< Tirintii 28 >

1 Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
καὶ ἐλάλησεν κύριος πρὸς Μωυσῆν λέγων
2 Reer binu Israa'iil amar, oo waxaad ku tidhaahdaa, Qurbaankayga oo ah cuntada qurbaannada dabka la iigu sameeyo oo carafta udgoon ii ah waa inaad dhawrtaan inaad wakhtigoodii bixisaan.
ἔντειλαι τοῖς υἱοῖς Ισραηλ καὶ ἐρεῖς πρὸς αὐτοὺς λέγων τὰ δῶρά μου δόματά μου καρπώματά μου εἰς ὀσμὴν εὐωδίας διατηρήσετε προσφέρειν ἐμοὶ ἐν ταῖς ἑορταῖς μου
3 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Kanu waa qurbaanka dabka lagu sameeyo oo aad Rabbiga u bixisaan laba wan oo gu jir ah oo aan iin lahayn oo aad maalin kasta qurbaan la gubo oo joogto ah u bixisaan.
καὶ ἐρεῖς πρὸς αὐτούς ταῦτα τὰ καρπώματα ὅσα προσάξετε κυρίῳ ἀμνοὺς ἐνιαυσίους ἀμώμους δύο τὴν ἡμέραν εἰς ὁλοκαύτωσιν ἐνδελεχῶς
4 Waa inaad wan bixisaa aroortii, wanka kalena makhribkii.
τὸν ἀμνὸν τὸν ἕνα ποιήσεις τὸ πρωὶ καὶ τὸν ἀμνὸν τὸν δεύτερον ποιήσεις τὸ πρὸς ἑσπέραν
5 Oo waxaad la bixisaa oo qurbaan hadhuudh ka dhigtaa eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis oo lagu daray hiin rubuceed oo ah saliid saafi ah.
καὶ ποιήσεις τὸ δέκατον τοῦ οιφι σεμίδαλιν εἰς θυσίαν ἀναπεποιημένην ἐν ἐλαίῳ ἐν τετάρτῳ τοῦ ιν
6 Kaasu waa qurbaan la gubo oo joogto ah oo Buur Siinay laga amray inuu ahaado qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga oo caraf udgoon u ah.
ὁλοκαύτωμα ἐνδελεχισμοῦ ἡ γενομένη ἐν τῷ ὄρει Σινα εἰς ὀσμὴν εὐωδίας κυρίῳ
7 Oo wan qurbaankiisa cabniinku waa inuu ahaadaa hiin rubuceed, oo meesha quduuska ah waa inaad Rabbiga ugu shubtaa qurbaan cabniin oo ah khamri culus.
καὶ σπονδὴν αὐτοῦ τὸ τέταρτον τοῦ ιν τῷ ἀμνῷ τῷ ἑνί ἐν τῷ ἁγίῳ σπείσεις σπονδὴν σικερα κυρίῳ
8 Oo wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa, oo qurbaankiisii hadhuudhka iyo qurbaankiisii cabniinka waa inaad isaga la bixisaa sida kii aroortii oo kale, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon.
καὶ τὸν ἀμνὸν τὸν δεύτερον ποιήσεις τὸ πρὸς ἑσπέραν κατὰ τὴν θυσίαν αὐτοῦ καὶ κατὰ τὴν σπονδὴν αὐτοῦ ποιήσετε εἰς ὀσμὴν εὐωδίας κυρίῳ
9 Oo maalinta sabtidana waxaad bixisaa laba wan oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn, iyo eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay labadiis meelood ee qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray iyo qurbaankiisii cabniinka.
καὶ τῇ ἡμέρᾳ τῶν σαββάτων προσάξετε δύο ἀμνοὺς ἐνιαυσίους ἀμώμους καὶ δύο δέκατα σεμιδάλεως ἀναπεποιημένης ἐν ἐλαίῳ εἰς θυσίαν καὶ σπονδὴν
10 Kaasu waa qurbaanka la gubo oo sabtida, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinku ku jirin.
ὁλοκαύτωμα σαββάτων ἐν τοῖς σαββάτοις ἐπὶ τῆς ὁλοκαυτώσεως τῆς διὰ παντὸς καὶ τὴν σπονδὴν αὐτοῦ
11 Oo bilowga bilihiinnana waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,
καὶ ἐν ταῖς νεομηνίαις προσάξετε ὁλοκαυτώματα τῷ κυρίῳ μόσχους ἐκ βοῶν δύο καὶ κριὸν ἕνα ἀμνοὺς ἐνιαυσίους ἑπτὰ ἀμώμους
12 oo eefaah bur ah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo saliid lagu daray waa inaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan dibi kasta, oo eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay labadiis meelood oo saliid lagu daray waa inaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan wanka weyn.
