< Tirintii 33 >
1 Reer binu Israa'iil sodcaalladoodii waa kuwan markay gacanta Muuse iyo Haaruun koox koox ugaga soo bexeen dalkii Masar.
Hizi ndizo safari za wana wa Israeli hapo walipotoka katika nchi ya Misri pamoja na makundi yao ya kijeshi chini ya uongozi wa Musa na Haruni.
2 Oo Muuse wuxuu amarka Rabbiga ugu qoray bixitimmadoodii sidii sodcaalladoodu ahaayeen, oo sodcaalladoodii sidii bixitimmadoodu ahaayeen waa kuwan.
Musa aliandika maeneo yote tangu walipoondoka mpaka walipofika, kama alivyoamuriwa na BWANA. Hizi ndizo safari zao kama kutoka kwao kulivyokuwa kwa kila walipotoka.
3 Oo bishii kowaad maalinteedii shan iyo tobnaad ayay Racmeses ka guureen. Habeenkii Kormaridda maalintii ka dambaysay ayay reer binu Israa'iil gacan sarraysa ku bexeen iyadoo Masriyiintii oo dhammu ay u jeedaan,
Mwezi wa kwanza walisafiri kutoka Ramesi, waliondoka siku ya kumi na tano. Asubuhi siku iliyofuata baada ya Pasaka, Wana wa Israeli waliondoka wazi wazi, mbele ya machoya Wamisri wote.
4 intii Masriyiintu ay aasayeen curadyadoodii uu Rabbigu ku dhex laayay oo dhan. Oo ilaahyadoodiina Rabbigu xukummo buu ku soo dejiyey.
Hii ilitokea wakati Wamisiri walipokuwa wakizika wazaliwa wao wa kwanza, ambao BWANA alikuwa amewaua miongoni mwao, kwa kuwa pia alikuwa ameiadhibu miungu yao.
5 Oo reer binu Israa'iil Racmeses bay ka guureen, oo waxay degeen Sukod.
Wana wa Israeli walisafiri kutoka Ramesi na kuweka kambi
6 Oo Sukodna way ka guureen, oo waxay degeen Eetaam oo ku taal cidlada darafkeeda.
Sukothi. Walisafiri toka Sukothi na kuweka kambi Ethamu, mwisho wa nyika.
7 Oo haddana Eetaam bay ka guureen, oo waxay dib ugu noqdeen Fiihaahiirod oo ku hor taal Bacal Sefoon; kolkaasay degeen Migdol horteeda.
Wakasafiri kutoka Ethamu wakarudi mpaka Pi-Hahirothi, ambayo inaikabili Baali Zephoni, ambapo waliweka kambi kuikabili Migidoli
8 Oo Haxiirod horteedana way ka guureen, oo badday dhex mareen oo waxay gaadheen cidlada, oo cidladii Eetaam ayay saddex maalmood socodkood ku dhex socdeen, kolkaasay Maaraah degeen.
Kisha wakasafiri toka mkabala wa Pi-Hairothi na kupita katikati ya bahari kuelekea nyikani. Wakasafiri safari ya siku tatu katika nyika ya Ethamu na kuweka kambi Mara.
9 Oo Maaraahna way ka guureen, oo waxay yimaadeen Eelim, oo Eelim waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah iyo toddobaatan geed oo timir ah, kolkaasay halkaas degeen.
Wakasafiri kutoka Mara kufika Elimu. Pale Elimu kulikuwa na chemichemi kumi na mbili za maji na miti sabini ya mitende. hapo ndipo walipoweka kambi.
10 Oo haddana Eelim way ka guureen, oo waxay degeen Badda Cas agteeda.
Walisafiri kutoka Elimu na kuweka kambi karibu na Bahari ya Shamu.
11 Oo Badda Cas way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidlada Siin la yidhaahdo.
Walisafiri kutoka Bahari ya Shamu na kuweka kambi katika nyika ya Sini.
12 Oo cidladii Siinna way ka guureen, kolkaasay degeen Daafqaah.
Walisafiri kutoka nyika ya Sini na kuweka kambi Dofka.
13 Oo Daafqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Aaluush.
Wakasafiri kutoka Dofka na kuweka kambi Alushi.
14 Oo Aaluushna way ka guureen, oo waxay degeen Refiidiim, meeshaas oo aan lahayn biyo ay dadku cabbaan.
Wakasafiri kutoka Alushi na kuweka kambi Refidimu, ambapo watu walikosa maji ya kunywa.
15 Oo Refiidiimna way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidladii Siinay.
Walisafiri kutoka Refidimu na kuweka kambi kwenye nyika ya Sinai.
16 Oo cidladii Siinayna way ka guureen, kolkaasay degeen Qibrood Xatawaah.
Walisafiri kutoka nyika ya Sinai na kuweka kambi Kibrothi Hataava.
