< Tirintii 33 >
1 Reer binu Israa'iil sodcaalladoodii waa kuwan markay gacanta Muuse iyo Haaruun koox koox ugaga soo bexeen dalkii Masar.
以下是以色列子民在梅瑟和亞郎指揮下,分隊出離埃及國後所行的路程。
2 Oo Muuse wuxuu amarka Rabbiga ugu qoray bixitimmadoodii sidii sodcaalladoodu ahaayeen, oo sodcaalladoodii sidii bixitimmadoodu ahaayeen waa kuwan.
梅瑟記錄了他們遵上主的命啟營的出發點。以下是他們依次出發的行程:
3 Oo bishii kowaad maalinteedii shan iyo tobnaad ayay Racmeses ka guureen. Habeenkii Kormaridda maalintii ka dambaysay ayay reer binu Israa'iil gacan sarraysa ku bexeen iyadoo Masriyiintii oo dhammu ay u jeedaan,
他們於正月十五日由辣默色斯起程,即在逾越節第二日,以色列子民大膽地、當著眾埃及人的面出走了,
4 intii Masriyiintu ay aasayeen curadyadoodii uu Rabbigu ku dhex laayay oo dhan. Oo ilaahyadoodiina Rabbigu xukummo buu ku soo dejiyey.
其時埃及人正在埋葬上主在他們中所擊殺的一切長子;上主也懲罰了他們的神祇。
5 Oo reer binu Israa'iil Racmeses bay ka guureen, oo waxay degeen Sukod.
以色列子民由辣默色斯起程,在酥苛特紮營。
6 Oo Sukodna way ka guureen, oo waxay degeen Eetaam oo ku taal cidlada darafkeeda.
由穌苛特起程,在位於曠野邊界的厄堂紮營。
7 Oo haddana Eetaam bay ka guureen, oo waxay dib ugu noqdeen Fiihaahiirod oo ku hor taal Bacal Sefoon; kolkaasay degeen Migdol horteeda.
由厄堂起程,轉向巴耳責豐的丕哈希洛特,在米革多耳對面紮營。
8 Oo Haxiirod horteedana way ka guureen, oo badday dhex mareen oo waxay gaadheen cidlada, oo cidladii Eetaam ayay saddex maalmood socodkood ku dhex socdeen, kolkaasay Maaraah degeen.
由丕哈希洛特起程,由海中經過進入曠野,在厄堂曠野中行了三天的路,然後在瑪辣紮營。
9 Oo Maaraahna way ka guureen, oo waxay yimaadeen Eelim, oo Eelim waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah iyo toddobaatan geed oo timir ah, kolkaasay halkaas degeen.
