< Tirintii 35 >

1 Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,
耶和華在摩押平原-約旦河邊、耶利哥對面曉諭摩西說:
2 Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay dhaxalkooda hantida ah reer Laawi ka siiyaan magaalooyin ay degaan, oo magaalooyinkaas agagaarkooda ku wareegsanna reer Laawi siiya.
「你吩咐以色列人,要從所得為業的地中把些城給利未人居住,也要把這城四圍的郊野給利未人。
3 Oo magaalooyinka iyagaa lahaanayaan inay degaan, agagaarkooduna waxay u ahaan doonaan lo'dooda, iyo alaabtooda, iyo xoolahooda oo dhan.
這城邑要歸他們居住,城邑的郊野可以牧養他們的牛羊和各樣的牲畜,又可以安置他們的財物。
4 Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan agagaarkooda ha laga bilaabo magaalo kasta derbigeeda, oo dibadda ha uga baxo kun dhudhun oo hareeraheeda ku wareegsan ah.
你們給利未人的郊野,要從城根起,四圍往外量一千肘。
5 Oo magaalada dibaddeeda waa inaad ka qiyaastaan xagga bari laba kun oo dhudhun, dhanka koonfureedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka galbeedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka woqooyina waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, oo magaaladuna dhexda ha ahaato. Oo intaasaa iyaga u ahaan doonta agagaarka magaalooyinka.
另外東量二千肘,南量二千肘,西量二千肘,北量二千肘,為邊界,城在當中;這要歸他們作城邑的郊野。
6 Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan waxay ahaan doonaan lixda magaalo oo magangalka ah oo aad siin doontaan si uu gacankudhiigluhu ugu cararo, oo kuwaas mooyaane waxaad kaloo iyaga siisaan laba iyo afartan magaalo.
你們給利未人的城邑,其中當有六座逃城,使誤殺人的可以逃到那裏。此外還要給他們四十二座城。
7 Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan oo dhammu waxay ahaan doonaan siddeed iyo afartan magaalo, oo waxaad siin doontaan iyaga iyo agagaarkoodaba.
你們要給利未人的城,共有四十八座,連城帶郊野都要給他們。
8 Oo waxa ku saabsan magaalooyinka aad reer Laawi hantida uga siin doontaan reer binu Israa'iil waa sidan, waa inaad kuwii badan magaalooyin badan ka qaaddaan, kuwii yarna waa inaad magaalooyin yar ka qaaddaan, oo mid waluba dhaxalkiisii uu dhaxlay magaalooyinkiisa reer Laawi wax ha ka siiyo.
以色列人所得的地業從中要把些城邑給利未 人;人多的就多給,人少的就少給;各支派要按所承受為業之地把城邑給利未人。」
9 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
耶和華曉諭摩西說:
10 Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun dhaaftaan oo aad gashaan dalka Kancaan,
「你吩咐以色列人說:你們過約旦河,進了迦南地,
11 waa inaad doorataan magaalooyin idiin ahaada magaalooyin aad magan gashaan, si uu gacankudhiigluhu qof kama' u dilaa halkaas ugu cararo.
就要分出幾座城,為你們作逃城,使誤殺人的可以逃到那裏。
12 Oo magaalooyinkaasu waxay idiin ahaan doonaan meel aad ka magan gashaan kan aardoonka ah, si uusan gacankudhiigluhu u dhiman intuusan shirka hortiisa xukun isu soo taagin.
這些城可以作逃避報仇人的城,使誤殺人的不至於死,等他站在會眾面前聽審判。
13 Oo magaalooyinka aad bixin doontaan waxay idiin ahaan doonaan lix magaalo oo magangal ah.
你們所分出來的城,要作六座逃城。
14 Oo Webi Urdun shishadiisa waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, dalka Kancaanna waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, oo iyagu waa inay ahaadaan magaalooyin magangal ah.
在約旦河東要分出三座城,在迦南地也要分出三座城,都作逃城。
15 Oo lixdaas magaalo waxaa magangeli doona reer binu Israa'iil iyo shisheeyaha iyo qariibka iyaga dhex deggan, si uu ku alla kii qof kama' u dilaa ugu cararo.
這六座城要給以色列人和他們中間的外人,並寄居的,作為逃城,使誤殺人的都可以逃到那裏。
16 Laakiinse hadduu wax bir ah ku dhufto, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.
「倘若人用鐵器打人,以致打死,他就是故殺人的;故殺人的必被治死。
17 Oo hadduu ku dhufto dhagax uu gacanta ku haysto oo qof u dhiman karo, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.
若用可以打死人的石頭打死了人,他就是故殺人的;故殺人的必被治死。
18 Amase hadduu ku dhufto hub qori ah oo uu gacanta ku haysto oo qof u dhiman karo, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.
