoobo ah ku qaadaa, oo ciidda taambuugga dhulkiisa taalna waa in wadaadku qaadaa oo biyaha ku shubaa,
瓦の器に聖水を入れ幕屋の下の地の土を取てその水に放ち
18 oo markaas waa in wadaadku naagta keenaa Rabbiga hortiisa, oo naagta timaheeduna ha furfurnaadaan, oo qurbaankii xusuuseedna gacmaheeda ha ku rido, kaasoo ah qurbaankii masayrka. Wadaadkuna gacanta ha ku haysto biyaha qadhaadhka ah oo habaarka kiciyo.
其婦人をヱホバの前に立せ婦人にその頭を露さしめて記念の禮物すなはち猜疑の禮物をその手に持すべし而して祭司は詛を來らするとこるの苦き水を手に執り
19 Oo markaas wadaadku iyada ha dhaariyo, oo ha ku yidhaahdo naagta, Hadduusan nin kale kula jiifsan, oo aadan nijaaso ku leexan, adoo ninkaaga ka dambayn lahaa, ka xorow biyahan qadhaadhka ah oo habaarka kiciyo,
婦を誓せてこれに言べし人もし汝と寝たる事あらず汝また汝の夫を措て道ならぬ事を爲て汚穢に染しこと無ば詛を來する此苦水より害を受ること有ざれ
20 laakiinse haddaad gees u leexatay adigoo ninkaaga ka dambayn lahaa, oo aad markaas nijaasowday, oo haddii nin kale kula jiifsaday ninkaaga mooyaane,
然ど汝もし汝の夫を措き道ならぬ事を爲てその身を汚し汝の夫ならざる人と寝たる事あらば
21 markaas wadaadku waa inuu naagta ku dhaariyaa dhaar habaar ah, oo wadaadku naagta ha ku yidhaahdo, Markuu Rabbigu bowdadaada hilib beeliyo oo uu calooshaada barariyo, dadkaaga dhexdiisa ha kaaga dhigo habaar iyo dhaar,
(祭司その婦人をして詛を來らする誓をなさしめて祭司その婦人に言べし)ヱホバ汝の腿を痩しめ汝の腹を脹れしめ汝をして汝の民の指て詛ふ者指て誓ふ者とならしめたまへ
22 oo biyahan habaarka kiciyaa way ku geli doonaan, oo calooshaaday bararin doonaan, bowdadaadana way hilib beelin doonaan. Oo naagtuna waa inay tidhaahdaa, Aamiin, Aamiin.
また詛を來らするこの水汝の腸にいりて汝の腹を脹れさせ汝の腿を痩させんとその時婦人はアーメン、アーメンと言べし
23 Oo wadaadkiina waa inuu habaarradaas buug ku qoraa, oo uu biyaha qadhaadhka ah ku baabbi'iyaa.
而して祭司この詛を書に筆記しその苦水にて之を洗おとし
24 Oo waa inuu naagta cabsiiyaa biyaha qadhaadhka ah oo habaarka kiciya, oo biyaha habaarka kiciyaa ayaa iyada geli doona oo qadhaadh bay noqon doonaan.
婦人をしてその詛を來らする水を飮しむべしその詛を來らする水かれの中にいりて苦ならん
25 Oo markaas wadaadku waa inuu qurbaankii masayrka naagta gacanteeda ka qaadaa oo Rabbiga hortiisa ku ruxruxaa, oo markaas waa inuu meesha allabariga keenaa.
祭司まづその婦人の手より猜疑の禮物を取りその禮物をヱホバの前に搖てこれを壇に持來り
26 Oo markaas wadaadku waa inuu qaadaa cantoobo muggeed oo qurbaanka xusuuseed ah, oo waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa, oo haddana naagta biyaha cabsiiyaa.
而して祭司其禮物の中より記念の分一握をとりて之を壇の上に焚き然る後婦人にその水を飮しむべし
27 Oo markuu iyada biyaha cabsiiyo markaas hadday iyadu nijaasowday, oo ay ninkeeda ku xadgudubtay, biyaha habaarka kiciya iyaday geli doonaan oo qadhaadh bay noqon doonaan, oo caloosheedu way barari doontaa oo bowdadeeduna way hilib beeli doontaa; oo naagtu waxay dadkeeda ku dhex ahaan doontaa habaar.
その水を之に飮しめたる時はもしかれその身を汚し夫に罪を犯したる事あるに於てはその詛を來らする水かれの中に入て苦くなりその腹脹れその腿痩て自己はその民の指て詛ふ者とならん
28 Laakiinse naagtu haddaanay nijaasoobin illowse ay daahir tahay, markaas iyadu xor bay ahaanaysaa, wayna uuraysanaysaa.
然ど彼もしその身を汚しし事あらずして潔からば害を受ずして能く子を生ん
29 Kanu waa sharciga ku saabsan masayrka haddii naagu iyadoo ninkeeda ka dambayn lahayd ka leexato oo ay nijaasowdo,
是すなはち猜疑の律法なり妻たる者その夫を措き道ならぬ事を爲て身を汚しし時
30 ama haddii masayr ku soo dego nin, oo uu naagtiisa ka masayro, de markaas waa inuu naagta Rabbiga hor keenaa, oo wadaadku waa inuu iyada sharcigaas oo dhan ku oofiyaa.
また夫たる者猜疑の心を起してその妻を疑ふ時はその婦人をヱホバの前におきて祭司その律法のごとく之に行ふべきなり
31 Oo markaas ninku dembi xor buu ka ahaanayaa, oo naagtaasuna dembigeeda way qaadan doontaa.
斯せば夫は罪なく妻はその罪を任ん