17 Oo Qibrood Xatawaahna way ka guureen, kolkaasay degeen Xaseerood.
Walisafiri kutoka Kibrothi Hataava na kuweka kambi Hazerothi.
18 Oo Xaseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Ritmaah.
Walisafiri kutoka Hazerothi na kuweka kambi Rithima.
19 Oo Ritmaahna way ka guureen, oo waxay degeen Rimmon Feres.
Walisafiri kutoka Rithima na kuweka kambi Rimoni Perezi.
20 Oo Rimmon Feresna way ka guureen, oo waxay degeen Libnaah.
Walisafiri kutoka Rimoni Perezi na kuweka kambi Libna.
21 Oo Libnaahna way ka guureen, oo waxay degeen Risaah.
Walisafiri kutoka Libna na kuweka kambi Risa.
22 Oo Risaahna way ka guureen, oo waxay degeen Qeheelaataah.
Walisafiri kutoka Risa na kuweka kambi Kehelatha.
23 Oo Qeheelaataahna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Shefer.
Walisafiri kutoka Kehelatha na kuweka kambi kwenye Mlima Sheferi.
24 Oo haddana Buur Shefer way ka guureen, oo waxay degeen Xaraadaah.
Walisafiri kutoka Mlima Sheferi na kuweka kambi Harada.
25 Oo Xaraadaahna way ka guureen, oo waxay degeen Maqheelod.
Walisafiri kutoka Harada na kuweka kambi Makelothi.
26 Oo Maqheelodna way ka guureen, oo waxay degeen Taxad.
Walisafiri kutoka Makelothi na kuweka kambi Tahathi.
27 Oo Taxadna way ka guureen, oo waxay degeen Terax.
Walisafiri kutoka Ttahalathi na kuweka kambi Tera.
28 Oo Teraxna way ka guureen, oo waxay degeen Mitqaah.
Walisafiri kutokaTera na kuweka kambi Mithika.
29 Oo Mitqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Xashmonaah.
Walisafiri kutoka Mithika na kuweka kambi Hashimona.
30 Oo Xashmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Mooseerood.
Walisafiri kutoka Hashimona na kuweka kambi Moserothi.
31 Oo Mooseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Bini Yacaqaan.
Walisafiri kutoka Moserothi na kuweka kambi Bene Jaakani.
32 Oo Bini Yacaqaanna way ka guureen, oo waxay degeen Xor Haggidgaad.
Walisafiri kutoka Bene Jaakani na kuweka kambi Hori Hagidigadi.
33 Oo Xor Haggidgaadna way ka guureen, oo waxay degeen Yaatbaataah.
Walisafiri kutoka Hori Hagidigadi na kuweka kambi Jotibatha.
34 Oo haddana Yaatbaataah way ka guureen, oo waxay degeen Cabronaah.
Walisafiri kutoka Jotibatha na kuweka kambi Abrona.
35 Oo Cabronaahna way ka guureen, oo waxay degeen Cesyoon Geber.
Walisafiri kutoka Abrona na kuweka kambi Ezioni Geberi.
36 Oo Cesyoon Geberna way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Sin (taasoo ah Qaadeesh).
Walisafiri toka Ezioini Geberi na kuweka kambi katika nyika ya Sini kule Kadeshi.
37 Oo Qaadeeshna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Xor oo ku taal dalka reer Edom darafkiisa.
Walisafiri kutoka Kadeshi na kuweka kambi Mlima Hori, Pembezoni mwa nchi ya Edomu.
38 Markaasaa wadaadkii Haaruun ahaa wuxuu Buur Xor ku fuulay amarka Rabbiga, oo halkaasuu ku dhintay sannaddii afartanaad bishii shanaad maalinteedii kowaad markay reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed.
Hapo ndipo Haruni kuhani alipoenda kwenye Mlima Hori kwa amri ya BWANA na kufa kule mwaka wa arobaini bada ya Wisraeli kutoka katika nchi ya Misri, katika siku ya kwanza ya mwezi wa tano.
39 Haaruunna markuu Buur Xor ku dhintay wuxuu jiray boqol iyo saddex iyo labaatan sannadood.
Haruni alikuwa na umri wa mika 123 alipokufa pale juu ya Mlima Hori.
40 Oo boqorkii Caraad oo reer Kancaan ahaa oo degganaa xagga koonfureed ee dalka reer Kancaan wuxuu maqlay in reer binu Israa'iil soo socdaan.
Wakanaani, mfalme wa Aradi, ambao waliishi kusini mwa nyika katika nchi ya Kanaani, walisikia juu ya ujio wa wana wa Israeli.
41 Oo waxay ka guureen Buur Xor, kolkaasay degeen Salmonaah.
Walisafiri kutika Mlima Hori n a kuweka kambi Zalimona.
