< Tirintii 29 >

1 Oo bisha toddobaad, maalinteeda kowaad, waa inaad yeelataan shir quduus ah; oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, waayo, waa maalin buunan laydiin afuufo.
七月にいたりその月の朔日に汝ら聖會を開くべし何の職業をも爲べからず是は汝らが喇叭を吹べき日なり
2 Oo waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,
汝ら燔祭をささげてヱホバに馨しき香をたてまつるべし即ち少き牡牛一匹牡羊一匹當歳の羔羊の全き者七匹を献ぐべし
3 oo waxaad la bixisaan qurbaankoodii hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burkii tobankii meelood saddex meelood dibiga la bixi, wankana laba meelood,
その素祭には麥粉に油を混和たるを用ふべし即ぢ牡牛一匹に十分の三牡羊一匹に十分の二をもちひ
4 oo toddobada wan oo yaryarna wankiiba meel la bixi.
また羔羊には七匹とも羔羊一匹に十分の一を用ふべし
5 Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan si laydiinku kafaaro gudo,
また牡山羊一匹を罪祭に献げて汝らのために贖罪をなすべし
6 oo ayan ku jirin qurbaanka la gubo ee bisha cusub, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, sidii qaynuunkoodu ahaa, kuwaasoo wada ah caraf udgoon ee ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
是は月々の朔日の燔祭とその素祭および日々の燔祭とその素祭と灌祭の外なる者なり是らの物の例にしたがひて之をヱホバにたてまつりて馨しき香の火祭となすべし
7 Oo bishaas toddobaad, maalinteeda tobnaad, waxaad yeeshaan shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan innaba shuqul samayn cayn kasta ha ahaadee,
またその七月の十日に汝ら聖會を開きかつ汝らの身をなやますべし何の職業をも爲べからず
8 laakiinse waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn,
汝らヱホバに燔祭を献げて馨しき香をたてまつるべし即ち少き牡牛一匹牡羊一匹當歳の羔羊七匹是みな全き者なるべし
9 oo waxaad la bixisaan qurbaankoodii hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burka tobankii meelood saddex meelood dibiga la bixi, wankana laba meelood,
その素祭には麥粉に油を混和たるを用ふべし即ち牡牛一匹に十分の三牡羊一匹に十分の二を用ひ
10 oo toddobada wan oo yaryarna wankiiba meel la bixi.
また羔羊には七匹とも羔羊一匹に十分の一を用ふべし
11 Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan, oo ayan qurbaanka dembiga oo kafaaraggudka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisii hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahu ku jirin.
また牡山羊一匹を罪祭に献ぐべし是等は贖罪の罪祭と常燔祭とその素祭と灌祭の外なる者なり
12 Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, oo waa inaad inta toddoba maalmood ah Rabbiga iid u samaysaan.
七月の十五日に汝ら聖會を開くべし何の職業をも爲べからず汝ら七日の間ヱホバに向て節筵を守るべし
13 Oo waa inaad bixisaan qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo ah saddex iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay ahaadaan kuwo aan iin lahayn,
汝ら燔祭を献げてヱホバに馨しき香の火祭をたてまつるべし即ち少き牡牛十三牡羊二匹當歳の羔羊十四是みな全き者なるべし
14 oo waxaad la bixisaan qurbaankooda hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burkii tobankii meelood saddex meelood saddex iyo tobanka dibi midkiiba la bixi, oo labada wan oo waaweynna midkiiba laba meelood la bixi,
その素祭には麥粉に油を混和たるを用ふべし即ちその十三の牡牛には各箇十分の三その二匹の牡羊には各箇十分の二を用ひ
15 oo saddex iyo tobanka wan oo yaryarna mid kasta meel la bixi.
