< Tirintii 30 >

1 Kolkaasaa Muuse madaxdii qabiilooyinka reer binu Israa'iil la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Intanu waa wixii Rabbigu amray.
Musa ya ce wa shugabannin kabilan Isra’ila, “Ga abin da Ubangiji ya umarta.
2 Markii nin Rabbiga nidar u nidro, amase uu dhaar ugu dhaarto oo uu naftiisa sidaas ugu xidho, waa inuusan eraygiisa jebin. Waa inuu sameeyaa kulli wixii afkiisa ka soo baxay oo dhan.
Sa’ad da mutum ya yi wa Ubangiji alkawari, ko kuwa ya rantse zai yi wani abu, kada yă ƙi cika maganarsa, amma yă cika kome da ya faɗa.
3 Qof dumar ahuna markay Rabbiga nidar u nidarto oo ay sidaas nafteeda ugu xidho, oo ay gurigii aabbaheed joogto iyadoo dhallinyaro ah,
“Sa’ad da yarinya, wadda har yanzu tana a gidan mahaifinta ta yi wa Ubangiji alkawari, ko ta rantse za tă yi wani abu,
4 haddii aabbaheed maqlo nidarkeeda iyo dhaarteedii ay nafteeda ku xidhay, oo uu markaas iska aamuso, de markaas nidarradeedii oo dhammu way taagnaan doonaan, oo dhaar kastoo ay nafteeda ku xidhayna waa taagnaan doontaa.
mahaifinta kuwa ya ji alkawarin da ta yi, bai kuma ce mata kome ba, to, sai alkawarin da ta yi da wa’adinta su tabbata.
5 Laakiinse haddii aabbaheed u diido maalintii uu maqlo, nidarradeedii iyo dhaaraheedii ay nafteeda ku xidhay midkoodna taagnaan maayo, oo Rabbiguna wuu cafiyayaa iyada, maxaa yeelay, aabbaheed baa u diiday.
Amma in mahaifinta ya hana ta, sa’ad da ya ji game da shi, to, ba wani daga cikin alkawari ko rantsuwar da ta yi zai tabbata; Ubangiji kuwa zai gafarta mata domin maihaifinta ya hana ta.
6 Oo hadday nin leedahay iyadoo ay kor saaran yihiin nidarradeedii iyo hadalkii degdegga ahaa oo bushimaheeda ka baxay oo ay nafteeda ku xidhay,
“In ta yi aure, sai daga baya ta yi alkawari ko kuwa leɓunanta sun furta alkawari da garaje, cewa za tă yi wani abu,
7 haddii ninkeedu maqlo oo uu iska aamuso maalintii uu maqlo, markaas nidarradeedii way taagnaan doonaan, oo dhaaraheedii ay nafteeda ku xidhayna way taagnaan doonaan.
mijinta kuwa ya ji game da wannan, amma bai ce mata kome ba, to, alkawarin da ta yi da kuma rantsuwar da ta yi, su tabbata.
8 Laakiinse haddii ninkeedu u diido maalintii uu maqlo, markaasuu burin doonaa nidarkii saarnaa iyo hadalkii degdegga ahaa oo bushimaheeda ka baxay oo ay nafteeda ku xidhay; oo Rabbiguna iyada wuu cafiyi doonaa.
Amma in mijin ya hana ta sa’ad da ya ji, zai warware alkawari da kuma rantsuwar da ta yi da garaje, Ubangiji kuwa zai gafarce ta.
9 Laakiinse carmal laga dhintay, amase tii la furay, nidarkeeda iyo xataa waxa kastoo ay nafteeda ku xidhayba way taagnaan doonaan.
“Duk wani alkawari ko rantsuwar da gwauruwa, ko macen da aurenta ya mutu, ta yi, zai tabbata a kanta.
10 Oo hadday nidar gasho ama ay nafteeda dhaar ku xidho iyadoo guriga ninkeeda joogta,
“In macen aure ta yi alkawari, ko ta rantse za tă yi wani abu,
11 oo haddii ninkeedu maqlo oo uu iska aamuso ee uusan iyada u diidin, markaas nidarradeedii oo dhammu way taagnaan doonaan, oo dhaar kastoo ay nafteeda ku xidhayna way taagnaan doontaa.
mijinta kuwa ya ji game da wannan, amma bai ce mata kome ba, bai kuma hana ta ba, to, dukan alkawari da kuma rantsuwar da ta yi su tabbata a kanta.
12 Laakiinse haddii ninkeedu uu iyaga buriyo maalintii uu maqlay, markaas wax alla wixii bushimaheeda ka soo baxay oo nidarradeeda ku saabsan amase ku saabsan dhaartii ay nafteeda ku xidhay ma ay taagnaan doonaan, waayo, ninkeedii baa buriyey, oo Rabbiguna wuu cafiyi doonaa iyada.
Amma in mijin ya warware su sa’ad da ya ji, to, ba wani alkawari ko rantsuwar da ya fito daga leɓunanta da zai tabbata. Mijinta ya warware su, Ubangiji kuma zai gafarce ta.
13 Nidar kasta iyo dhaar kasta oo nafta lagu xidho in lagu dhibo aawadeed, ninkeedaa adkayn kara ama ninkeedaa burin kara.
Mijinta yana iya tabbatar, ko yă rushe duk wani alkawari ko rantsuwar da ta ɗauka.
14 Laakiinse haddii ninkeedu maalin ka maalin ka aamuso iyada, markaas wuu adkeeyaa nidarradeedii oo dhan iyo dhaaraheedii iyada saarnaa oo dhan. Wuu adkeeyey, maxaa yeelay, wuu isaga aamusay maalintii uu maqlay.
Amma in mijinta bai ce mata kome ba, to, ya tabbatar da dukan alkawarinta da kuma rantsuwarta ke nan. Ya tabbatar da su ta wurin yin shiru sa’ad da ya ji ta.
15 Laakiinse hadduu buriyo markuu maqlay dabadeed, de markaas isagaa qaadaya dembigeedii.
Amma in ya ji, sa’an nan daga baya ya hana ta, to, zai sha hukuncin laifinta.”
16 Kuwanu waa qaynuunnadii Rabbigu ku amray Muuse, ee u dhexeeya nin iyo naagtiis, oo u dhexeeya aabbe iyo gabadhiis dhallinyaro ah oo guriga aabbaheed joogta.
Waɗannan su ne ƙa’idodin da Ubangiji ya ba wa Musa game da dangantakar miji da matarsa, da kuma tsakanin mahaifi da’yarsa wadda har yanzu tana a gidansa.

< Tirintii 30 >