若用可以打死人的木器打死了人,他就是故殺人的;故殺人的必被治死。
19 Oo aardoonka dhiigga doonayaa qudhiisu ha dilo gacankudhiiglaha. Markuu isaga helo ha dilo.
報血仇的必親自殺那故殺人的,一遇見就殺他。
20 Oo hadduu nacayb aawadiis u riixdo, ama intuu u gabbado uu wax ku tuuro, oo uu markaas dhinto,
人若因怨恨把人推倒,或是埋伏往人身上扔物,以致於死,
21 amase hadduu cadownimo aawadeed gacanta ugu dhufto, oo uu sidaas ku dhinto, kii wax ku dhuftay hubaal waa in la dilaa, waayo, isagu waa gacankudhiigle, oo aardoonka dhiigga doonayaa gacankudhiiglaha ha dilo markuu helo.
或是因仇恨用手打人,以致於死,那打人的必被治死。他是故殺人的;報血仇的一遇見就殺他。
22 Laakiinse hadduu kama' u riixo isagoo aan cadownimo ku jirin, amase uu wax ku tuuro isagoo aan u gabban,
「倘若人沒有仇恨,忽然將人推倒,或是沒有埋伏把物扔在人身上,
23 amase hadduu ku dhufto dhagax qof u dhiman karo, oo isagoo aan arkayn uu ku tuuro, oo uu sidaas ku dhinto, oo hadduusan cadowgiis ahayn ama uusan waxyeelladiisa doondoonayn,
或是沒有看見的時候用可以打死人的石頭扔在人身上,以致於死,本來與他無仇,也無意害他。
24 markaas kii wax dilay iyo kan ah aardoonka dhiigga doonayo, shirku waa inuu ugu kala garsooraa sida xukummadanu yihiin.
會眾就要照典章,在打死人的和報血仇的中間審判。
25 Oo shirku waa inuu gacankudhiiglaha ka samatabbixiyaa gacanta kan ah aardoonka dhiigga doonayo, oo shirku waa inuu isaga ku celiyaa magaaladiisii uu magangalay, oo uu ku cararay, oo isagu waa inuu halkaas degganaado jeer uu dhinto wadaadka sare oo lagu subkay saliiddii quduuska ahayd.
會眾要救這誤殺人的脫離報血仇人的手,也要使他歸入逃城。他要住在其中,直等到受聖膏的大祭司死了。
26 Laakiinse gacankudhiigluhu mar kasta ha ahaatee hadduu ka gudbo soohdinta magaaladiisii uu magangalay oo uu ku cararay,
但誤殺人的,無論甚麼時候,若出了逃城的境外,
27 oo markaas kii ahaa aardoonka dhiigga doonayo uu ka helo meel dibadda ka ah soohdinta magaaladiisii uu magangalay, kolkaas kii ahaa aardoonka dhiigga doonayo hadduu gacankudhiiglaha dilo, isagu ma ahaan doono mid dhiig qaba,
報血仇的在逃城境外遇見他,將他殺了,報血仇的就沒有流血之罪。
28 waayo, waxaa isaga waajib ku ahaa inuu iska joogo magaaladiisii uu magangalay ilamaa uu wadaadka sare dhinto, laakiinse markuu wadaadka sare dhinto gacankudhiigluhu waa inuu markaas dabadeed ku noqdo dalkiisii hantida u ahaa.
因為誤殺人的該住在逃城裏,等到大祭司死了。大祭司死了以後,誤殺人的才可以回到他所得為業之地。
29 Oo waxyaalahanu waa inay qaynuun xukun ah degmooyinkiinna oo dhan idiinku ahaadaan ab ka abkiin.
這在你們一切的住處,要作你們世世代代的律例典章。
30 Ku alla kii qof dila, gacankudhiiglaha waa in la dilaa markii lagu marag furo, laakiinse qofnaba yaan lagu dilin markhaati keliya maragfurkiis.
「無論誰故殺人,要憑幾個見證人的口把那故殺人的殺了,只是不可憑一個見證的口叫人死。
31 Oo weliba waa inaydaan innaba furan nafta gacankudhiigle dhimasho lagu xukumay, laakiinse hubaal waa in la dilaa.
故殺人、犯死罪的,你們不可收贖價代替他的命;他必被治死。
32 Oo weliba waa inaydaan furan kii ku cararay magaaladiisa magangalka ah, si uu ugu noqdo oo uu u dego dalkiisa ilamaa uu wadaadka sare dhinto.
那逃到逃城的人,你們不可為他收贖價,使他在大祭司未死以先再來住在本地。
33 Dalka aad deggan tihiin waa inaydaan nijaasayn, waayo, dhiigu dalka waa nijaaseeyaa, oo dalka dhiiggii lagu dhex daadshay wax loogu kafaaro gudi karo lama arko, dhiigga kii daadshay mooyaane.
這樣,你們就不污穢所住之地,因為血是污穢地的;若有在地上流人血的,非流那殺人者的血,那地就不得潔淨。
34 Oo waa inaydaan nijaasayn dalka aad dhex deggan tihiin, oo anna aan dhexdiisa degganahay, waayo, aniga Rabbiga ahu waxaan dhex degganahay reer binu Israa'iil.
你們不可玷污所住之地,就是我住在其中之地,因為我-耶和華住在以色列人中間。」

< Tirintii 35 >