その十四の羔羊には各箇十分の一を用ふべし
16 Oo weliba orgi waa inaad u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
また牡山羊一匹を罪祭に献ぐべし是等は常燔祭およびその素祭と灌祭の外なり
17 Oo maalinta labaadna waxaad bixisaan laba iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
第二日には少き牡牛十二牡羊二匹當歳の羔羊の全き者十四を献ぐべし
18 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
その牡牛と牡羊と羔羊のために用ふる素祭と灌祭はその數に循ひて例のごとくすべし
19 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
また牡山羊一匹を罪祭に献ぐべし是らは常燔祭およびその素祭と灌祭の外なり
20 Oo maalinta saddexaadna waxaad bixisaan kow iyo toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
第三日には少き牡牛十一牡羊二匹當歳の羔羊の全き者十四を献ぐべし
21 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
その牡牛と牡羊と羔羊のために用ふる素祭と灌祭はその數に循ひて例のごとくすべし
22 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
また牡山羊一匹を罪祭に献ぐべし是らは常燔祭およびその素祭と灌祭の外なり
23 Oo maalinta afraadna waxaad bixisaan toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
第四日には少き牡牛十匹牡羊二匹當歳の羔羊の全き者十四を献ぐべし
24 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
その牡牛と牡羊と羔羊のために用ふる素祭と灌祭はその數に循ひて例のごとくすべし
25 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
また牡山羊一匹を罪祭に献ぐべし是等は常燔祭およびその素祭と灌祭の外なり
26 Oo maalinta shanaadna waxaad bixisaan sagaal dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
第五日には少き牡牛九匹牡羊二匹當歳の羔羊の全き者十四を献ぐべし
27 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
その牡牛と牡羊と羔羊のために用ふる素祭と灌祭はその數にしたがひて例のごとくすべし
28 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
また牡山羊一匹を罪祭に献ぐべし是らは常燔祭およびその素祭と灌祭の外なり
29 Oo maalinta lixaadna waxaad bixisaan siddeed dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
第六日には少き牡牛八匹牡羊二匹當歳の羔羊の全き者十四を献ぐべし
30 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
その牡牛と牡羊と羔羊のために用ふる素祭と灌祭はその數にしたがひて例のごとくすべし
31 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
また牡山羊一匹を罪祭に献ぐべし是等は常燔祭およびその素祭と灌祭の外なり
32 Oo maalinta toddobaadna waxaad bixisaan toddoba dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
第七日には少き牡牛七匹牡羊二匹當歳の羔羊の全き者十四を献ぐべし
33 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
その牡牛と牡羊と羔羊のために用ふる素祭と灌祭はその數にしたがひて例のごとくすべし
34 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
また牡山羊一匹を罪祭に献ぐべし是等は常燔祭およびその素祭と灌祭の外なり
35 Oo maalinta siddeedaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn,
第八日にはまた汝ら會をひらくべし何の職業をも爲べからず
36 laakiinse waxaad bixisaan qurbaan la gubo, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon, oo waa dibi iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.
燔祭を献げてヱホバに馨しき香の火祭をたてまつるべし即ち牡牛一匹牡羊一匹當歳の羔羊の全き者七匹を献ぐべし
37 Oo dibiga iyo wanka weyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan.
その牡牛と牡羊と羔羊のために用ふる素祭と灌祭はその數にしたがひて例のごとくすべし
38 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
また牡山羊一匹を罪祭に献ぐべし是らは常燔祭およびその素祭と灌祭の外なり
39 Kuwaas waa inaad Rabbiga u bixisaan iidihiinna xilligooda, kuwaasoo ayan ku jirin nidarradiinna iyo qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah, kuwaasu waa qurbaannadiinna la gubo, iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah, iyo qurbaannadiinna cabniinka ah, iyo qurbaannadiinna nabaadiinada.
汝らその節期にはヱホバに斯なすべし是らは皆汝らが願還のために献げまたは自意の禮物として献ぐる所の燔祭素祭灌祭および酬恩祭の外なり
40 Oo Muuse wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan.
モーセはヱホバのモーセに命じたまへる事をことごとくイスラエルの子孫に告たり

< Tirintii 29 >