τρία δέκατα σεμιδάλεως ἀναπεποιημένης ἐν ἐλαίῳ τῷ μόσχῳ τῷ ἑνὶ καὶ δύο δέκατα σεμιδάλεως ἀναπεποιημένης ἐν ἐλαίῳ τῷ κριῷ τῷ ἑνί
13 Oo wan kasta oo yarna waxaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis oo saliid lagu daray, kaasoo wada ah qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah oo Rabbiga dab loogu sameeyo.
δέκατον σεμιδάλεως ἀναπεποιημένης ἐν ἐλαίῳ τῷ ἀμνῷ τῷ ἑνί θυσίαν ὀσμὴν εὐωδίας κάρπωμα κυρίῳ
14 Oo qurbaannadooda cabniinkuna waa inay ahaadaan hiin nuskeed khamri ah dibigiiba, iyo hiin saddex daloolkeed oo wanka weyn la socdaa, iyo hiin rubuceed oo wanka yar la socdaa. Intaasu waa qurbaanka la gubo oo ay tahay inaad bixisaan bil kasta bilaha sannaddii oo dhan.
ἡ σπονδὴ αὐτῶν τὸ ἥμισυ τοῦ ιν ἔσται τῷ μόσχῳ τῷ ἑνί καὶ τὸ τρίτον τοῦ ιν ἔσται τῷ κριῷ τῷ ἑνί καὶ τὸ τέταρτον τοῦ ιν ἔσται τῷ ἀμνῷ τῷ ἑνὶ οἴνου τοῦτο ὁλοκαύτωμα μῆνα ἐκ μηνὸς εἰς τοὺς μῆνας τοῦ ἐνιαυτοῦ
15 Oo waa inaad orgi Rabbiga ugu bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinku ku jirin.
καὶ χίμαρον ἐξ αἰγῶν ἕνα περὶ ἁμαρτίας κυρίῳ ἐπὶ τῆς ὁλοκαυτώσεως τῆς διὰ παντὸς ποιηθήσεται καὶ ἡ σπονδὴ αὐτοῦ
16 Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaadna waa wakhtiga Kormaridda Rabbiga.
καὶ ἐν τῷ μηνὶ τῷ πρώτῳ τεσσαρεσκαιδεκάτῃ ἡμέρᾳ τοῦ μηνὸς πασχα κυρίῳ
17 Oo bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa in iidi jirtaa. Toddoba maalmood waa in kibis aan khamiir lahayn la cunaa.
καὶ τῇ πεντεκαιδεκάτῃ ἡμέρᾳ τοῦ μηνὸς τούτου ἑορτή ἑπτὰ ἡμέρας ἄζυμα ἔδεσθε
18 Oo maalinta kowaadna waa in la yeesho shir quduus ah. Idinku waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn,
καὶ ἡ ἡμέρα ἡ πρώτη ἐπίκλητος ἁγία ἔσται ὑμῖν πᾶν ἔργον λατρευτὸν οὐ ποιήσετε
19 laakiinse waa inaad bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaas oo ah qurbaan loo gubo Rabbiga, oo ah laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah. Waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn.
καὶ προσάξετε ὁλοκαυτώματα καρπώματα κυρίῳ μόσχους ἐκ βοῶν δύο κριὸν ἕνα ἑπτὰ ἀμνοὺς ἐνιαυσίους ἄμωμοι ἔσονται ὑμῖν
20 Oo qurbaankooda hadhuudhkuna wuxuu ahaan doonaa bur saliid lagu daray. Burka toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood waa inaad dibiba la bixisaan, labadiis meeloodna wanka weyn,
καὶ ἡ θυσία αὐτῶν σεμίδαλις ἀναπεποιημένη ἐν ἐλαίῳ τρία δέκατα τῷ μόσχῳ τῷ ἑνὶ καὶ δύο δέκατα τῷ κριῷ τῷ ἑνί
21 iyo meeshiisna toddobada wan oo yaryar midkood kasta.
