< Tirintii 29 >
1 Oo bisha toddobaad, maalinteeda kowaad, waa inaad yeelataan shir quduus ah; oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, waayo, waa maalin buunan laydiin afuufo.
Katika siku ya kwanza, ya mwezi wa saba, mtakuwa na kusanyiko takatifu la kumwabudu BWANA. Katika siku hiyo hamtafanya kazi zenu za kila siku. Itakuwa siku ya kupiga matarumbeta.
2 Oo waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,
Mtatoa sadaka ya kuteketezwa ya kufanya harufu nzuri kwa BWANA. Mtatoa sadaka ya fahari mchanga, kondoo dume mmoja na wanakondoo dume saba wa mwaka mmoja, kila mmoja mkamilifu.
3 oo waxaad la bixisaan qurbaankoodii hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burkii tobankii meelood saddex meelood dibiga la bixi, wankana laba meelood,
Pamoja na hao mtatoa sadaka ya unga, unga mwembamba uliochanganywa na mafuta, sehemu tatu za kumi za efa kwa ajili ya huyo fahari, sehemu mbili za kumi kwa ajili ya huyo kondoo mume,
4 oo toddobada wan oo yaryarna wankiiba meel la bixi.
na sehemu ya kumi ya kila hao wanakondoo waume saba.
5 Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan si laydiinku kafaaro gudo,
Na mtatoa beberu mmoja kuwa sadaka ya dhambi ili kufanya upatanisho kwa ajili yenu.
6 oo ayan ku jirin qurbaanka la gubo ee bisha cusub, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, sidii qaynuunkoodu ahaa, kuwaasoo wada ah caraf udgoon ee ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
Toeni hizo sadaka katika mwezi wa saba kama nyongeza ya sadaka mtakazotoa kila mwanzo wa kila mwezi: pamoja na sadaka maalumu za kuteketezwa na sadaka za unga. Hizi zitakuwa nyongeza za sadaka za kuteketezwa za kila siku, na sadaka zake za unga, na sadaka zake za vinywaji. Utakapokuwa ukiendelea na sadaka hizi, utakuwa ukitii kile kilichoamriwa kutoa harufu nzuri, sadaka iliyotengenezwa kwa moto kwa BWANA.
7 Oo bishaas toddobaad, maalinteeda tobnaad, waxaad yeeshaan shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan innaba shuqul samayn cayn kasta ha ahaadee,
Siku ya kumi ya mwezi wa saba, mtakuwa na kusanyiko takatifu la kumwabudu BWANA. Mtajinyeneyekeza na hamtafanya kazi.
8 laakiinse waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn,
Mtatoa sadaka ya kuteketezwa ili kutoa harufu nzuri kwa BWANA. Mtatoa fahari mmoja mchanga ili kutoa harufu nzuri, kondoo mmoja mume, na wanakondoo saba waume wa mwaka mmoja. Wote wakamilifu.
9 oo waxaad la bixisaan qurbaankoodii hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burka tobankii meelood saddex meelood dibiga la bixi, wankana laba meelood,
Pamoja na sadaka hizo utatoa sadaka ya unga, unga mwembamba uliochanganywa na mafuta, sehemu tatu za kumi za efa kwa ajili ya fahari, sehemu mbili za kumi za kondoo dume mmoja,
10 oo toddobada wan oo yaryarna wankiiba meel la bixi.
na sehemu ya kumi ya efa moja kwa kila mwanakondoo wale saba.
11 Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan, oo ayan qurbaanka dembiga oo kafaaraggudka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisii hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahu ku jirin.
Mtatatoa beberu mmoja kuwa sadaka ya upatanisho. Hii itakuwa sadaka ya nyongeza ya upatanisho, ya sadaka ya kila siku ya kuteketezwa, pamoja na sadaka za unga, na sadaka zake za vinywaji.
12 Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, oo waa inaad inta toddoba maalmood ah Rabbiga iid u samaysaan.