42 Oo Salmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Fuunon.
Walisafiri kutoka Zalimona na kuweka kambi Punoni.
43 Oo Fuunonna way ka guureen, oo waxay degeen Obod.
Walisafiri kutoka Punoni na kuweka kambi Obothi.
44 Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim, oo ku taal soohdinta dalka Moo'aab.
Walisafiri kutoka Obothi na kuweka kambi Abarimu, katika mpaka wa Moabu.
45 Oo Ciyiimna way ka guureen, oo waxay degeen Diibon Gaad.
Walisafiri kutoka Abarimu na kuweka kambi Diboni Gadi.
46 Oo Diibon Gaadna way ka guureen, oo waxay degeen Calmoon Diblaatayimaah.
Walisafiri kutoka Diboni Gadi na kuweka kambi Alimoni Diblathaimu.
47 Oo Calmoon Diblaatayimaahna way ka guureen, oo waxay degeen buuraha Cabaariim oo Neboo ku hor yaal.
Walisafiri kutoka Alimoni Diblathaimu na kuweka kambi kwenye milima ya Abarimu mkabala na Nebo.
48 Oo haddana buurihii Cabaariim way ka guureen, oo waxay degeen bannaanka dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhow ee Yerixoo ka soo hor jeeda.
Walisafiri kutoka mlima wa Abarimuna kuweka kambi kwenye nyanda za Moabu karibu na Yorodani huko Yeriko.
49 Oo haddana waxay degeen Webi Urdun agtiisa tan iyo Beytyeshimood iyo xataa tan iyo Aabeel Shitiim oo ku yaal bannaanka dalka Moo'aab.
Waliweka kambi karibu na Yorodani, kutoka Bethi Jeshimothi mpaka Abeli Shitimu katika nyanda za Moabu.
50 Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,
Hapo BWANA alinenana Musa katika nyanda za Moabu karibu na Yorodani kule Yeriko akasema,
51 Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun gudubtaan oo aad dalka Kancaan gashaan,
“Nena na wana wa Israeli uwaambie. 'Mtakapovuka mto Yorodani kuingia Kanaani,
52 waa inaad dadka dalka deggan oo dhan hortiinna ka eridaan, oo aad dhagaxyadooda sawirrada ah oo dhan wada baabbi'isaan, oo aad sanamyadooda la shubay oo dhan wada burburisaan, oo aad meelahooda sarsare oo dhan wada dumisaan.
ndipo mtakapowafukuza wenyeji wote mbele yenu. Mtaziharibu sanamu zote za kuchongwa. Mtaziharibu sanamu zao za kusubu na kuharibu mahali pao pote palipoinuka.
53 Markaas waa inaad dalka hanti ahaan u qaadataan oo aad iska dhex degtaan; waayo, dalka idinkaan idin siiyey inaad lahaataan.
Mtachukua hiyo ardhi iwe mali yenu na muishi ndani yake, kwa sababu nimewapeni hiyo nchi iwe mali yenu.
54 Oo dalka waa inaad qabiil qabiil saami ugu dhaxashaan. Inta badan waxaad siisaan dhaxalka badan, oo inta yarna waxaad siisaan dhaxalka yar. Oo meel alla meeshii nin saami ugu dhaco halkaas isagaa iska lahaanaya, oo sida qabiilooyinkii awowayaashiin yihiin waa inaad u dhaxashaan.
Mtairithi hiyo nchi kwa kupiga kura, kwa kufuata kila ukoo. Kwa zile koo kubwa kubwa mtawapa sehemu kubwa ya ardhi, na kwa zile koo ndogo ndogo mtawapa sehemu ndogo ya ardhi. Kura itakapoanguka kwenye kila ukoo, hiyo ardhi itakuwa mali yake. Mtairithi ardhi kufuata ukoo wa kabilla la jamaa zenu.
55 Laakiinse haddaydnan dadka dalka deggan hortiinna ka eryin, markaas kuwii aad daysaan waxay idinku noqon doonaan sidii wax indhihiinna muda, iyo sidii qodxan dhinacyada idinkaga jira, oo waxay idinku dhibi doonaan dalka aad deggan tihiin.
Lakini kama hamtawafukuza wenyeji wa nchi hiyo watoke mbele yenu, ndipo wale watu mtakaowaruhusu wakae nanyi watakapokuwa kama sindano machoni mwenu na miiba katika mbavu zenu. Watayafanya maisha yenu yawe magumu katika nchi mnayoishi.
56 Oo sidii aan ku talaggalay inaan iyaga ku sameeyo ayaan idinka idinku samayn doonaa.
Ndipo itakapotokea kuwa kile ambacho Mimi ninakusudia kufanya kwa wale watu, Nitawafanyia pia ninyi'”