δέκατον δέκατον ποιήσεις τῷ ἀμνῷ τῷ ἑνὶ τοῖς ἑπτὰ ἀμνοῖς
22 Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan si laydiinku kafaaro gudo.
καὶ χίμαρον ἐξ αἰγῶν ἕνα περὶ ἁμαρτίας ἐξιλάσασθαι περὶ ὑμῶν
23 Kuwaas waa inaad bixisaan iyadoo uusan ku jirin qurbaanka la gubo oo subaxnimada, kaasoo ah qurbaan la gubo oo joogto ah.
πλὴν τῆς ὁλοκαυτώσεως τῆς διὰ παντὸς τῆς πρωινῆς ὅ ἐστιν ὁλοκαύτωμα ἐνδελεχισμοῦ
24 Sidan waa inaad maalin kasta intii toddoba maalmood ah u bixisaan cuntada ah qurbaanka dabka lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. Taas waa in la bixiyaa iyadoo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.
ταῦτα κατὰ ταῦτα ποιήσετε τὴν ἡμέραν εἰς τὰς ἑπτὰ ἡμέρας δῶρον κάρπωμα εἰς ὀσμὴν εὐωδίας κυρίῳ ἐπὶ τοῦ ὁλοκαυτώματος τοῦ διὰ παντὸς ποιήσεις τὴν σπονδὴν αὐτοῦ
25 Oo maalinta toddobaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn.
καὶ ἡ ἡμέρα ἡ ἑβδόμη κλητὴ ἁγία ἔσται ὑμῖν πᾶν ἔργον λατρευτὸν οὐ ποιήσετε ἐν αὐτῇ
26 Oo weliba maalinta midhaha hore la goosto, markaad qurbaan hadhuudh oo cusub Rabbiga ugu bixisaan iidda toddobaadyada waa inaad shir quduus ah yeelataan; oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn.
καὶ τῇ ἡμέρᾳ τῶν νέων ὅταν προσφέρητε θυσίαν νέαν κυρίῳ τῶν ἑβδομάδων ἐπίκλητος ἁγία ἔσται ὑμῖν πᾶν ἔργον λατρευτὸν οὐ ποιήσετε
27 Laakiinse waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah,
καὶ προσάξετε ὁλοκαυτώματα εἰς ὀσμὴν εὐωδίας κυρίῳ μόσχους ἐκ βοῶν δύο κριὸν ἕνα ἑπτὰ ἀμνοὺς ἐνιαυσίους ἀμώμους
28 oo waxaad la bixisaan qurbaankooda hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burkii tobankii meelood dibigii kasta saddex meelood la bixi, oo wankana laba meelood la bixi,
ἡ θυσία αὐτῶν σεμίδαλις ἀναπεποιημένη ἐν ἐλαίῳ τρία δέκατα τῷ μόσχῳ τῷ ἑνὶ καὶ δύο δέκατα τῷ κριῷ τῷ ἑνί
29 oo toddobada wan oo yaryarna midkood kasta meel la bixi.
δέκατον δέκατον τῷ ἀμνῷ τῷ ἑνὶ τοῖς ἑπτὰ ἀμνοῖς
30 Oo waa inaad bixisaan orgi laydiinku kafaaro gudo.
καὶ χίμαρον ἐξ αἰγῶν ἕνα περὶ ἁμαρτίας ἐξιλάσασθαι περὶ ὑμῶν
31 Oo iyaga iyo qurbaannadooda cabniinka waa inaad bixisaan iyadoo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa hadhuudhka ahu ku jirin (oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn).
πλὴν τοῦ ὁλοκαυτώματος τοῦ διὰ παντός καὶ τὴν θυσίαν αὐτῶν ποιήσετέ μοι ἄμωμοι ἔσονται ὑμῖν καὶ τὰς σπονδὰς αὐτῶν

< Tirintii 28 >