Siku ya kumi na tano ya mwezi wa saba, mtakuwa na kusanyiko takatifu lakumwabudu BWANA. Siku hiyo hamtafanya kazi za kila siku, na mtazitunza hizo sikukuu kwa muda wa siku saba kwa ajili ya BWANA.
13 Oo waa inaad bixisaan qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo ah saddex iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay ahaadaan kuwo aan iin lahayn,
Mtatoa sadaka ya kuteketezwa, sadaka iliyotengenezwa kwa moto ilikutoa harufu nzuri kwa BWANA. Mtatoa mafahari wachanga kumi na tatu, kondoo waume wawili, na wanakondoo waume kumi na nne wa mwaka mmoja. Wote wakamilifu.
14 oo waxaad la bixisaan qurbaankooda hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burkii tobankii meelood saddex meelood saddex iyo tobanka dibi midkiiba la bixi, oo labada wan oo waaweynna midkiiba laba meelood la bixi,
Pamoja na hao mtatoa sadaka ya unga, unga mwembaba uliochanganywa na mafuta, sehemu tatu za kumi za efa kwa kila fahari katika hao kumi na tatu, sehemu mbili za kumi kwa kila hao kondoo dume wawili,
15 oo saddex iyo tobanka wan oo yaryarna mid kasta meel la bixi.
na sehemu ya kumi ya efa ya hao wanakondoo kumi na nne.
16 Oo weliba orgi waa inaad u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
Mtatoa beberu mmoja kuwa sadaka ya dhambi katika nyongeza ya sadaka ya kuteketezwa, sadaka yake ya unga, pamoja na sadaka za vinywaji.
17 Oo maalinta labaadna waxaad bixisaan laba iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
Siku ya pili ya kusanyiko, mtatoa mafahari kumi na mbili, kondoo dume wawili na wanakondoo dume kumi na mbili wa umri wa mwaka mmoja, wote wakamilifu.
18 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
Pamoja nao mtatoa sadaka ya unga, na sadaka ya vinywaji kwa ajili ya wale mafahari, kondoo dume, na kwa ajili ya wale wanakondoo, mkitoa sadaka nyingi kama ilvyoamriwa.
19 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
Mtatoa beberu mmoja kuwa sadaka ya dhambi kuwa nyongeza ya sadaka za kila siku, sadaka yake ya unga, na sadaka zake za vinywaji.
20 Oo maalinta saddexaadna waxaad bixisaan kow iyo toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
Siku ya tatu ya kusanyiko, mtatoa sadaka mafahari kumi na moja, kondoo dume wawili, na wanakondoo dume kumi na nne wa umri wa mwaka mmoja, wakamilifu.
21 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
Pamoja na hizo sadaka mtatoa sadaka ya unga na sdaka ya vinywaji kwa wale mafahari, kwa wale kondoo dume, na kwa wale wanakondoo, utoe sadaka nyingi kama ilivyoamriwa.
22 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
Mtatoa sadaka beberu mmoja kuwa sadaka ya dhambi kama nyongeza ya zile sadaka za kila siku, na sadaka zake za unga, na sadaka zake za vinywaji.
23 Oo maalinta afraadna waxaad bixisaan toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
Siku ya nne ya kusanyiko, mtatoa mafahari kumi, kondoo dume wawili, na wanakondoo dume kumi na nne wa mwaka mmoja, wakamilifu.
24 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
Pamoja na sadaka hizo mtatoa sadaka za unga na sdaka za vinywaji kwa wale mafahari, na kwa wale kondoo dume na kwa wale wanakodoo, mtatoa sadaka nyingi kama ilivyoamriwa.
25 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
Mtatoa beberu mmoja kuwa sadaka ya dhambi kuwa nyongeza ya sadaka za kuteketezwa za kila siku, sadaka zake za unga, na sadaka zake za vinywaji
26 Oo maalinta shanaadna waxaad bixisaan sagaal dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
Siku ya tano ya kusanyiko, mtatoa mafahari tisa, kondoo dume wawili, na wanakondoo dume kumi na nne wa mwaka mmoja, wakamilifu.