由瑪辣起程,來到厄林。在厄林有十二水泉和七十株棕櫚樹,就在那裡紮營。
10 Oo haddana Eelim way ka guureen, oo waxay degeen Badda Cas agteeda.
由厄林起程,在紅海旁紮營。
11 Oo Badda Cas way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidlada Siin la yidhaahdo.
由紅海起程,在欣曠野紮營。
12 Oo cidladii Siinna way ka guureen, kolkaasay degeen Daafqaah.
由欣曠野啟程,在多弗卡紮營。
13 Oo Daafqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Aaluush.
由多弗卡起程,在阿路士紮營。
14 Oo Aaluushna way ka guureen, oo waxay degeen Refiidiim, meeshaas oo aan lahayn biyo ay dadku cabbaan.
由阿路士起程,在勒非丁紮營;民眾在這裡沒有水喝。
15 Oo Refiidiimna way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidladii Siinay.
由勒非丁起程,在西乃曠野裡紮營。
16 Oo cidladii Siinayna way ka guureen, kolkaasay degeen Qibrood Xatawaah.
由西乃曠野起程,在克貝洛特哈塔瓦紮營。
17 Oo Qibrood Xatawaahna way ka guureen, kolkaasay degeen Xaseerood.
由克貝洛特哈塔瓦起程,在哈責洛特紮營。
18 Oo Xaseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Ritmaah.
由哈責洛特起程,在黎特瑪紮營。
19 Oo Ritmaahna way ka guureen, oo waxay degeen Rimmon Feres.
由黎特瑪起程,在黎孟培勒茲紮營。
20 Oo Rimmon Feresna way ka guureen, oo waxay degeen Libnaah.
由黎孟培勒茲起程,在里貝納紮營。
21 Oo Libnaahna way ka guureen, oo waxay degeen Risaah.
由里貝納起程,在黎撒紮營。
22 Oo Risaahna way ka guureen, oo waxay degeen Qeheelaataah.
由黎撒起程,在刻黑拉達紮營。
23 Oo Qeheelaataahna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Shefer.
由刻黑拉達起程,在舍斐爾山紮營。
24 Oo haddana Buur Shefer way ka guureen, oo waxay degeen Xaraadaah.
由舍斐爾山起程,在哈辣達紮營。
25 Oo Xaraadaahna way ka guureen, oo waxay degeen Maqheelod.
由哈辣達起程,在瑪刻黑羅特紮營。
26 Oo Maqheelodna way ka guureen, oo waxay degeen Taxad.
由瑪刻黑羅特起程,在塔哈特紮營。
27 Oo Taxadna way ka guureen, oo waxay degeen Terax.
由塔哈特起程,在特辣黑紮營。
28 Oo Teraxna way ka guureen, oo waxay degeen Mitqaah.
由特辣黑起程,在米特卡紮營。
29 Oo Mitqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Xashmonaah.
由米特卡起程,在哈市摩納紮營。
30 Oo Xashmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Mooseerood.
由哈市摩納起程,在摩色爾紮營。
31 Oo Mooseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Bini Yacaqaan.
由摩色爾起程,在貝乃雅干紮營。
32 Oo Bini Yacaqaanna way ka guureen, oo waxay degeen Xor Haggidgaad.
由貝乃雅干起程,在曷爾哈基加得紮營。
33 Oo Xor Haggidgaadna way ka guureen, oo waxay degeen Yaatbaataah.
由曷爾哈基加得起程,在約特巴達紮營。
34 Oo haddana Yaatbaataah way ka guureen, oo waxay degeen Cabronaah.
由約特巴達起程,在阿貝洛納紮營。
35 Oo Cabronaahna way ka guureen, oo waxay degeen Cesyoon Geber.
由阿貝洛納起程,在厄茲雍革貝爾紮營。
36 Oo Cesyoon Geberna way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Sin (taasoo ah Qaadeesh).
由厄茲雍革貝爾起程,在親曠野,即卡德士紮營。
37 Oo Qaadeeshna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Xor oo ku taal dalka reer Edom darafkiisa.
由卡德士起程,在位於厄東地邊界上的曷爾山下紮營。
38 Markaasaa wadaadkii Haaruun ahaa wuxuu Buur Xor ku fuulay amarka Rabbiga, oo halkaasuu ku dhintay sannaddii afartanaad bishii shanaad maalinteedii kowaad markay reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed.
亞郎大司祭依上主的命,上了曷爾山,死在那裡,時在以色列子民出埃及國後四十年五月初一日。
39 Haaruunna markuu Buur Xor ku dhintay wuxuu jiray boqol iyo saddex iyo labaatan sannadood.
亞郎死在曷爾山上時,已一百二十三歲。
40 Oo boqorkii Caraad oo reer Kancaan ahaa oo degganaa xagga koonfureed ee dalka reer Kancaan wuxuu maqlay in reer binu Israa'iil soo socdaan.
其時住在客納罕南部的客納罕人王阿辣得聽說以色列子民來了。
41 Oo waxay ka guureen Buur Xor, kolkaasay degeen Salmonaah.
它們再由曷爾山下起程,在匝耳摩納紮營。
42 Oo Salmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Fuunon.
由匝耳摩納起程,在普農紮營。
43 Oo Fuunonna way ka guureen, oo waxay degeen Obod.
由普農起程,在敖波特紮營。
44 Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim, oo ku taal soohdinta dalka Moo'aab.
由敖波特起程,在位於摩阿布邊境的依因阿巴陵紮營。
45 Oo Ciyiimna way ka guureen, oo waxay degeen Diibon Gaad.
由依因起程,在狄朋加得紮營。
46 Oo Diibon Gaadna way ka guureen, oo waxay degeen Calmoon Diblaatayimaah.
由狄朋加得起程,在阿耳孟狄貝拉塔因紮營。
47 Oo Calmoon Diblaatayimaahna way ka guureen, oo waxay degeen buuraha Cabaariim oo Neboo ku hor yaal.
由阿耳孟狄貝拉塔因起程,在乃波前面的阿巴陵山地內紮營。
48 Oo haddana buurihii Cabaariim way ka guureen, oo waxay degeen bannaanka dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhow ee Yerixoo ka soo hor jeeda.
由阿巴陵山地起程,在耶里哥對面,約但河邊,摩阿布曠野紮營;
49 Oo haddana waxay degeen Webi Urdun agtiisa tan iyo Beytyeshimood iyo xataa tan iyo Aabeel Shitiim oo ku yaal bannaanka dalka Moo'aab.
他們在摩阿布曠野裡,沿著約但河邊紮營,由貝特耶史摩特直到阿貝耳史廷。
50 Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,
在耶里哥對面,約但河邊,摩阿布曠野內,上主訓示梅瑟說:「
51 Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun gudubtaan oo aad dalka Kancaan gashaan,
你告訴以色列子民說:你們幾時過了約但,進入客納罕地,
52 waa inaad dadka dalka deggan oo dhan hortiinna ka eridaan, oo aad dhagaxyadooda sawirrada ah oo dhan wada baabbi'isaan, oo aad sanamyadooda la shubay oo dhan wada burburisaan, oo aad meelahooda sarsare oo dhan wada dumisaan.
應由你們面前驅逐當地所有的居民,應毀壞他們的一切偶像,應打碎他們的一切鑄像,應鏟除他們的一切丘壇。
53 Markaas waa inaad dalka hanti ahaan u qaadataan oo aad iska dhex degtaan; waayo, dalka idinkaan idin siiyey inaad lahaataan.
你們要佔領那地方,住在那裡,因為我已將那裡給了你們叫你們佔有。
54 Oo dalka waa inaad qabiil qabiil saami ugu dhaxashaan. Inta badan waxaad siisaan dhaxalka badan, oo inta yarna waxaad siisaan dhaxalka yar. Oo meel alla meeshii nin saami ugu dhaco halkaas isagaa iska lahaanaya, oo sida qabiilooyinkii awowayaashiin yihiin waa inaad u dhaxashaan.
你們要按支派抽籤分配那地方:人數多的多給,人數少的少給。誰的籤落在那裡,那裡就屬於他。你們依照宗祖支派分配你們的產業。
55 Laakiinse haddaydnan dadka dalka deggan hortiinna ka eryin, markaas kuwii aad daysaan waxay idinku noqon doonaan sidii wax indhihiinna muda, iyo sidii qodxan dhinacyada idinkaga jira, oo waxay idinku dhibi doonaan dalka aad deggan tihiin.
但如果你們不把當地的居民由你們面前驅逐,那留下的居民,必要成為你們的眼中刺,腰間針,在你們住的地方內迫害你們;
56 Oo sidii aan ku talaggalay inaan iyaga ku sameeyo ayaan idinka idinku samayn doonaa.
並且我打算了怎樣對待他們,也要怎樣對待你們。」