< Tirintii 34 >

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
וידבר יהוה אל משה לאמר׃
2 Reer binu Israa'iil waxaad ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka Kancaan, (kaas oo ah dalka dhaxal idiinku dhici doona oo ah dalka Kancaan siday soohdimihiisu yihiin, )
צו את בני ישראל ואמרת אלהם כי אתם באים אל הארץ כנען זאת הארץ אשר תפל לכם בנחלה ארץ כנען לגבלתיה׃
3 waaxdiinna koonfureed waxay ahaan doontaa cidlada Sin iyo tan iyo dhinaca Edom, oo soohdintiinna koonfureedna waxay ka bilaaban doontaa Badda Cusbada leh darafkeeda bari,
והיה לכם פאת נגב ממדבר צן על ידי אדום והיה לכם גבול נגב מקצה ים המלח קדמה׃
4 oo soohdintiinnuna waxay la soo wareegi doontaa xagga koonfureed oo jiirtii Caqrabbiim, oo waxay u gudbi doontaa ilamaa Sin, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Qaadeesh Barneeca xaggeeda koonfureed, oo waxay u sii bixi doontaa xagga Hasar Addaar, oo waxay u sii dhaafi doontaa ilaa Casmoon.
ונסב לכם הגבול מנגב למעלה עקרבים ועבר צנה והיה תוצאתיו מנגב לקדש ברנע ויצא חצר אדר ועבר עצמנה׃
5 Oo soohdintu waxay la soo wareegi doontaa Casmoon ilaa tan iyo durdurka Masar, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa xagga badda.
ונסב הגבול מעצמון נחלה מצרים והיו תוצאתיו הימה׃
6 Oo soohdinta galbeedna waxaad yeelan doontaan badda weyn iyo soohdinteedaba. Intaasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna galbeed.
וגבול ים והיה לכם הים הגדול וגבול זה יהיה לכם גבול ים׃
7 Oo intanuna waxay ahaan doontaa soohdintiinna woqooyi, waxaad ka tilmaansataan badda weyn ilaa tan iyo Buur Xor.
וזה יהיה לכם גבול צפון מן הים הגדל תתאו לכם הר ההר׃
8 Oo Buur Xorna waxaad ka tilmaansataan ilaa tan iyo meesha Hamaad laga galo, oo soohdinta dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Sedaad.
מהר ההר תתאו לבא חמת והיו תוצאת הגבל צדדה׃
9 Oo soohdintu waxay u bixi doontaa xagga Sifron, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Hasar Eenaan. Taasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna woqooyi.
ויצא הגבל זפרנה והיו תוצאתיו חצר עינן זה יהיה לכם גבול צפון׃
10 Oo soohdintiinna barina waxaad ka tilmaansataan Hasar Eenaan ilamaa tan iyo Shefaam.
והתאויתם לכם לגבול קדמה מחצר עינן שפמה׃
11 Oo soohdintu waxay hoos uga dhaadhici doontaa Shefaam iyo ilamaa Riblaah oo ah Cayn xaggeeda bari, oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa oo gaadhi doontaa badda Kinnered dhinaceeda bari.
וירד הגבל משפם הרבלה מקדם לעין וירד הגבול ומחה על כתף ים כנרת קדמה׃
12 Oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa Webi Urdun oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Badda Cusbada leh. Intaasu waxay ahaan doontaa dalkiinna siday soohdimihiisu u wareegsan yihiin.
וירד הגבול הירדנה והיו תוצאתיו ים המלח זאת תהיה לכם הארץ לגבלתיה סביב׃
13 Markaasaa Muuse amray reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Waa kan dalka aad saamiga ku dhaxli doontaan oo Rabbigu amray in la siiyo sagaalka qabiil iyo qabiilka badhkiis,
ויצו משה את בני ישראל לאמר זאת הארץ אשר תתנחלו אתה בגורל אשר צוה יהוה לתת לתשעת המטות וחצי המטה׃
14 waayo, qabiilkii Ruubeen sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Gaad sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Manaseh badhkiis horay u heleen dhaxalkoodii.
כי לקחו מטה בני הראובני לבית אבתם ומטה בני הגדי לבית אבתם וחצי מטה מנשה לקחו נחלתם׃
15 Labadaas qabiil iyo qabiilka badhkiis waxay dhaxalkoodii u heleen Webi Urdun shishadiisa, ee Yerixoo barigeeda ah, xagga qorrax ka soo baxa.
שני המטות וחצי המטה לקחו נחלתם מעבר לירדן ירחו קדמה מזרחה׃
16 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
וידבר יהוה אל משה לאמר׃
17 Nimanka dalka dhaxal idiinku qaybin doonaa magacyadoodii waa kuwan: wadaadka Elecaasaar ah iyo Yashuuca ina Nuun.
אלה שמות האנשים אשר ינחלו לכם את הארץ אלעזר הכהן ויהושע בן נון׃
18 Oo qabiil kastana waa inaad amiir kala soo baxdaan inay dalka dhaxal u kala qaybiyaan.
ונשיא אחד נשיא אחד ממטה תקחו לנחל את הארץ׃
19 Oo nimankaas magacyadoodiina waa kuwan: qabiilka reer Yahuudah kala soo baxa Kaaleeb ina Yefunneh.
ואלה שמות האנשים למטה יהודה כלב בן יפנה׃
20 Qabiilka reer Simecoonna, Shemuu'eel ina Cammiihuud.
ולמטה בני שמעון שמואל בן עמיהוד׃
21 Qabiilka reer Benyaamiinna, Eliidaad ina Kisloon.
למטה בנימן אלידד בן כסלון׃
22 Qabiilka reer Daanna waxaad kala baxdaan amiir, kaas oo ah Buqii ina Yaaglii.
ולמטה בני דן נשיא בקי בן יגלי׃
23 Reer Yuusufna, qabiilka reer Manaseh waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Xannii'eel ina Eefod.
לבני יוסף למטה בני מנשה נשיא חניאל בן אפד׃
24 Qabiilka reer Efrayimna waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Qemuu'eel ina Shiftaan.
ולמטה בני אפרים נשיא קמואל בן שפטן׃
25 Qabiilka reer Sebulunna waxaad kala baxdaan amiir, kaas oo ah Eliisaafaan ina Farnaag.
ולמטה בני זבולן נשיא אליצפן בן פרנך׃
26 Qabiilka reer Isaakaarna waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Faltii'eel ina Casaan.
ולמטה בני יששכר נשיא פלטיאל בן עזן׃
27 Qabiilka reer Aasheerna waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Axiihuud ina Shelomii.
ולמטה בני אשר נשיא אחיהוד בן שלמי׃
28 Qabiilka Naftaalina waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Fedaheel ina Cammiihuud.
ולמטה בני נפתלי נשיא פדהאל בן עמיהוד׃
29 Kuwaasu waa inta Rabbigu ku amray inay reer binu Israa'iil dhaxalka ugu qaybiyaan dalka Kancaan.
אלה אשר צוה יהוה לנחל את בני ישראל בארץ כנען׃

< Tirintii 34 >