27 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
Pamoja na sadaka hizo mtatoa sadaka za unga na sadaka ya vinywaji kwa ajili ya wale mafahari, kondoo dume, na wale wanakondoo, mkitoa sdaka nyingi kama ilivyoamriwa.
28 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
Mtatoa beberu mmoja kuwa sadaka ya dhambi kama nyongeza ya sadaka za kuteketezwa za kila siku, na sadaka zake za unga, na sadaka za vinywaji.
29 Oo maalinta lixaadna waxaad bixisaan siddeed dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
Siku ya sita ya kusanyiko, mtatoa mafahari wanane, kondoo dume wawili, na wanakondoo kumi na nne wa mwaka mmoja, wakamilifu.
30 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
Pamoja na sadaka hizo mtatoa sadaka za unga nasadaka za vinywaji kwa wale mafahari, kondoo wa dume na wale wanakondoo, mkitoa sadaka nyingi kama ilivyoamriwa.
31 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
Mtatoa beberu kuwa sadaka ya dhambi kama nyongeza ya sadaka za kila siku za kuteketezwa, sadaka zadaka zake za unga, na sadaka zake za vinywaji.
32 Oo maalinta toddobaadna waxaad bixisaan toddoba dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
Siku ya saba ya kusanyiko, mtatoa mafahari saba, kondoo dume saba, na wanakondoo dume kumi na nne wa mwaka mmoja, wakamilifu.
33 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
Pamoja nao mtataengeneza sadaka ya unga na sadaka ya vinywaji kwa ajili ya wale mafahari, na kondoo dume, na kwa wale wanakondoo, mkitoa sadaka nyingi kama ilivyoamriwa.
34 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
Mtatoa beberu mmoja kuwa sadaka ya dhambi kama nyongeza ya sadaka ya kuteketezwa ya kila siku, na sadaka yake ya unga, na sadaka yake ya vinywaji.
35 Oo maalinta siddeedaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn,
Siku ya nane mtakuwa na kusanyiko lingine makini. Hamtafanya kazi zenu za kila siku.
36 laakiinse waxaad bixisaan qurbaan la gubo, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon, oo waa dibi iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
Mtafanya sadaka za kuteketezwa, sadaka iliyotengenezwa kwa moto ili kutoa harufu nzuri kwa BWANA. Mtatoa fahari mmoja, kondoo mmoja dume, na wanakondoo saba dume wa umri wa mwaka mmoja, wakamilifu.
37 Oo dibiga iyo wanka weyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
Mtatoa sadaka zake za unga na sadaka zake za vinywaji kwa ajili ya yule fahari, kondoo dume, na kwa wale wanakondoo, mkifanya sadaka nyingi kadri ilivyoamriwa.
38 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
Mtatoa beberu mmoja kuwa sadaka ya dhambi kama nyongeza ya sadaka za kila siku, na sadaka zake za unga, na sadaka zake za vinywaji.
39 Kuwaas waa inaad Rabbiga u bixisaan iidihiinna xilligooda, kuwaasoo ayan ku jirin nidarradiinna iyo qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah, kuwaasu waa qurbaannadiinna la gubo, iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah, iyo qurbaannadiinna cabniinka ah, iyo qurbaannadiinna nabaadiinada.
Hivi ndivyo utakavyotoa sadaka kwa BWANA katika sikukuu zenu za kila mwaka. Hivi vitakuwa nyongeza ya viapo vyenu na sadaka zenu za hiari. Mtavitoa hivi kama sadaka zenu za kuteketezwa, sadaka za unga, sadaka za vinywaji, na sadaka za amani.”
40 Oo Muuse wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan.
Musa aliwaambia wana wa Israeli kila kitu ambacho BWANA alikuwa amemwamuru kusema.